Suuqa ganacsiga xoolaha Borama oo musalafay ama kacay
Borama(Saylac.com)- Suuqa xoolaha lagu kala iibsado ee Borama ayaa gabi ahaanba gacmaha dhulka dhigay ka dib markii cashuuraha xad-dhaafka ah ee dawlada hoose kusoo rogtey xoolaha dadkii xoolaha keenayey ay dib uga joogsadeen. Cashuurta laga qaado xoolaha ayaa waxay u dhigantaa 20% qiimaha neefka lagu kala iibsado ka hor intaan laga jarin dilaalka iyo khidmaha kale sida macalhaynta iyo xanaaneynta neefka, cawska, Biyaha iyo Xerada lagu nasiyo xoolaha mudada ay iibka sugayaan.
Cashuurta dawlada hoose ee Borama kasoo gasha ganacsiga xoolaha Borama ayaa si lama filaana hoos ugu dhacday taniyo mudadii cashuur bararka la bilaabay. Muqaalka suuqa ayaad ku arkaysaa xoolo aan sidaa u tiro badnayn sababtuna waxa loo aanaynayaa cashuuraha xad-dhaafka ah ee dadweynaha masaakiinta ah ee xoolaha u iibkeena Borama lagu hayo. Marka la isgarab dhigo cashuurta suuqa xoolaha wajaale iyo ka Boorama waxa u dhexeeya faraq aad uweyn halka 20% qiimaha neefka lagu cashuuro Borama suuqa weyn ee Wajaale waxa cashuurta neefku tahay 5% oo kaliya, waana sababta ay ganacsatada xooluhu wajaale ugeyaan xoolaha ay iibka u wadaan.
Xayiraada dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dhinac walba kasoo wajahay Borama kaliya maaha cashuurta la kordhiyey balse waxa ugu daran waxa weeyi xoolaha dadku damcaan in Jabuuti ay u iibgeyaan oo iyagana loo fadhiisto xeebta saylac cashuur iska daaye gabi ahaanba lala wareego ama mulkiilaha xoolaha lagu qasbo inuu bixiyo cashuur qayrul caadi ah iyo lacagooyin kale oo ganaaxa.
Lacagahaa ganaaxa iyo cashuurahaa laga qaado xoolalayda reer Borama meel la geeyo cidina kama warhayso adeega dawlada hoose ee Gobolka Awdal marnaba kama jawaabi karto sababta ka horjoogta adeega asaasiga ah ee ay ka mid yihiiin : Nadaafada Magaalada Borama inay waxka qabato. “lacagaha cashuurta laga qaado kastamka saylac waxa uu jeebka ugu dhacaa halwasiir iyo wiilka uu adeerka u yahay ee xisaabiyaha ka ah kastamka saylac” sidan waxa saylac u sheegay askari ka hawlgala kastamka lawyacdo ee gobolka Selel.
Mushahaarka ay qataan waaxda kastamka lawyacado oo aan isku daynay inaan wax ka ogaano waxa noo soo baxday in uu yahay $15,000 shan iyo toban kun oo doolar bishii oo uu qaato xisaabiya kastamku iyo sakaratariga xafiiska xisaabiya oo iyana qaatada 8,000 bishii . intaa waxa dheer in labadan shaqsi ee masuulka ka ah dhaqaalaha cashuurta ka soo baxda kastamka lawyado ay leeyihiin shaqaale kale oo gaar ah oo isugu jira askar aan dawlada ka mushahaar qaadan oo iyaga u shaqeeya mushaarkooda ay bixiyaan. Dhaca iyo boobka ay dhawrkan qofi ku hayaan dadweynaha reer Awdal wali lama arag cid ka hadasha ama ka damqata.
Xayiraada ganacsi ee soo wajahay Borama ma aha mid dhawaan bilawday balse waa mid maalinba maalinta ka danbaysa kasii daraya waxaanad ka dareemi kartaa basaarada taala magaalada iyo faqriga qarsoon ee aanay dadku ogayn meesha uu ka yimid oo ah cunaqabatayn cad oo dawlada somaliland ku hayso gobolka Awdal.
Farax Muxumed oo aanu kula kulanay gegeda ganacsiga xoolaha Borama ayaa noo sheegay in hadii wax laga bedeli waayo nidaamka cunaqabataynta lagu hayo ganacsiga Awdal si dhakhsiyo loo arki doono gabi ahaanba ganacsiga Borama oo afka dhulka daray.
Saylac.com
Borama Awdal