Caruurta Somaliland oo dhaqanguur ay kusamaynayaan hay’adaha CARE iyo UNICEF iyo SAFE the Children (DENMARK) iyo warla’aanta xukumada Somaliland oo aan kaba warhayn waxa ka socda dalka ..
Seattle(Saylac.com)- Hay’adaha UNICEF, SAFE the Children (DENMARK) iyo CARE dhamaantood wadanka waxay ka wadaan dhaqan guur lagu samaynayo caruurta dhalaanka ah ee Somaliland. Hay’adahani waxay horey u baabiyeen koonfurta somaliya waxayna dhalaanka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalaa Muqdisho ka horkeeneen waalidiintoodii dhashay ee masuuliyadooda haysay.
Aduunka wali lagama sheegin laguma maqal in Hay’ado Samafal caalami ah isku sheegayi ay si bilaa shuruud ah ula shiraan Dhalaan da’doodu ka yartahay 18jir oo aan waalidiintooda fasax laga helin, ama ay waalidiintoodu ka warhayn waxa lagula shirayo. Siminaarada dhaqan guurka ah ee dhalaanka Somaliland Hay’adaha samafalka isku sheegaayi ku hayaani waa mid horey looga cidhibtiray koonfurta soomaaliyeed waana mid dhibaatadiisa wata hadaan si dhakhsiyo ah looga hortagin.
Hadii aanu soo qaadano dhacdooyinka naxdinta leh ee Hay’adahani ku hayaan Dhalaanka waxa ugu danbeeyey inay Xarumaha Agoonta ee Magaalada Hargeysa ka xushaan dhalaan tiro badan ka dibna ay si gaara ula shiraan kana dhaadhiciyaan dhaqano xunxun oo aan soomaalidu caado u lahayn. Tusaale ahaan Xarunta Agoomaha ee Samawada ee Magaalada Hargeysa waxa ku jira dhalaan agoon ah oo aan waalid lahayn- Haydahani waxay u qaybiyaan buugaag dhaqan biis ah oo aan shareecada diinta Islaamku ogolayn.
Gobolada ugu daran ee ay Hay’adahani dhibaatada qarsoon ku hayaan waxa ugu horeeya gobolka Awdal oo ay si isdaba jooga siminaaro kula yeeshaan dhalaanka aan qaan-gaadhka ahayn.
Hadii aanu mid ama laba tusaale kasoo qaadano, Dhawaan waxa ay Hay’ada SAFE the Children (DENMARK)ay boorama ku qabatey Siminaar ay iskugu yeedhay dhalaan tiradoodu ka badnayn 200 waxayna mudo dheer barayeen sidii ay xuquuqdooda ugu hadli lahaayeen qareeno ama sharciyaqaano bilaasha ahna u heli lahaayeen hadii ay cid dacweynayaan.
Dhalaanka xuquuqda la barayaayi waa dhalaan aan qaan gaadhin waana dhalaan leh waalidiin daryeesha oo aan agoon ahayn . Siminaarka la siiyey dhalaanka Borama waxa uu dhaliyey inay dhalaankii iyo waalidiintii Borama khilaaf weyni soo kala dhex galo.
Waxyaabaha dhalaanka lagu akhriyey ee waalidka lagaga horkeenayaayi maaha mid sharciga Islaamku dhigayo maahana mid dastuurka somaliland dhigayo, lakiin waxaad moodaa inay xukumada somaliland waxyaabo kale ku mashquushay oo aanay warba ka hayn dhalaanka dhaqanka laga tirtirayo si waalidiintoodii dhashay looga horkeeno.
Gaar ahaan siminaarka SAFE the Children (DENMARK) ee ka dhacay magaalada Borama waxa uu gabi ahaanba baqdin ku abuuray waalidiinta ku dhaqan magaalada Borama, waayo waxa uu ku saabsanaa sidii Ilamaha yari u sharci ula tiigsan lahaa cidii dhibaato u geysata xataa waalidkiisana hanoqotee.
Hooyo Caasha Qalib Kaahiye oo u waramaysay saylac.com waxay sheegtey inay dhibaato aan horey u jirin ay Hay’aduhu ka dhex abuureen iyada iyo dhalaankeedii iyadoo hadlaysana waxa ay tidhi ” Waligay waxaan maqli jirey dadka qurbajooga iyo dhalaankooda ayaa la isku diraa.. Mase filayn in anagoo ciidayadii hooyo degan gaal intuu noo yimaado uu caruurta nagu diro ”
Cabashadan nuucan ah Hooyo Caasha Qaalib waxa la qaba kumanaan haween iyo Ragba iskugu jira oo ka tirsan waalidiinta Jamuuriyada Somaliland, balse aan garanayn cid ay kaga cawdaan dhibaatada soo wajahday.
Tusaalaha labaad: Hay’ada UNICEF waxay usbuucan ku mashquulsanayd siminaaro la mida kuwa aanu kor ku xusnay oo dhalaanka ku aadan. Hay’adu waxay magaalada Borama iyo Hargeysa ka samaysay siminaaro aan sharci ahayn oo dhalaan dadoodu ka yartahay 15-jiro la siinayo. Gaar ahaan hadaan ka hadalo magaalada Borama oo ay dhibaatada ugu darani ka jirto, Hay’ada UNICEF waxay samaysay siminaar ay ula magac baxeen (Caruurta Somaliland way u codaysee tageer adiguna) Hay’adu waxay si toosa ula hadlaysaa waalidiinta Jamuuriyada Somaliland inay qataan figradaha qalafsan ee ay Hay’adu ka dhaadhicisay dhalaanka Somaliland oo ah waxa ay ugu yedheen (Xuquuqda Dhalaanka) Children’s rights) .
Sida sawirada ku cad, Hay’ada UNICEF waxay dhalaanka u dhibeen boodhadh ay ku qoran tahay (Caruurta somaliland way u codaysee walidow tageer adiguna) waxa la tageerayi waa dhaqan guur aan horey looga maqal dhulka Soomaalidu degto ee geeska Africa oo dhan, waana ilmo yar oo dhalaana oo waalidkiisa laga horkeenayo.
Dhaqanka soo jireen ee Somaliyeed marnaba wax dhibaato ah kuma sameeyo ama uma quudha dhalaanka ubaxa soomaaliyeed . Somaalidu guud ahaan waa dad caruur jecel waana dad ahmiyada saara caruurtooda waana dad jecel in dhalaankoodu noqdo ilmaha ugu tayo iyo mustaqbalka badan.
Arintan dhaqanguurka qoyska, waxa marag ama tusaale u noqon kara waalidiinta soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka dibadiiisa ama dalalka reer galbeedka oo dhibaato weyni ka haysato dhaqan celinta dhalaankooda waxana sababta kowaad loo aaneeyaa Hay’adaha nuucan oo kale u shaqeeya oo iska horkeena dhalaanka iyo waalidiintooda.
Hadaba xukumada somaliland ha ogaato inay dayacday hido dhawrka dadka ay masuulka ka tahay waana in si wadajira looga hortagaa dhaqan guurka qarsoon ee Hay’adaha Samafalka isku sheega ee ajanabigau ay ku hayaan dhulka Hooyo .
Gabagabadii faaladan waa in waalidka dhalaanka somaliland iyo somaaliyeedba aanu ogolaan in Sarkaal ka socda Hay’ad Samafal oo Ajaanib ah ama dad uuu ku adeeganayi aanay s sharci daro ah siminaaro u siinin dhalaanka dadoodu yartahay iyadoon ogolaansho ka haysan waalidiintii dhalaanka dhalay.
Shurucda caalamigu waxay ka horjeedaan in ilmo dadiisu yartahay laga shiro ama siminaar la siiyo iyadoon waalid la socon ama ogaalayn
>> Dhegayso Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo ku dhex dhacay Xaflad siminaar dhaqan guur ah oo ay Hay’adaha Safal isku sheega Hadalkiisii waxa ka mid ahaa ”Hay’adaha Samafalka waa inay joojiyaan siminaarada dhaqan guurka ah ee nuucan ah dadkana mashaariic faa’iido leh ha keenaan hadii kale dhaqan guurka ha naga daayaan >>DHEGAYSO
Dhawaan kala soco saylac.com barnaamij aanu idiinka diyaarinay dhibaatada dhalaanka somaliland hay’aduhu ku hayaan iyo warla’aanta xukumada somaliland
Saylac.com





