Dr. Maxamad Rashid iyo Abdirahman Saylici midna kama yeelayno in ay faquuqaan gobol ka mid ah JSL by A .Goth

11/25/2009 11:22:00 PM

Tixraaca siyaasada- Ma jeclayn ayaamahan in aan wax qoro, hase yeeshee way igu kalliftay, waxana ii geeyey hadallada shabakadaha ku qoran ee ka soo yeedhay Dr. Maxamad Rashiid iyo Abdiraxmaan Saylici, oo u kala sharraxan UCID iyo KULMIYE. Waxanan ka biyo diiday in ay si gaar u faquuqaan, dadka walaalahood ah ee ka sugaya in ay daadihiyaan. Taariikhduna waxa ay qoraysaa erey kasta iyo falkasta oo aad ummadda la hortimaaddaan. Dantiina gaarna fuli mayso haddaydaan u dhaqmin si sharaf leh, oo aydaan dadka la horboodin colaad iyo xaal abuur.

Uma jeedo in aan eed badan idiin hayo, laakiin ereyada ku qoran shabakaduhu imay cajabin. Aflagaadada iyo is xag xagashada siyaasiyiintuna waa mid muujinaysa ciyaalnimo. Sida aad Rayaale iyo dawladdiisa wax uga sheegaysaanna maaha mid siyaasadeed, ee waa mid idinka fogeyn karta dad badan oo karaamo idiin haya. Warkiinuna waxa uu ku habboon yahay in aad ku egaataan barnaamijka aad dadka u haysaan, iyo waxa aad ka iibinaysaan.

Aqoon yahannada iyo qurba joogga uu Saylici masaxayna, ma kuwii garab u noqon lahaabaa,mise waa cadaw uu ka baqayo in ay olole ku qaadaan? U malayn maayo in uu ka fekeray ereyadiisa, waxanay siyaasadda noocaasi ahi waxyeello weyn u soo jiidi kartaa xisbiga uu u tartamayo ee KULMIYE. Sidoo kale Dr. Maxamad Rashid oo aan u hayno sharaf iyo karaamo ayaa laga sheegay in uu bad kale dhex galay, oo uu reer Awdal ka fogeeyey Somalilandnimada. Taasina waxa ay ka turjuntay in aanu rajo badan qabin. Waxanse u sheegayaa in UCID uu maanta yahay xisbi luxdan, oo taageero badan ka haysta Somaliland. Waxana lagu yaqaannaa in aanu ku salaysnayn qabiil. Sidaasi daraaddeed, waxa aan Dr.Maxamad Rashid uga digayaa in aanu ku silban siyaasadda kala qoqobka iyo qabiil u kala sheegga reer Somaliland. Weliba waxa aan xasuustaa mar uu yidhi, UCID iyo KULMIYE ayaa fiican in ay dawlad wada dhisaan. Taasina waa mid aad uga fog rabitaanka dad badan oo labada xisbi kala taageera.

Qoraalkaygan waxa aan ku soo gunaanadayaa, in aan mar labaad uga digo siyaasiyiinta reer Somaliland in ay ka taliyaan fadqalallo, oo ay dantooda gaar ka raadiyaan in ay masaakiinta dhibaateeyaan. Oo ay qabiil iyo wax aan maanta loo joogin ay ku qaybiyaan. Sharaf iyo tusaalena waxa aad ku dayataan intiinna wanaagsan, ee ka fog is xag xagashada iyo aflagaado la isku mariyo shabakadaha.

A .Goth

UK.


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies