Inta Aanad Garaneyn Garaadkeygu Wuxuu Rabo, Ayaa baanad Garaneyn Guushaadu Waxey Tahay.by/Abdirasaaq Hammaal.

11/25/2009 6:59:00 PM

Tixraaca Aragtida  dadweynaha

Bari baa waxaan jirey nin la odhan jirey Waayo-Arag, ninkaasi aad uu u hadal badnaa hase yeeshee tusmada hadalkiisa iyo tiraab hawraareedka uu ku hadaaqi jirey uma badneyn tawaawuc iyo tufid weedh xun, wuxuu ahaa nin wanaag badan weheliyo duhnigiisa, dabcan hoga tusaaleynta hadalkana u adeegsan jirey murti aad u macaan badan misana ku dhisan wada tashi, waano, wada jir, wacyi galin, wax isu sheeg, wadar, wada noolaansho, wanaag, wax ka fiirshado, wehel iyo weerar loo dhan yahay.
 
Ninkii Waayo-Arag beeshii uu ka dhashey baa kor ilaa hoos karahdey hadal badnidiisii, meel uu joogaba waar aamus baa is-gaadhey, waxey sidaas ahaataba Waayo-Arag baa maalin maalmaha ka mid ah yidhi markaan aamus idhaah daba Ey laf sita ayuun baan arkayaa oo weedha hadalkeyga ugu horeysaaba WID uun baan ka bilaabaa, waxa lagu yidhi Waayo-Aragow marka aad Ey-ga lafta sita aad wid ku tidhaahdo ma dhigaa lafta? ku lahaa Ey-gu lafta wuu dhigi lahaayee dhawaaq wadareed loo wada dhan yahay buu u baahan yahay? mar waayo-arag la sii weydiiyey su,aal aheyd marka aad aragto Ey-gaa lafta sita ma wid wid wid baad ku cel celisaa? wuxuu yidhi sida runta ah mar kaliya ayuun baan wid idhaah-daa waayo? haddii aan isu dayo in ay dabnaheyga ka soo baxdo weedha ah wid wid wid dabcan midka ugu soo sokeeya beesha aan ka dhashey ee ay waaxyaha dhagihiisu maqlayaan weedha hadalka wid ayuun baa yidhaah-da waar aamus.
 
Nasiib daro aadamaha ilaahey abuurey in badan oo ka mid ah baan aqoon u laheyn in afku la xoog yahay magliga xawda kaa jara, maqaalkii kan ka horeeyey waxaan kaga hadalney in caqligu yahay hibo garasho oo bani,aadmigu si bayaan ah ugu kala saari karo wixii faa,iido iyo khasaare u leh noloshiisa, su,aasha markan miisaanka xaqsoorka saaran baa waxey tahay garaadka ilaahey galiyey Gobolka Awdal ma mid guul u horseedey baa oo guushaa midho dhalkeedii dhulka Awdal iyo dhalaanka soo koraya dhabarkooda aan ka aragno baa? mise waa mid dhaan wadihiisii (Traditional Leaders)  duhur cad u aroorshey ceel maaxiisu dumey deyrtii kol hore oo galab carowgii dambe Awrtii oo madhan afka saarey raaskii ay reeruhu yaaleen baa? ma rabo in aan hadalka halkaas maanta dhaafiyo maxaa yeeley midkan i garab fadhiya baa faruuryihiisa ay ku soo fooleedahay weedha ah waar aamus walow aanan waayo-arag weyn aheyn, hadaba inta aanan aamusin haan hab maamuus sharaf badan, macsuumaad uuga dhigo akhristaha sharafta mudan, maanso gaaban, murti godlatey, macaan badan, macrifo huwan, micno ku fadhida, muftaax garasho rabta, Miiganow garo macnaha muujiyoo cadee, masaladan garaadkeygu rabo, Moogow garab mar, midab madow saar, masaladan ha ku daalin, garaad madhan baad sidaayee.
 
Inta aanad garaneyn Gobanimadu waxey tahay
Inta aanad garaneyn Gurmadkaagu wuxuu yahay
Inta aanad garaneyn Garaadkaagu halkuu yaalo
Inta aanad garaneyn Garabkaaga waxa jooga
Inta aanad garaneyn Geesta aad beri u socoto
Inta aanad garaneyn Gacmahaaga waxa ku jira
Inta aanad garaneyn Garashadaadu halkey jiifto
Inta aanad garaneyn Galdaloloyinka aad leedahay
Inta aanad garaneyn Gurcudkaad gudeyso wayadan
Inta aanad garaneyn Gayigaga gabax yidhi malmahan
Inta aanad garaneyn Garbo raarka faalka kuu baxey
Inta aanad garaneyn Girgiraha kugu shidan saaka
Inta aanad garaneyn Gucundhada ku hoos wadhan
Inta aanad garaneyn Garaa,idka birta kugu xeeran
Inta aanad garaneyn Guhaada xarago beelka ah
Inta aanad garaneyn Galeydhka iftiin sii dumaya
Inta aanad garaneyn Gardarada ku guud furan
Inta aanad garaneyn Gumaadkii laguu geystey
Inta aanad garaneyn Geerida kugu gadaaman
Inta aanad garaneyn Geedkii laguugu dhabarey
Inta aanad garaneyn Goobtii lagugu gowracey
Inta aanad garaneyn Geesiyaashii kaa baxey
Inta aanad garaneyn Guntadey dhoola tuskaa
Inta aanad garaneyn Garan waga diley sharaftaa
Inta aanad garaneyn Giigsanaanta goob dagaal
Inta aanad garaneyn Goor dambe raali la cararka
Inta aanad garaneyn Gar loo gale gube markhaati
Inta aanad garaneyn Gurmo’go hadal gudhey kaliil
Inta aanad garaneyn Gudin dhaca geed Ergo laalush
Inta aanad garaneyn Gunuunuca gefka ku xardhan
Inta aanad garaneyn Googaaleysiga xulad shidka ah
Inta aanad garaneyn Gawsahaa laxowgu garaacayo
Inta aanad garaneyn Garbo duub xadhig u xidhankaa
Inta aanad garaneyn Garsoorka jiran ee kaa sii jeeda
Inta aanad garaneyn Guddigii gar eexo gogosha laab
Inta aanad garaneyn Golayasha aad saqiirka ku tahay
Inta aanad garaneyn Galad sheega fooraha sirgaxan
Inta aanad garaneyn Garab yaal damac ugaadhsade
Inta aanad garaneyn Gafuur taaga tuurta wabarisadey
Inta aanad garaneyn Gobolada aad degto qiimahooda
Inta aanad garaneyn Gayi lagu dhaxo inaad tahay
Inta aanad garaneyn Gogol lagu gam’o inaad tahay
Inta aanad garaneyn Gashi lagu dhargo inaad tahay
Inta aanad garaneyn Gama’a haben waxa noo diidey
Inta aanad garaneyn Gadhka dhiiga waxa noo darey
Inta aanad garaneyn Gabgabada gabaygan gaaban
Inta aanad garaneyn Garaadkeygu wuxuu Alalow rabo
Ayaa baanad Garaneyn Guushaadu waliga waxey Tahay.
 
 
Curiyaha Sheekada
Abdirasaaq Hammaal.
E-mail: rasiiqi07@hotmail.com


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies