Xujaajta oo maanta taagan bankii Carafa iyo Maalinta Jimcada 27-11-09 oo Noqonaysaa Maalinta Ciida Posted to the Web Nov 26, 08:27

11/26/2009 5:37:00 PM

hajjMakka-Almukarama(Saylac.com)- Ku Dhawaad labo malyan iyo bar (2.5 ) xujaaj ah ayaa maanta istaagay bankii Carafo si ay u gutaan Rukniga Xajjka ugu weyn, kadib markii ay martida Allah Arbacadii shalay ay ku dhamaysteen Minaa oo ku beegnayd maalinta 8aad ee bisha Xajka ama loo yaqaan Yawmu Tarwiyah.

       

Xujaajta ayaa markay qoraxdu dhacdo u hoyan doona meesha lagu magacaabo Muzdalifah ayagaa ku sii jeeda Mina.

Maalinta Jimacaha oo ah maalinta kowaad ee ciidda carafo, ayaa Xujaajta waxay xoolaha Hadyiga ah ku Gowracayaan Mina sidoo kalana bilaabi doona dhagax tuurka kii u horeeyay oo lagu magacaabo Jamratu Al-Caqabatu Al- Kubraa.

Waxaa si heersara ah loo agaasimay hab socodka dadka iyo gaadiidka in kabadan 70.000 oo bas ayaa xujaajta lagu daabulayay intii socan kartayna lug ayay ku jibaaxeen.

Waxa, aad loo sugay amaanka xujaajta waxaana meel kasta taagnaa Ciidamada Amaanka ay Dowlada Sacuudiga ugu talagashay Sugida amaanka Xujaajta.

Dowlada Sacuudiga ayaa ku guulaysatay in ay Qanciso Xujaajta, waxaa heegan ku jira in ka badan 180 baabuurta gargaarka deg degga ah 15 diyaaradaha qumaatiga u kaca oo loogu talagay in ay caawiyaan cidii xanuunsata ama dhib kale qabsado.

Wasaarada Caafimaadka ayaa xaqiijiysay in ay 4 Xujaaj ah u geeriyoodeen Cudurka Hargab Doofaarka ilaa 68 qofna uu ku dhacay, waxayna sheegeen in ay waxkasta diyaar ula yihiin Xujaajta.

Dowlada Sacuudiga ayaa ah dowlada kaliya ee aduunka Marti galisa dad ka badan saddax maylan sanadkasta una qabata Khidmad aad u heersareysa , sanadkasta kan ka danbeeyana kor u qaada tayada wax qabadka waxaana aad u yaraaday shilalaka ay ku dhiman jireen dad badan oo xujaaj ah.

Siciid Cabdiraxman
Saylac.com
Makka- Almukarama-Saudi Arabia


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies