Dhegayso: Dhalaanka reer Borama ee Hay’aduhu waalidiintooda ku dirayaan ayaa ka masuul ah?

11/30/2009 11:43:00 PM

caruur5Boroma(Saylac.com)- Lama soo koobi karo dhibaatada dhaqan biiska ah ee ay Hayadaha samafalka isku sheega ee ka dhex shaqeysta gobolada somaliland ay ku hayaan caruurta aan qaadhka ahayn ee ku dhaqan magaalada Borama. Horey waxaanu akhristayaasha aanu ugu soo bandhigney waraysiyo aanu la yeelanay dhalaanka maskaxda laga bedelay ee waalidiintooda lagu diray iyadoo loo marayo barnaamijyo macmal ah oo dhaqanka soo jireenka ah ee soomaaliyeed lagaga bedelayo dhalaanka aan waxba galabsan ee Borama.

 

Hadaba iyadoo si isdaha jooga ay Haydaha UNICEF, Save the Children (Denmark) iyo CARE ay u wadaan barnaamijyo ay ugu magac dareen horumarinta bulshada ayaa khaasatan barnaamijkan cabsida weyn lehi waxa uu ka socdaa magaalada Borama iyadoo siminaaro  qoysaska Borama lagu wiiqayo loo sameeyo caruuro tiradoodu ay kor u dhaaftey boqolaal oo aan qaan gaadhin.

 

Barnaamijka ugu danbeeyey ee Hay’ada Save the Children (Denmark) ay samaysey ayaa waxa uu ahaa siminaar dhawr casho socday oo caruurt lagu baraayey siday ula dawcoon lahaayeen waalidiinta dhashay hadii ay kala kulmaan daryeel la’aan (Neglect). Siminaarkan ayaa waxa caruurta lagu baray oo kale inay yeelan karaan qareeno sharciga ku xeel dheer oo caruurta matala marka ay waalidiintooda dacwada la tiigsanayaan.

 

Burburka dhaqanka ee ay hay’aduhu ku hayaan qoysaska Somaliland maaha mid ku kooban Borama oo kaliya balse waa mid baahsan oo aan dadku kawada warhayn balse cawaaqibkiisa danbe la arki doono.

 

Shabakada saylac.com ayaa ka qayb gashay siminaar caruurta Borama dhaqanka lagaga luminayo oo ay wadaan mid ka tirsan hay’adaha aanu kor ku xusnay waxaanan ugu talo galay in dhegaystaasha sharafta mudani ay nala dhegaystaan cadawga qarsoon ee inaga maray dhinaca ubadkii aanu dhalay isla markaana hooyo iyo wiilkii ay dhashay colaad ka kala dhex abuuraya . Waxaanu filaynaa in la heli doono dad wadaniyiin ah oo arinkan foosha xun leh ka damqada waxna ka bedela.

>>HALKAN KA DHEGAYSO DHALAANKA LA DHALAN ROGAYO EE BORAMA


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies