“Aniga iyo Odaygaygu badeecad wada cabi mayno ee dalqadayda ha isiiyo”

11/6/2009 10:57:00 PM

“Aniga iyo Odaygaygu badeecad wada cabi mayno ee dalqadayda ha isiiyo”

Hargeysa(Saylac.com)- Haweenay odaygeeda ku nacday cabida badeecada dabadeedna warqadeedii ka rabta. Cabida badeecada ragu cabaan oo ayaa cirka isku shareertey magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee somalilandba. Hada ka hor cabida badeedaha waxa gaar loogu yihiin haweenka balse ka dib markii ganacastada bagaashlayaasha ka keena wadamada Carabtu ay soo waarideen badeecado loogu talo galay ragu inay cabaan ayaa markaliya waxa isbedelay cabida badeeda isla markaana tirada raga ah ee badeedada cabta ayaa kor u dhaaftey tiradii dumarka ee horey u cabi jirtey badeecadaha. Dhaqankan oo inaga soo galay wadamada carabta oo ragu si waalan u cabaan badeecadaha ayaa sababay in muran ka dhex dhasho qoysas ka tirsan dadka aadku u ciseeya cabida badeedaha.

Marwo Xaliimo Yasin oo ka tirsan haweenka somaliland ee ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa dhawaan khilaaf weyni waxa uu soo wajahay iyada iyo Odaygeeda ka dib markii la isku afgaran waayey isticmaalka badeeda. Marwo Xalimo oo u waramaysa saylac.com waxay sheegtey in ay aad uga naxday in odaygeedu ula yimaad waxa ay ugu yeedhay dhaqan haweeneed (Cabida badeedada_ waxayna tidhi ” Shaw intuu sigaarka cabi jirayna danbay ahayd – waxaan la yaabay markuu dambay inuu isoo garab cabaysto badeeda ! waxaanan ku idhi waar maad waalatey waa sidee? .

Ma ogtahay in badeecadu la mid tahay sigaarka aan nuugno ayuu iigu jawaabay isagoo sii raaciyey adigu haweenbaad tahaye maxaa ku daba dhigay waxa uu ragu sameeyo maad hawl kale qabsatid. Markaa dabadeed ayuu khilaafyagu bilawday waxaanu hada marayaa meel aad u xun waayo anigu marnaba ma agfadhiyi karo nin iga garab qururucleeya” ayey tidh marwo Xalimo Yasin oo u waramaysay saylacnews.

Xaalada khilaaf ee qoyskan ayaa cirka isku shareertey waxayna marwo Xalimo noo sheegtey inuu odaygeedu marnaba aanu ogolayn inuu iska daayo cabeedacada waxaanu iigu yidhaahdaa bay tidhi ” Warqada inaan ku siiyo ayaan ka doorbidayaa inaan joojiyo badeedaca- markaan weydiiyo waxa uu sidan ugu dhagan yahay cabida badeedacadana waxa uu iigu jawaabaa – basasha macaankeeda ayaad ogayn markaa in lagula ogaado ayaad ka xuntahay dee ama aan wada joojino ama qoysku ha wada qiijiyo .

Marwo xaliimo ayaa taagan inuu odaygeedu ama cabida badeecada joojiyo ama warqadeeda gacanta ka saaro.

Saylac.com
Hargeysa Office


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies