Hay’adaha wadaniga ee Somaliland oo boqolaal kun ku qaata dadka curyaaminiinta ee gobolka Awdal ka dibna u qaybiya kabaha dacaska iyo waxaabo la mida

11/21/2009 12:02:00 AM

Dadka curyaamiinta ah ee Borama

Dadka curyaamiinta ah ee Borama

Djbiouti(Saylac.com)- Taniyo markii Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal ku amrey Hay’adaha caalamiga ah ee samafalku inay kasoo baxaan Borama Hargeysana yimaadaan hadii kale wadanka Somalilaland laga masaafurin doono, Ayaa baahida dadka saboolka iyo Curyaanimadu iskugu darsantey ay dhibaato weyn kala kulmeen Hay’adaha Samafalka ee maxaliga ah.

Hay’adaha oo badankooda la asaasay wakhtigii Cigaal ayaa macaash weyn ka helay qandaraasyada ay hay’adaha kale ee Caalamiga ah kaga qataan inay samafalka gaadhsiin doonaan dadka Curyaamiinta ah ee gobolada galbeed ee somaliland.

Ururada ka faa’iidaystey burburkii ururadii Samafalka reer Awdal ee wakhtigii Marxuum Cigaal ayaa waxa ka mid ah ururka HAVAYOCO oo malayiin doolar ku qaatey mashaariicda horumarinta bulshada ee gobolada Somaliland.

Ururka HAVAYOCO intii hore gobolka Awdal kama uusan hawlgalin waxaanu ku mashquulsanaa gobolada Dhexe iyo kuwa Bari ee Jamuuriyada SOmaliland, Balse baryo danbe sanadadii 2006-2009 ururku waxa uu ahmiyada saarey dhinaca Awdal oo markaa uu u arkayey inuu gobolka Awdal u dihin yahay mashaariicda qandaraaska lagu qaato madaama aanu gobolku lahayn urur wadani ah oo ka hawlgala marka laga reebo ururo yaryar oo ay ka mid yihiin ururka AYODO oo aan haba yaratee aan Hay’adaha Samafalka ee Ajanabiga aan ka helin wax qadaraas ah.

Qaar ka tirsan saraakiisha ururka HAVAYOCO  ayaa dhawaan shaaciyey inay hawlo kale oo dhinaca siyaasada ah u biyo shubanayaan. Dadka siyaasada indho indheeya ayaa waxa ay arinkan shaqaalaha HAVAYOCO  ay ugu xuubsiibayaan hawlaha ganacsiga iyo Siyaasadu uu yimid ka dib markii ururku uu dhaqaale aan cidina kala xisaabtamin ka soo hooyey dhinaca qandaraasyada uu ku qaato dadka saboolka iyo Curyaamiinta Jamuuriyada SOmaliland gaar ahaan gobolada Galbeed.

Cabdirisaaq Cumar oo ka tirsan dadka cabashada usoo jeedinaya Hay’adaha ku been abuurta magacaanta dadka masaakiinta ah ayaa saxaafada u sheegay in inkabadan 7jeer sawiro iyo macluumaadyo ay ka mid yihiin Fidiyo laga duubtey isla markaana loogu balan qaadey in waxloo qaban doono balse ilaa hada aanu waxtar haba yaraatee ka helin Hay’ada HAVAYOCO.
Hay’adaha macmalka ah ee dadka lacagaha ku raadsadi ha joojiyeen been abuurka dadka masaakiinta ah ay ku hayaan maamulka gobolka Awdal laftiisa waxa la gudboon inuu waxka bedelo hawlgalada Hay’adaha wadaniga ee dadka ka been abuuraya dadka gobolkana hafraya .

Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies