Xaflad cusub oo loogu wanqaley degmada cusub ee sayla ee ka tirsan gobolka Hawd

11/25/2009 4:33:00 PM

 (Sayloo guyaalbadan seerseerna loo degan sanad geelu badi dhalay oon sidigta laaleys nirguhu ayna socod baran….)

saylo3Hargeysa(Saylac.com)-Sida aan lawada socono maddaxwaynaha jamhuuriyada  Somaliland  Daahir Riyaale Kaahin ayaa bilo kahor ayaa magacaabay gobolkii 13aad ee ay yeelato jamhuuriyada Somaliland waxaana loogu wanqalay gobolka hawd caasimadiisuna tahay magaalada Baligubaddle.
Haddaba madaxweyna somliland ayaa maalmo ka hor bishii ramadaan ee ina dhaaftay u magacaabay degmadii kowaad ee gobolka Hawd waxaana nasiib u heshay inay noqotodegmada SAYLA. saylo

Sayli waxay koonfureed 32km kaga beegantahay caasimada hargeysa waxaana maanta oo ay bishu tahay 24/11/2009 lagu qabtay xafladii wanqalka ee degmadaas cusub taas oo ka dhacday isla deegaanka SAYLA haddii aan u qalin qaatay sida ay xafladu u dhacday waa sidan:-
Madal loo soo agaasimay si farshaxanimo ku dheehantahay oo heer sare ah oo kulmisay Boqoro,Salaadiin,Wasiiro,Shirgudoonka labada gole iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, Mujaahidiin, Aqoonyahan iyo marti sharaf farabadan oo ah Rag iyo Dumarba leh oo ka kala yimid dhamaan gobolada oo dhan ayaa ka soo qayb galay xaflada wanqalka ee degmada SAYLA.
Waxaa haddalkii furitaan ee xaflada furay Badhasaabka gobolka HAWD
 Mr Cali Cawil oo marti loo ahaa waxaanu sayla ku amaanay inay tahay deegaanka kaliya ee aanay wax mashaqo ahi ka dhicin intii uu joogay gobolka hawd, waxaa sidoo kale uu uga markhaati kacay inay kaalinta koowaad ka gashay gobolka maroodi jeex oo ay hore uga tirsanaan jirtay, waxaa kaluu ku daray inay SAYLA tahay goobtii lagu xaliyay khilaafkii ugu khatarta badnaa ee ka dhacay gobolka maroodi jeex kaasoo muddo badan la xalin kariwaayay.
Waxaa isna martida qiimaha leh soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Sh.Axmed Sh.Nuur Furre oo isagu deegaan ahaan ka soo jeeda SAYLA waxaanu dhamaan martida u sheegay inay maanta ka reebantahay arimaha siyaasadu maadaama oo ay tahay xaflad  lagu furaayo degmo cusub oo ay u simanyihiin mucaarad iyo muxaafadba.
Waxaa isna soo dhawnta marti sharafta qiimaha badan ee wakhtigooda qaaliga ah usoo huray soona ajiibay codsigii degmada soona ajiibay una mahad celiyay Boqorka beesha ayuub boqor Cali Xuseen Kaahin ayaa si qiimo iyo qadarin leh usoo dhaweeyay marti sharafta.saylo2
Waxa si aan kala hadhlahayn hadalo,hambalyo iyo bogaadin isugu jira ka jeeday xaflada degmada cusub iyagoo oo waliba raacsanyay kaftan aan turxaan lahayn iswaydaarsanay,iskuna raacay dhamaantood inay sayli u qalanto degmonimada tahayna goob taariikhi ah oo ka mida saldhigyadii ugu qiimaha badnaa ee SNM, tahayna xerro awliyo, ragga hadaladaas iska daba maray waxaa kamida boqor Raabi,suldaanka guud ee beesha subeer awal suldaan xasan suldaan cabdi qaadir,suldaan siciid yuusuf ducaale,suldaan xuseen cabdi, suldaan axmed nuur samaale,iyo suldaan saleebaan cali.

 

Hadaba waxaa isna xaflada balan qaadkii koowaad ka sameeyay duqa magaalada hargeysa Eng xuseen maxamed jiciir,oo balan qaaday inuu bixin doono dawlad hoose ahaan dhismaha xarunta degmada iyo wixii qalab xafiis ah.
Shirgudoonka golaha wakiilada ayaa iyaguna dadka degan deekaas ku booriyay inay u wada hawl galaan sidii ay u dhisi lahaayeen degmada maadaama oo dhulkani yahay mid wax beerista ku fiican, in wax laga beerom dhismaheedan madaxda deegaanka iyo shicibkuba ay bilaabaan.
Looma kala hadhine waxaa isna madasha hadalo guubaabo ah ka soo jeediyay gudoomiyaha xisbiga kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kana sheekayay taariikhdii ay halganka ku lahayd sayli iyo dadka deegaankani ay uga soo qayb qaateen udaagaalankii iyo xorayntii dalka, waxaanu intaa raaciyay in hada xukuumada jirtaa ay u fududahay inay gobo lama degmo magacawdo laakiin aanay waxba u qaban, waxaanu kula dardaarmay reer sayla in iyaga la siiyay magac laakiin iyaga looga fadhiyo horumarinta iyo hirgelinta degmada.

Waxaa isna balan qaadkii labaad sameeyay wasiirka wasaarada caafimaadka mr. cabdi haybe cilmi, waxaa uu isna balan qaaday inuu dhamaystiri doono adeega caafimaad ee ay u baahantahay degmadu keenina doono daawo iyo dhakhaatiir ka hawl gasha degmada sayla,

Wasiiru dawlaha wasaarada macdanta iyo biyaha, wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada, wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga,Axmed Maxamed Filanwaa, ayaa iyaguna talo iyo waano dhaxal gal ah usoo jeedayay dadka deegaanka iyaga oo isku duuban si wada jir ah wax u wada qabsadaan iskan ilaaliyaan kala qoqobnaanta iyo kala qaybsanaanta.

Waxaa guntii iyo gabogabadii xaflada si rasmi ah xadhiga uga jaray wasiirka wasaarada arimaha gudaha cabdilaahi cirro waxaanu si faahfaahsan uga hadlay ahmiyada ay leedahay degmadani isagoo waliba ugu bushaareeyay inay xukuumadu diyaar la tahay hir gelinta dhismaha saldhiga degmada iyo ciidankii ka hawl geli lahaa degmada, waxaanu ku daray in gaadhigii gudoomiyahana uu diyaar yahay.

Hadii aan inta ku dhaafo xafladii wanqalka ee degmada sayla, waxa isweydinta mudan ee ay ummadii madasha isugu timid is weyndinayeen, sababta ay masuuliyiinta xisbiga UCID uga soo qayb geli waayeen xafladan maadaama oo ay xubnihii ugu sareeyay ee xisbiyada UDUB iyo KULMIYE aan cidi ka maqnayn?
Ma guddigada qabanqaabada ayaan soo macsuumin mise UCID baa iska maqnaatay?
Su’aashaa jawaabteeda waxaan u dhaafayaa masuulinyiinta xisbiga ucid.
Xisbiga ucid wuxuu noqon doonaa mid arintaa ka bixiya xaal marinteeda ay leedahay amma wuxuu noqon doonaa mid loo sababeeeyo ujeedada uu madashan karaamada leh looga reebay ?

Wariye Madax Banaan:
Maxamed Jaamac Xaashi
Tell:+252 2 4443571
Email: boodhari13@hotmail.com


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies