Xisbiga kulmiye waa u halis nabada somaliland Friday, November 6, 2009
Meelkasta oo ay nabadi jirto waxa qasab ah oo aan marnaba lawaayayn cid kutala gasha oo geed gaaban iyo geed dheerba ufuusha shaadh kastana usoo gashata sidii ay uxagal daacin lahayd nabada markaas jirta. dadka noocan ahi maaha qaar iskood nabada uneceb laakiin waxaa kukalifa aragti ay qabaan oo ah inaan damacoodu suurtoobayn ilaa nabad lawaayo .
1918 waxaa dhamadaay dagaalkii koowaad ee aduunka ee galaaftay malaayiin qof ,dagalkaas kadib waxay dawladihii markaa jiray isla qaateen inay nabad kuwada noo laadaan laguna fakiro horu mar halkii laga fakirilahaa colaad. inkastoo dadka badankiisu ay ku nasteen, hadana waxa jiray kuwo ay iyaga dhibaysay degenaanshahaa dadku kujiray . waxaa jiraya kooxo isugu jiray siyaasiyiin iyo baadariyo ka hadli jiray meelo fagaarayaal ah oo kuyaala dalka jarmalaka kuna wacdiyi jiray dadka in cidgaara lanaco waxay ahaayeen dad aad u aftahano ah iskana dhigi jiray kuwo daacad ah .waxa ay dadka kuusoo jiidan jireen laba arimood oo markaa xaasaasiyad lahaa
1. waxa ay dadka ugu qudbadayn jireen in dagaalkii koowaad iyaga layskugu tagay heshiiska dhex maray dadkii walaalaha ahaa ee reer yurubna uuahaa mid iyaga loogaga eexday ay tahayna inay dib wixii dhacay usoo celiyaan oo ay aarsadaan
2. waxa ay dadka usheegi jireen in dhaqaale xumada jarmalka kajirta ay sababtay xukumadii markaa ka jirtay jarmalka. dawladii jarmalka ee markaa jirtay umay arkayn kooxdan qaar khatar ku ah nabadii lahaystay markaa , taasina waxay keentay in uu taladii lawareego hitler sidaana ay kuburburtay nabadii markaa lahaystay, dhacana dagaalkii labaad ee aduunku.
hadaba waxaa iswaydiin mudan nabada iyo horumarka kajira somaliland ee ay cid waliba dareemayso majiraan dad cadow ku ihi? jawaabtu waa ah .
somaliland waxaa kajira koox lamida kooxda aynu kor kusoo sheegnay oo ay horkacayaan siyaasiyiin uu hormood uyahay siilaanyo iyo kooxo wadaado sheegta oo ay hormood uyihiin aadan siiro iyo c.casiis samaale oo kumidaysan xisbiga kulmiye.
kooxdani si ay uwiiqdo nabada aynu haysano una gaadhaan ujeedooyinkooda ayay dadka meelkasta iyo fagaare kasta uga jeediyaan qudbado lamida qudbadihii ay akhrinjireen hitler iyo xulufadiisii .
sidii xisbigii naasiga waxay isku qaybiyeen laba qaybood oo kalah
1. koox siyaasiyiina oo fagaare kasta kahadla iyagoo markasta soo faqa godobo ay dadka walaalaha ahi kaheshiiyeen hal haysna ay unoqotay hebel waakii ina layn jiray iyo hebel waa kii ina dhici jiray si ay ugu abuuraan bulshada dhexdeeda necbaynshiiyo
2. kooxda labaad waa koox wadaado ah oo uu horkacayo aadan siiro oo baytkii ilaahay oo ah masaajidada halkii uu dadka ugu wacdinlahaa ugu qudbadeeya dhaqaaleheeni waxaa cunaya dawlada iyo ina rayaale ee aynu iska qabano iyo taariikh cusubaa laynoo samaynayaa iyo wax yaalo lamida oo keeni kara cawaaqib xumo
maadama aynu aragno koox usaansaan eeg kooxdii hitler waxa waajib inagu ah inaynaan dhayal san kooxdan oo aynaan u arag laba siyaasi iyo laba wadaad isku sheeg oo meelahaa kaqayl qaylya bal se aynu dawlad iyo shiciba aynu ku baraarugno, khatarta ay leeyihiin kooxdani ,islamarkaan aynu gacan bira kuqabano si aynu ubadbaadino dalkaaena , oo aaynan u ogolaan ianay gaadhaan ujeedadooda qaran dumiska ah
wabilaahi tawfiiq