“Madaxweyne Rayaale iyo kuwa ka Dambeeyaa toona Hal taako oo ka mid ah Xuduudaha Somaliland Umma Goyn Karaan Dal Kale.”Wasiirka Dalxiiska
Hargeysa-(Saylac.com)-Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa si wayn ugu dhaliilay xisbiyada mucaaridka Somaliland inay xaallad xasaasiya ka abuurayaan Gobolka Awdal, isla-markaana ku eedeeyey inay daba ka riixayeen odayaal reer Boorame ah oo isku dayay inay tagaan Jasiiradaha Ceebaad iyo Sacaadadiin, balse ay xukuummadu iska hortaagtay booqashadoodaas.
Wasiirka Dalxiisku waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray, oo nuqul ka mid ah ay heshay shabakada caalamiga ah ee Saylac.com.
Hadaba, warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan; “Waxa had iyo goor sida looga bartay caado u ah qolyaha mucaaridka in waxqabad kasta oo ay ku tallaabsato Xukuumaddu ay u arkaan waxyeelladooda iyo inay dhabar jab ku tahay Xusul-duubka ay ugu jiraaan hanashada Hoggaaminta dalka, iyagoo aan marnaba ka fikirin in wax kasta oo ku soo kordha dalka iyo dadka Horumarkiisa uu guul u yahay mucaarid iyo muxaafidba.
Arrinta kale ee la yaabka leh ee ku gaarka ah mucaaridka dalkeena, waxa ka mid ah sida maqluubka ah ee ay dadweynaha wax ugu fasiraan uguna gudbiyaan ee ka fog xaqaa’iqa ee ay mar kasta shugux shuguxda ugu tumaan shacabka,hase ahaatee aanay ogeyn in dadku ka il-baxay oo aanay dib dambe ugu didin karin.
Maanta waxay shugux shugux ka dhigteen Jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebaad oo ay muwaadiniin reer Somaliland ahi ku dhiiradeen inay maal-gashadaan,iyadoo haba yaraatee aanay jirin cid kale oo gacan ka siisay sidii loo horumarin lahaa Xeebaheena iyo Jasiiradaheena oo had iyo goor ay inagu dhiiri gelin jireen Suxufiyiinta ajaanibka ah iyo dadka kale ee ajaanibka ahi inaan ka faa’iidaysano quruxda iyo bilicda Eebe ku manaystay dhul xeebeedkeena.
Gees kale, haddii aan ka eegno waxaan ogsoonahay in dalka shaqo la’aani ka jirto,haddaba marka dacaayad indho la’ iyo xajiimayn qaawan mucaaridku ku qaadeen cid kastoo maal gelin ku samaynaysa dalka oo ah sida ugu habboon ee shaqo abuuris loogu samayn karo muwaadiniinta, miyaan la odhan karin waxa ay mucaaridku horumar kasta oo laga sameeyo dalka u arkaan geeridooda xaga siyaasada? Sidaasi darteed waa mudnaantooda koowaad inay qas iyo qalalaase kala hortagaan tallaabo kasta oo loo qaadayom dhinaca horumarka iyagoo aan dantooda mooyee aan mid dad iyo dal-toona aan wax dan ah ka lahayn.
Jasiiradaha Ceebaad iyo Sacaadadiin waxaanu ka war haynaa inay cidlo iska ahaayeen, dawladihii dalka u kala dambeeyayna aanay danayn, in kastoo cilmi Baadheyaal, Dalxiisayaal iyo Suxufiyiin booqday Jasiiradahaasi wax badan ka qoreen, gaar ahaan siday ugu wanaagsan yihiin in goobo Dalxiis laga sameeyo iyo inay ka mid yihiin goobaha laga helo noocyada kalluun ee Naadir ku ah caalamka.
Si kastaba ha ahaatee, maalgashiga dalka waxa banneeyay Dastuurkeena,Xeerkii Maal-gelinta ee Jamhuuriyada Somalilandna hore ayay u ansixiyeen Goleyaasheena qaranku,haddadaba mar hadday sidaa tahay, Xukuumaddu waa waajibkeeda inay gudato oo dakda shaqo abuuris u samayso u joojin mayso Siyaasada Ceeryaamada ah ee mucaaridku ugu tilmaameen dadka inay yihiin darruurihii mucaaridka.
Qodobka ugu dambeeya waxa la gudboon in mucaaridku isku juq-juqeynta beelaha wada dega ka daayaan oo tusaalaha aan u soo qaadan karnaa uu yahay kii ugu dambeeyay ee lagu dhaqdhaqaajiyay qaar ka mid ah Salaadiintii reer Awdal ee lagu jiheeyay Jasiiradahaasi.
Ta kale aan dadweynaha u bayaaminayno ee maqluubka loogu akhriyay ee aan sheegaynaa waxa ay tahay in Madaxweyne Rayaale iyo ku ka dambeeyaa toona aanay hal taako oo ka mid ah Xuduudaha dalka JSL u goyn karin dal kale, waana lama taabtaan muqadas ah, Jasiiradahaana cidii doontaa way booqan karaan si ay indhahooda ugu soo akraan calanka Somaliland ee ka dul babanaya.”
Saylac.com
Hargeysa
Somaliland
Marka hore aadbaan usalaamayaa dhamaan dadka muslimiinta ah meel walboy joogaan hadaan usoo daadago ujedadayda …………..
Mudane wasiir hadalkaaga is dhaafbaa ka muuqda isdhaafkaaso ah inaad marna leedahay muwaadiniin baa dhisanaya marna leedahay waa la maal gashanayaa marka hore kala cadee ta kale waxba mucaaradka haku ordine adaa indhaha iska tuurayee ma labadan nin ee aan naqaano maalaka ay haysataan ayaa maal galin kara jasiiradah waawayn khajil wasiir waa taqaan inta ku baxdaa hoteelo dalxiise…….
soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ( Sagaaro xaar muuqan doona ayey aasaastaa ) anuu waxaan u arkaa wasiirka inu laga dhex hadlayo
lakiin warkii jiraaba cakaaro ayuuu iman
ASXAABI - December 31, 2009 2:04 pm