Beesha xeebjire oo jawaab kulul ka bixisey hadalo wasiirka warfaafintu kula dul kufay Dr. Maxamed Rashid Xasan
Sheekh Muuse godaad haduu noolaan lahaa sidaa muyuu wasiirka warfaafintu ula hadli lahaa Dr. Maxamed Rashid?
Borama(Saylac.com)- Waraysi gaaban oo aanu la yeelanay Oday kasoo jeeda Beesha Xeebjire (Habarcafaan- Samaron) oo magaciisa layidhaa Oday Jaamac Wacays Rooble ayaa waxa uu saxaafada u sheegay hadal yaableh oo ah ” Allaha u naxariistee haduu noolaan lahaa Sheekh Muse Godaad wasiirka warfaafinta somaliland sida xun ee uu todobaadkii inaga tagay ula hadlay Dr. Maxamed Rashid ma yeeleen.
Oday Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Wasiirka warfaafinta waxaad moodaa caruurtii ku feedh baranaysay waalidkooda markaa waxaan u sheegayaa in aanu mardanbe u noqon inuu afka ku taago waxgaradka iyo aqoonyahanka reer Awdal gaar ahaan Dr. Maxamed Rashid Xasan oo intuu doono ka khibrad iyo cilmiba badan wasiirka.
Oday Jaamac oo arimaha warfaafinta ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi” Wasiirku inuu ku fadhiyo jago laga mudnaa oo looga khibrad badan yahay inuu hayo miyaanu ogayn? Dr Maxamed Rashid wasaarada warfaafinta haduu wasiirka noqon lahaa somaliland maanta dibada qalo kuma noqoteen ee sida uu BBC daba u horumariyey mudadii uu wariyaha ka ahaa ayaa Cidaacada Hargeysa aduunku isku layn lahaa dhegaysigeeda” Waxase nasiib daro ah in uu wasiir caytamayaa maanta gacanta ku hayo wasaarada warfaafinta.
Oday Jaamac oo ka tirsan beelaha xeebjire ee uu Dr. Maxamed Rashid Xasan kasoo jeedo, ayaa waxa uu ka mid yahay shacabweyne ku dhaqan magaalada Borama oo aad uga xumaaday hadalo uu wasiirka warfaafintu dhawaan ku sifeeyey Dr. Maxamed Rashid isagoo wasiirku sheegay inuu Dr. Maxamed Rashiid Xasan yahay ma quuste siyaasada somaliland ka dhacsan.
Saylac.com
Borama
Somaliland
swc Alaha unaxariisto xaajisheekh muuse jaamac goodaad oo markale uu nasoo xasuusiyay ninka sheekada soo qaatay ,
waxan leehay iskadaa dadka dhintay hadal hayntooda dr,maxame rashiidna waa nin ka balaadhan fadeexad iyo canbaarayn haysatana kala soo nida cida waxa garadka ah iyo qanoon yahanada ee maaha nin habeen socda,
xaga gobolkan waxa uu ka soo jeedaa beelaha xeebjire ee sida ciida udaadsan from borama ilaaxeeb iyo hirarka ,beelwaynta Habarcafaan nation wabilaahi towfiiqa
saxan - February 8, 2010 11:22 am