Dhaqtarka Fustalaha Borama oo sannad-guuradiisa 1aad la xusay.

11/6/2009 10:59:00 PM

Xaflad si weyn loo soo qaban-qaabiyay ayaa maanta lagu qabtay xarunta isbitaalka weyn ee Allaale Hospital qaybteeda dawaysa Fistulaha, oo ah qaybta dawaysa isku furanka ka dhaca marka ay dumarku u mulayaan oo ay siku furanto kaadihaysta iyo qaybta saxarada marta.

 

Isbitaalkaan oo howsha uu qabto oo ah Isbitaalkii ugu horeeyay oo dalka Somaliland Geeska Africa laga furo ayaa sannad ka hor waxaa laga hirgaliyay magaalada Borama.

Munaasabadan ayaa waxaa soo agaasimay Labada dhakhtar ee ugu waawayn Hospitalkan Allaale oo kala ah Dr. Ibraahim Saciid Qaws  Iyo Dr.Saciid Axmed Walhad.

Munaasabadan aya waxaa ka soo qaybgalay Mas’uuliyiin Heer gobol, Salaadiin, Boqoro, Dad laga daweeyay Cudurka Fistulaha oo dumara iyo Bahda Saxaafada.

Dr. Saciid Axmed Walhad oo munaasabadaan ka hadlay waxa uu ka sheekeeyay Taariikhdii La bilaabay Dawaynta xanuunkan Fistuulaha ah.

 

Dr. Walhad waxa uu sheegay intayna usoo guurin dhismahan way nee casriga ah ee ay iyagu leeyihiin inay qaliinka ku samayn jireen Dhakhtarkii hore ee ay ku jiri jireen.

 

Dhaqtarka waxa uu sheegay inay si toosa u bilaabeen 2008/10/5 Qaliinka Fistulaha  kuna sameeyaan dhakhtar gaar ah oo ka mid ah allaale Hospital, waxuuna mahadnaqay Urur Qurba jooga oo ka caawiyay intay ku jireen hawshan   ururkaas oo la yidhaahdo CAWO kaas oo ka jira wadanka Maraykankan gaar ahaan gobolka Minnesota waliba ururkaas oo gabdha ah.

 

Waxa kale oo Dr Walhad sheegay Ururka GARGAAR oon  ka jira wadanka NORWAY kaas oo uu ka caawiyay  Sariiraha bukaankan la dhigayo. Sidoo kale dhakhtarku waxa uu sheegay . Ay Hay’adaha ay ka midka yihiin  World vision iyo WFP oo iyagna taageero siiyaan Cusbitaalkan Fistulaha lagu dawaynayo.

Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa hadalo ka jeediyay Dr. Ibraahim Siciid Qaws waxuuna sheegay qaliinkan Fistulaha in uu had iyo jeeraale ku dhaco Gabdhaha da’ada yar ee heli waayo marka ay dhalayaan Daryeel caafimaad kuwaas oo ay fooshu ku raagto, sidoo Dr Dhaqtarka waxa uu sheegay in Hay’ada WORLD VISSION ay had iyo jeeraale ka caawiso sidii ay bukaanka u keeni lahaayeen dhakhtarka waxa ayna inta badan bukaanka ka soo qaadaan gobolka Gabilay, Awdal iyo Salal oo uu yidhi Dr Qaws ma jiraan Gabdho qaba cudurkaas hadii ay jiraana waa la daweeyay.

Ugu dambeyntii, halkaa waxaa ka Hadlay Boqor Saleebaan Maasheeye iyo Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal labaduba waxa ay sheegeen inay umahdcelinayaa dhakhaatiirtan Dr. Qaws iy Dr. Walhad sida wanaagsan ee ay ugu adeegayaan Bulshadooda waxa ayn ku dhiiri galiyeen inay sii wadaan waxqabadyadooda ay bulshada u hayaas.

Daahir Axmed Jirde
Borama – Somaliland


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies