Hadii Hargeysa la idinku cadaadiyo idina ma xariirad ayaad nagu cadaadinaysaan” Oday Muse Weheliye.

11/6/2009 10:42:00 PM

Djibouti(Saylac.com) Oday Muse Weheliye oo ka tirsan degaanka Xariirad ee gobolka Selel ayaa saylac.com u sheegay in beeshiisa ciise ay cadaadis weyn ku qabto ciidamada qaranka somaliland ee fadhigoodu yahay Xariirad.

Oday Muse waxa uu sheegay in si cadaalad daro ah loola dhaqmo dacwadahoodana aan meel laga soo qaadin hadii ay cidka cawdaan. Oday Muse Weheliye oo u waramayey saylac.com waxa kale oo uu sheegay in beesha ciise dhibaato weyni kasoo gaadhay dagaaladii sokeeye ee ka dhacaday somaliya, Intaa waxa uu ku daray in beesha ciise ee degta qaybo ka tirsan gobolka Selel ay yihiin xoolo dhaqato xoolohoodiina ay ku leedeen dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay somaliya. “Qaxooti ayaanu noqonay anagoo geel dhaqan jirey dabadeed waxaan galay marxalad cusub iyo faqri waase Ilaahay mahadii maanta hadii aan dhulkayagii kusoo laabanay waxaan filaynay in cadaaladu adeegto wixii horena la iska ilaawo lakiiin waxaad moodaa inay wali taalo kaa adki” ayuu hadalkiisa ku daray Oday Muse oo saxaafada u waramayey.

Maruu ka waramay dhinaca amniga magaalada Xariirad waxa uu sheegay inuu amnigu aad u fiican yahay dadka degaana ay yihiin ul iyo diirkeed lakiin ayuu ku daray waxa jira xagashooyin yaryar oo aan marnaba dadka ka dhamaan taas oo nabur nagu noqota inta badan lakiin dadka xagashada sameeyanayaayi ayna kaba warhayn dhibaatada ay nagu samaynayaan.

“Amaanku waxa uu fiifan yahay marka dadku sharaf ku jooga oo karaamadaada la dhawrayo lakiin amaan karaamada lagaa qaadayo laguna yaraysayo adeer amaan noo maaha” ayuu yidhi oday Muse isagoo gacanta sarey u tuuraya.
Saylac.com ayaa waxay weydiisay Oday Muse cida ay beeshiisu ugu ridi doonto doorashada inagu soo dhaw waxaanu sheegay in wiilka ay abtiga u yihiin cidna ku doorsan dooni isagoo ula jeeda Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland lakiin waxaan ka sugaynaa madaxweynaha inuu abtiyaaladii ka ilaaliyo in lagu xagxagto magaalada Xariirad ayuu si fariina u yidhi Oday Muse.
Hadalka Oday Muse ayaa waxa uu kuso beegmay wakhti dadweynaha magaalada xariirad ay u diyaargaroobayaan doorashooyinka inagu soo fooleh tageerayaasha uu xisbiga UDUB ku leeyahay gobolada Selel iyo Awdal oo aad utiro badan awgeed ayaan si kalsooni ah hadalkayga u idhi beesha ciisa ka hadi mayso walaalahooda Samaroon meesha ay maraan ayaan maraynaa tariikh ahaana mari jiray ” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Oday Muse oo aanu kula kulanay magaalada Djibouti.

Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies