Shirkada Telesom Borama oo soo bandhigay adeega cusub ee Zaad. +Sawiro
Borama(Saylac.com)- Shirkada Isgaadhsiinta Telesom Somaliland ayaa maanta ka hir-galisay gobolka Awdal caasimadiisa Borama adeega cusub ee Zaad Services.
Xaflad lagu furayay adeega shacabka gobalka Awdalna lagu barayay waxtarka adeegaan leeyahay ayaa shirkada Telesom saaka ku qabatay hotelka Rays ee magaalada Borama.
Culumaa’udiin, Aqoonyaho, Maamulka Dowlada ee gobalka Awdal, Haween, Arday, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobalka Awday ayaa kasoo qeyb galay xafladaan.
Masuuliyiintii ka qayb-galay ee munaasibadaas ayaa uga mahadceliyay shirkada Telesom habka casriga ah ee ay ku talaabsatay, waxayna ka faaloodeen taariikhdii waxtarka wadanka ee intii ay jirtay shirkadu soo martay, kaalinta ay kaga jirto koboco dhaqaalaha, doorka ay ka qaadato qaadhaan-bixinta iyo kaalmada adeegyada bulshada iyo iyada oo suurto-gelisay inay noqoto shirkadii 5-aad ee adduunka gebi ahaanba isticmaasha qaabkan xawilaada lacagta ee Mobile-ka, iyada oo guud ahaan wadamada adeegan uga horeeyay Somaliland caalamku ay dhan yihiin 4 wadan oo keliya, taasoo sumcad ahaan kaalin muhiim ka galaysa taariikhda Somaliland iyo horumarka dhaqaalaha ee ku salaysan habka ganacsiga xorta ah.
Maamulaha Shirkada Telesom ee gobalka Awdal Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur oo ka hadlay xafladaasi ayaa farta ku fiiqay sida ay ula jaanqaadayaan qaabka tiknoolajiyada caalamka ee koraya marba marka ka sii dambaysa, isla-markaana loo baahan yahay inay bulshadeeduna si buuxda ula jaanqado.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta xafladaasi ka hadlay waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha gobalka Awdal Mudane Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige waxuuna aad ugu dheeraaday waxtarka shirkada Telesom iyo doorka ay horumarka Somaliland ka qaadatay.
Guddoomiyaha Awdal erayo badan oo kaftan ku dheehanaa ayuu madasha ka jeediyay waxuuna mar walba ugu mahadcelinayay maamulka shirkada sida ay ugu shaqeeyaan horumarka gobalka Awdal iyo guud ahaan Somaliland, waxuuna balan qaaday in maamulkiisa aad ula shaqeyn doonaan.
Madaxa shirkada Telesom ee adeegsa Zaad Mudane Cabdiraxmaan oo ka hadlay xafladaasi waxa uu yidhi“Markii ugu horeysay ee la maqlo magaca Mobile Money wuxuu ahaa ATM machine yar oo la qaadi karo oo la geyn karo meesha ay dadku ku badan yihiin oo ay dadku si fudud lacagtooda ugala bixi karaan.Farsamada Technolajiyadan waxa markii ugu horeysay bilowday 1996-kii Shirkad Mareykan ah,laakin in telefoonka Mobile-ka loo adeegsado adeega noocan oo kale ah waxa markii ugu horeysay bilowday sanadkii 2000 shirkad magaceeda la yidhaahdo Smart oo laga leeyahay dalka Filibiin oo ay wada shaqeyni ka dhaxeyso Shirkadaha waaweyn ee Master Card-ka ah, Shirkadii 2aad ee hawshan bilowdaana waxay ahayd Shirkad magaceeda la yidhaahdo Veda phone oo ka bilowday Shirkad ay ku leedahay dalka Kenya oo magaceeda la yidhaahdo Safari Phone waxaanay hawshoodi bilaabeen sanadkii 2007-kii.”
Isaga oo sharaxaad ka bixinayey heerkii ay soo martay adeegan casriga ah ee cusub waxa uu yidhi “Nasiib wanaag sanadkii 2009-kii waxa adeegyadan bilaabay laba Shirkadood oo kale oo aanu annagu [Telesom] sadex ku nahay oo magacooda la yidhaahdo NTN oo Koonfur Africa ah iyo S.Kuwait Sidaa daraadeed waxaynu noqonay dalkii afraad ee laga hirgaliyo farsamada Tiknoolajiyadan casriga ah ee noocan oo kale ah,waxa kale oo aanu ku guulaysanay in aanu noqono shirkadii shanaad ee is-gaadhsiineed ee caalamka ka jirta ee suurtagelisa Technolajiyadan,runtii waxa wax si weyn loogu farxo ah in cida suurtagelisay ay tahay Shaqaalihii Somaliland-derka ahaa ee Shirkada Telesom”.
“Waxa kale oo Xusid mudan marka laga yimaado Tiknoolajiyada Computer-ada mooyaane in inta kale oo dhami ay tahay mid dalka gudahiisa lagu sameeyey (Local Made) waxaanan amaan u soo jeedinayaa Engineeradii suurageliyey” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.
Masuulka u hadlayey Shirkada Telesom mar uu sharaxaad ka bixinayey Sida loo isticmaalayo Habkan casriga ah ee Zaad Service, waxa uu yidhi “Habkan cusub ee zaad Servica waxa uu qabanayaa inaad ku xawlitid lacagtaada,waxna ku iibsato bilashaadana ku bixiso Air Time-kaagana aad ku iibsan karto,marka aad rabto inaad lacag dirto waxaanad ku xawilan kartaa kuna diri kartaa lacagta wakhtiga aad doonto meelkasta oo aad joogto.
Marka u horeysa ee aad doonaysid inaad lacag dirto waxa Mobile-kaaga ka soo baxaya Option ku kala dooransiinaya oo kuna tusaya Zaad Service ah,kadibna gudihiisa ayaad sii galaysaa waxaanad markaasba dalbanaysa Option-ka lacag dirista ah ee Money Transfer, kadibna waxaad gelinaysaa qofka aad lacagta u dirayso, kadibna lacagta ayaad gelinaysaa,kadibna waxa uu ku weydiinayaa si xafidaada ama amaanka lacagta loo ilaaliyo wuxuu ku weydiinayaa Password-kaga marka aad sheegtana waxa uu ku odhanayaa waan aqbalay [Confirm,sidaa awgeed daqiiqad gudaheed ayuu qofkii aad lacagta u direysay uu ku helayaa],taasina waxay kaa baajinaysa inaad Kuyuu dheer gashid ama aad Banki aad gashid, Sidoo kale waxaad adeegan ku bixin kartaa biilasha Telefoonada, I.W.M, Waxa kale oo aad wax kaga iibsan kartaa Dukaamada, Hudheelada, iyo Sumper market-yada ”.
Masuulku waxa uu sheegay in Faa’iidooyinka adeegan ugu jira dadka macaamiisha ah, dawlada, hay’adaha caalamiga ah iyo Shirkadaha “Faa’iidooyinka adeega Zaad waxa ka mid ah
FAA’IIDOOYINKA ADEEGA ZAAD
1- U isticmaal lacagta kuugu kaydsan mobile-kaaga in aad u dirtid qof kasta.
2- Ka kaaftoon lacag aad jeebka ku qaadatid, kuna dukaamayso oo wax ku iibso lacagta kuugu kaydsan mobilekaaga.
3- Uma baahnid inaad timaadid Telesom, biilka telefoonkaaga ku taagan u tebi telesom meel kasta oo aad joogtid.
HABKA DIIWAAN-GELINTA ZAAD
Fadlan soo qaado, Laba sawir oo kuwa passport-ka oo kale ah.
Copy passport-ka ama kaadhka dhalashada
Si aad isu diiwaan-geliso fadlan booqo Telesom.
Ka shaqaysiinta xisaabta ZAAD.
-Dooro Sim Services- ZAAD Customer,
-Dooro Manage Account (Maaraynta xisaabta)
-Dooro Activate Account (Ka shaqaysiinta xisaabta)
-Dooro Change PIN (bedelka numberka sirta ah)
-Geli numberka sirta ah ee cusub (New Pin)
-Mar kale ku celi numberkii cusbaa
-Intaa ka dib PIN-kii hore
Habka lacag loogu kaydsado
-waxa aad tagtaa laan ZAAD ah, dabadeedna ku kaydso lacagtaada mobile-kaaga.
HUBI HADHAAGA
-Dooro Sim Services – ZAAD Customer
-Dooro Show Balance ( I tus hadhaaga)
-Geli 4 Number ee sirta ah (PIN)
HABKA LACAG LA BIXIDDA:
Waxa aad tegaysaa laanta ZAAD
Dooro Sim Services – ZAAD Customer
Dooro Transactions (Dhaqdhaqaaqa)
Door withdraw Cash (lacag la bixid)
Geli lambarka laanta
Geli lacagta aad la baxayso
Dooro “YES” hadii hadhaagaaga laga jarayo khidmada, “NO” hadii lagaa jarayo lacagta gaadhaysa qaataha.
HABKA WAX LOOGU IIBSADO ZAAD
Dooro Sim Services - ZAAD Customer
Dooro Transactions (Dhaqdhaqaaq)
Dooro pay Bill (Biil bixin)
Geli Marchant ID (Aqoonsiga Ganacsadaha)
Geli lacagta aad wax ku iibsatay
Geli Numberka sirta ah.
Duhurnimada maanta 2:00 PM xiliga Borama ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada lagu bari doonaa bartamaha magaalada goob ay shirkada cayimtay qaabka loo adeegsado adeegaan cusub ee Zaad Services.
Si kastaba ha ahaate, waxa maanta aad looga hadal-hayey adeegan casriga ah ee cusub goobaha ay dadku isugu yimaadaan ee laga shaaheeyo, waxaanay dhamaantood carabka ku adkeynayeen inaysuurtagal tahay in laga maarmi karo Xawaaladaha lacagta la soo dhigto, maadaama ay Shirkada Telesom keentay wakhtigan Hab ka hawl yar oo u fududeynaya dadka inay ka nastaan qaabkii hore ee ay lacagta u Xawili jireen.
Ridwaan Axmed Gelle “Clinton”
Email: ridwaan34@hotmail.com