Tacsi uu diraayo madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Date: 04/07/09Dhambaal Tacsi ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa Maanta dhambaal tacsi ah u diray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Chief Caaqil Marxuum Aw Cabdi Jibriil Obsiiye oo ku geeriyooday Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Odayaasha iyo Nabdoonada Gobolka Awdal, waxana Madaxweynuhu ilaahay uga baryay inuu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo, Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale kaahin waxa uu isla maanta dhambaal tacsi ah u diray Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Ibraahim Maxamed, isagoo ka tacsiyadaynaya Geeridii ku timid Walaalkii Marxuum Axmed Ibraahim Maxamed (Af-qaraf) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Inaali laahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.
Alla Mahad leh
Axmed Maxamed Ciise
Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL