Shir sanadeedkii ururka ARDAA oo ku dhamaaday guul +Sawiro
Ottawa(saylac.com) Shirsanadeedkii ururka ARDAA ee sadexdii casho ee inasoo dhaafay ka socday magaalada Ottawa ee cariga kanada ayaa waxa la sheegay inuu guul ku dhamaaday isla markaana tirada dadka ka soo qayb galay shirka sanadkani ay kor u dhaafeen 1000 qof oo iskugu jira dhamaan xubnaha ururka ARDAA ka kooban yahay iyo marti sharaf kale oo farabadan oo iyagu iskaga kala yimid wadamada Maraykanka, Ingiriiska, iyo wadanka Canada oo marti qaadka shirka isagu lahaa.
Shirka sanadkan ayaa waxa loo agaasimay heer caalami iyadoo mudo dheer xubnaha gudiga ururka u qaabilsan qabanqaabinta shirku ay ku hawlaayeen isku dubo ridka shirka iyo u gogol xaadhka sidii loogu babac dhigi lahaa boqolaalka qof ee ka soo qayb galay shirka oo noqday tiro aan horey loo filayn inay kasoo qayb galaan.
Shirka ayaa maalintii ugu horeysay ee bishan Luulyo ahayd 2 ahaa maalin isbarasho iyo wada cashayn ay gees gees u kulmayeen xumbaha ka soo qayb galay shirku isla maalintii 3aad ee bishan luulyo ayaa si rasmi ah loo furay dadweynaha kasoo qayb galay shirkuna ay kusoo qulquleen madaasha shirku ka dhacay ee ku taala farasmagaalaha magaalada Ottawa. Golaha dhexe ee ururka ARDAA oo ka kooban 660 xubnood oo ka kala yimid 11 gobol oo ka tirsan wadanka maraykanka ayaa bishan 3deedi iskugu yimid kulan gaar ah oo ay ku saabsabaa sidii loo ansixin lahaa shuruucda ururka u dajisan, waxana isla maalintaa loo qaaday cod gacan taag ah sidii loo taabo galin lahaa ku dhaqanka shuruucda ururka ARDAA oo si qalabiyad ah dhamaan ergooyinka ururku isku raceen sidii loo ansixin lahaa.
Sidoo kale waxa isla maalintaa ergooyinka ururku isku raceen ansixinta xubnaha cusub ee kusoo biirey ururka ARDAA. Sidoo kale waxa uu shirku isku raacay Jaan-goynta geedi socodka hawlaha mustaqbalka ee ururka ARDAA horyaal .
Waxaa uu golaha dhexe ee ururka ARDAA ay intaa ka dib dhagaysteen warbixin sanadadeedkii ururka qaybihiisa kala duwan waxana ka hadlay oo laga dhagaystay warbixinta ugu horayn khadra Maxamed barkhad oo ka hadashay MAT ( Member-At -Large ) waxana isna halkaasi golahu oo warbixin ka dhagaystay idirs cabdi Faarax oo ka hadlay ( Public Relation and Communication) xidhiidhka iyo isgaadhsiinta ururka.
Markii ay soo dhamaatay dhagaygaysigaa waxaa halkaasi ka hadlay waxgaradka reer ADAL . culuma-udiin, aqoon yahayno, iyo waxgarad kale. Waxa ugu horayn ka hadlay Sh. Maxamed Xuseen haddi oo arimo badan oo isku jira waano duco iyo wacdiba ka akhriyay shirkaasi, waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyah ururka ARDAA Ibraahim Cabsiiye kana warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu ururku soo maray intii uu jiray.
Waxa loo gudbay qayb kale oo ah workshops ama tababaro ku saabsan hawlaha u hor yaal ururka iyo sidii xubnahay ururku iskula jaan qadi lahayeen.
Saylac.com /sawnews Ottawa Canada
mashallah waan soo dhawaynaynaa sida fiican ee ay hawshu u dhacaday
Ahmed farah - July 6, 2009 5:51 am
salaamulahi dhamaantin alaha inii sikhiro waxa aad ku hanwayntihiin haday tahay hurumar aad uso wadan umadiina waan idiinku ducaynayaa, inta aan ka gudbo waxa meesha jooga pro amehed ismacil samatar magacisuna meesha kuma xusna wana nin dadka mesha jooga oo dhan ka miisan wayn arintana maanu garan sida ay udhacday iyo kuwa iloobay geesi birta ah waa ku hurda ayaan filayaa runtii ma marin habaabay,
qoylaha ururka ardaana waxanu leenahay waad ku guulaysayna hadad haday daacad idinka tahay waxan aad wadaan waxanad qarisaan mutacaliimnta aduun yada la sheekaysta ee wax ka og kuwasi ayaa aarahada dunida la jaan qaaday soona dhawaysta idinku siyaasada soo gala oo hirdanka dhacay dhex gala oo meelkasta tag sida somaliya oo oo aynu cadkeeni ka maqan iyo meelkasta oo somali wax kuu boobayso wax boobka wax wayn ka qaata wabilahi tawfiiq
Cabdikariim Maxamed - July 6, 2009 9:24 am
Qalad-waxan u rajaynaynaa in ay ka midho-dhaliyaan waxa ay ku balan qaadeen illaahayna tala saartan, waxanan leenahay GUUL IYO GOBANIMO.
Qaladanleh UUR-KUBAALE ayaan nahay oo qoladanni waxay u socdaan waan garanaynaa iyo waxa ururkani ku dambayndoonana waxan leenahay walaalayaal illaahiina ka baqa oo iska dhaafa XASADKA, QUDHUNKA iyo SHAQSI iyo QABIILO-NACAYBKA.
Aniga sida ay illa tahay waxa safalka wax ku darsan kara qof-kasta oo waa arrin saddaqo ah, iyada oo aan loo eegin waxa qofku aaminsan yahay sida; siyaasad, diin, midab iyo wax kale toona.
Mise waa XASADKII iyo XUMIHII gadabiirsiga lagu xaman lagu sheegi jiray mise idinkaa marka hore kala adkaa oo is-gumaysan jiray oo qolaa hadda HEERYADDII TUURTAY.
WAR-JIRAABA CAKAARUU IMAN
Yusuf - July 6, 2009 10:55 am
SLAM CLAYKUM
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
SHIRKAASI SIDA II MUUQATA GUUL AYUU KU DHAMAADAY. WAANA WIXII LOOGA FADHIYAY DADKA DAGAN GOBOLADA GALBEEDKA SOOMALILAND.
MIDA KALE WAXAAN WAANO U DIRAYAA NIMANKA WAX KU QORA SHABAKADA HAROWO.COM INAY KA WAANTOOBAAN WARXUMO TASHIILKA IYO TOL ISKU DIRKA. ALAHA SOO HANUUNIYO. GACANTAADOO GUBATA HOOSTAA LA GASHADAA AYAA LA YIRIYE WAAN U DUCAYNAYNAA NIMANKAAS WANAAGA AAN KU FARXAYN.
toljecle - July 6, 2009 1:18 pm
Asc Mashaa alaah Indhuhu Waxay U Bogaan Bildhaan Kulankaaga Iyo boqortooyo nooleyntaada Mashaa alaaah , Waxaana Leeyahay Libaax Haduu Seexdo oo uu soo Tooso Waa Libaaxii Uun Samaroona Hadu seexday oo uu hada kacayo waa libaaxii uun, Bisadina Haday seexato Oo ay toosto Waa bisadii uun is badal ma leh markaa waxaan idin leenahay hanbalyo Waayeel Horaa Yidh, Kancaan iyo Nabruud Bay Hortaaa Kado, Ka tuureene. Karti Iyo Garaad Gadabuursi Lagu Karaameee , Ana waxaan Ku lifaaqey Samaroonka Miiyeysan, ee meel waliba jooga , ee magac weynlee, rabigay faro ku maasheeyey, ee tiro malyuun iyo milyaar, moordan kor u dhaafey, waa u macno la,aan , iney Qayrkooda Magansadaaan, Waxa Waliba Waxay Leeyihiin Ku Dayasho Boqol Duqay iyo Dhalinyaro Haraad Qaba Ayaa Kulankiina ku diirsanayaa Waxaana Ilaahay Idiinka Rajeynaynaaa Kulankiina Kulan Siman Kulan Loo Dhan Yahay Kulan Hore Mar Keena Waar Hadhow Samaroonku haba is dileee waar waxa aan noqono marka hore, Marti baan Reer U nahay, aan Gobonimo u dhalan Dhilo iyo daba la meera, Adigoo Muslina oo Gadabuursiya Oo kacaankii Muslinkee Geeska Afrika Ah, Naaquska Maxaa Kuugu Wacan, Bortuqal iyo spain iyo chinaha, Abtirsiintaada yaqaaan Ee waxaan ilaahay idiinka Baryayaa Inaad Unug Khayr leh aad Abuurtaan Hore Mar iyo Isku Xidhnaansho Leh Wabilaahi Towfiiq
Samatar Juvo - July 6, 2009 2:00 pm
ARDAA illaahow ka dhig Urur Awdal iyo SALEL Ciiltira….. Amiin
Waranle - July 6, 2009 5:31 pm
Waa ilaahay mahadii mar hadii la dhaqaajay ururkii oo dad culus ay isugu yimaadeen. laakin waxaa intaa ku dari lahaa ku wa cidlada kadudaya in iyagana marlabaad gudi loogu diro oo looyeedho, loona sheego in aan laga maarmi karin si khilaafku u yaraado. hadii ay diidana in markhati loo yeeelo oo aan dhag loo dhin. wabsaytka harowo.com yaa yidhaa dadkaaga haka hadhi ee dhinac karaac, waanay ahayn please aflagadaa dadka tashanaya ama adigu harowooy talo keen, dadku waa talo keen iyo aqbal keen ee mid uun noqo, taasina waa waano ku socota harowo.com
by
mohemed
mohemd obsiye - July 6, 2009 7:14 pm
Waa ilaahay mahadii mar hadii la dhaqaajay ururkii oo dad culus ay isugu yimaadeen. laakin waxaa intaa ku dari lahaa ku wa cidlada kadudaya in iyagana marlabaad gudi loogu diro oo looyeedho, loona sheego in aan laga maarmi karin si khilaafku u yaraado. hadii ay diidana in markhati loo yeeelo oo aan dhag loo dhin. wabsaytka harowo.com yaa yidhaa dadkaaga haka hadhi ee dhinac karaac, waanay ahayn please aflagadaa ka daa dadka tashanaya ama adigu harowooy talo keen, dadku waa talo keen iyo aqbal keen ee mid uun noqo, taasina waa waano ku socota harowo.com
by
mohemed
mohemd obsiye - July 6, 2009 7:17 pm
runtii waa shir aad u qiimo badan shirkaasi maanta kadhacay kanad aad ayaanan uugu faraxsanahay waxayna indhahaygu qabteen inay ku jiran aqoonyahanadii samaroon ee ilma samatar mise anaa u qaatay waxan idin leehay samaroonow guul for ever
dhagaxliqe - July 6, 2009 11:17 pm
Asc Dhamaan bulshada Inta Xalaashaa Intaa kadib Waar Horta Ninka Axmed Sheekh La yiraah Ee Harowo Warka Soo Galiya Cuqdada Intee Leeg Ayuu U Hayaa Habar_Cafaan, Walee Marna Waxaan Is Iraahdaa Waa Hido Uu wato marka Taariikh sooyaalka aan fiirino oo dhaxal awow ah , Markaa Ninkan Waa Ceebaynayaa Samaroon Ama Jibriir yoonis una Maleyn maayo Inuu Jibriir Yoonis yahee Waa Qaybtii Ka midka Ahayd Ee Jaahil Yoonis ee c/raxmaan Aw Cali Suldaanka U yahay bal u fiirso Hor marka Dadka Awdal iyo Dadka ururka Ardaa oo uu ku leeyahay Waa urur Habar_ Cafaan Samaroonkii Kale waxba lagama Siin Wuxuu Wadaa Nacaybkii uu aabihii sheekh ku soo bur buriyey ururkii Wadaniga ahaa ee reer Awdal SDA Abahaaa Ayaa SDA Iyo Xansharo Xasad La daba socdey adigu waad ku soo dhalataan filayaaa waar bal ila fiiriya maqaalkan tolkooow intii jecel hore marka iyo wanaagsa SHEEKH SAMAROON SICIID DAUUD CALI BINU ABI DALIB , Inuu yeesho talo gooniya iyo Boqortooyo gooniya Hadhow inaku haban isku dilneee dhexdeena
War Bixin: Shirkii Isbaahaysiga Ururda Macaaradka Qurba-jooga Awdal ee Ka Dhacay Magaalada Ottawa, Canada, oo Ku Guul Daraystay in Baaq Midaysan Laga Soo Saaro.
maqaalka gala oo akhriya dhamaantii wabilaahi towfiiq
samatar Juvo Mici Dheer - July 7, 2009 10:32 am
Waxaan magaalada Toronto kaga tegnay dad aan ku jiro, si aan u soo hubino ama u soo ogaano siyaabaha uu u dhacayo shirk ARDAA ee magaalada Ottawa, Canada, kaas oo ay ku kulmeen qaybo ka mid ah Jaaliyadda Reer Awdal ee Waqooyiga America. Markii aan gaadhney magaalada Ottawa bishu markay ahayd 4 July 2009, halkaas oo dad ama oddayaal badan nagu soo dhaweeyeen. Waxaan wax yar ka dib helay warkii ka dhacaayey magaalada Ottawa habeenkii ka horaysey shirkaasi.
Waxanan markiiba ogaanay in dadweynaha reer Otawa ee ka soo jeeda Awdal iyo Salal ay aad iyo aad ugu kala qaybsanaayeen tegi taanka shirkaasi, sababtuna ay tahay siyaasada uu ururkani huwan yahay iyo sida hogaanka ururkani yahay.
Kadib waxaan go’aansanay in aanan shirkaasi aanan ka qayb galin. Waayo, waxaan ogaanay kala qaybintii uu ku riday sanadkii hore magaalada Toronto inuu ku ridaayo dad weynaha reer Otawa. waxaana la naga marti qaad (Barbeque), kaas oo ay noo fidiyeyeen dadkii Reer Ottawa ee gaashaanka ku dhuftay inay ka qayb galaan shirkaasi, laakiinse waxaan isku daynay inaan dusha kala soconaa siyaabaha uu u dhacaayo shirkaasi, waan sedan soo socota:
Horta shirkani wax go’aan guud ah oo uu huwanaa may jirin, qof kastaaba wax buu soo diyaarsaday oo ka hadlaayey, wax dan guud oo uu huwanaana ma jirin. Waxana ugu wacnaa dadka maamulayey oo aan daacad ka ahayn danta guud, balse watay u jeedo iyaga u gaar ah. waxay dad weynaha Reer Ottawa sugayeen in madax iyo xubno cusub la doorto oo ururka lagu wereejiyo, taasin may dhicin. Waxaa meesha ka dhacay wax aan macno badan lahayn, una badnaa sida ay noo sheegeen dad joogay meesha shiku ka dhacayay khudbado dhaadheer oo dadkii dhegeystay ay ku tilmaameen “Hadal Haan Ma Buuxsho”.
Haddii aan nahay dadkii ka tegay magaalada Toronto, waxaan mahad celin u diraynaa dadkii iyo odayaashii sida wanaagsan noogu soo dhaweeyey magaalada Otawa.
Ahmed Kahin - July 7, 2009 6:58 pm
salaamu calaykum waxaan salaamayaa sayalac.com oo sifiiac iyo daacadnimoda ka muujiyo dalkeena ,noogana soo warama, mida kale waxaan la yaabahnahay maxaa axmed kaahin ka siya waxuu ku sheekaynayo waa maxay, anagaa joonay shirka sifiicana wuu u dhacayna ilaahayna sidaa ha ,ugu wado dadkeenu way,inoo baahanyihiin, uma baahno doqonimo, shirku si fiicanbuu u dhacay, aqoon yahaangadarbuusi wuxuulahaana kama maqnayn, hurumana waa rabaa ee dadka dibisocodka jecel ilaahay ha soo hadeeyo.
faadumo axmed kaarie - July 7, 2009 9:01 pm
waad salaamantihiin walaalayaal axmed sh.faarax waanu ,uduceen habarcafaana oranmaayo wuu necebyahay ee gadabuursi oo dhan ayaan odhan waayo ninkii hasoo jeesta dan guud waa gun,meeshana habarcafaan kuma badna waxa meesha maamulka hayaa boqolkiiba 95 waa makaahiil laakiin wanaag wada, dadka kalena waay ku raacsanyihiin.
waxa xumaanta wadaana waadad gaara oo dangaara wata sida axmed iyo qaarkaloo badan laakiin waanu u duceenaynaa.
faadumo axmed kaarie - July 7, 2009 9:07 pm
asalamu calaykum marka hore.marlabad waxan u jawabaya ninkan sita ahmed kaahin ee sidii cali hindiyo u hadlaya. dhagayso ahmed kaahin ama hindiyo afdheer oo bilaa macni ah baad bulshada kula dhex wareegaysa danahaga la qabsada intad shaqo aan cidna ku diran ku wareertay.. reer awdal waa mid waa bulsho baladhan isna jecel adoo kale oo afdheer waxba looma wayayo cidlaad ku dhamatay,lisen anaga joogna ottawa shirkana ka qayb galay ilaa 8.30 aroornimo ilaa 12 habeenimo shirna ana dhex joogay waxan arkay dad is jecel oo isku xiisooday oo iswada dhunkanaya oo kala baaday, wax kala qaybsan anigu maan arag gadabuursi waa mid meesha waxgaradkii phd holders reer awdal baa ka hadlayey qiirada sacabka sawaxanka maad malaynayn meesha ka dhacaayay reer ottawa shaqo fiican oo ilahay ka abaal marin doono bay qabteen dhowr boqol oo gadabuursi ah bay quraac qado iyo cashaba u sameeyen .. waxan hore oo arag baa meesha ka dhacay waana ilahay mahadiii.. cadowga adoo kale ahna ilahay waxan uga baryaya inu xanuunka ku haya ka saaro ,, good bye
sucaad - July 8, 2009 2:17 am
salamu calaykum.. salan ka dib waa guul usoo hoyadatay reer awdal ilaahay ARDAA ha ka dhigo kii dhibta reer awdal wax ka qaban lahaa inta khayrkood is dhameyey ee dalgal meelwalba ka socdo somalia bay ku fikirayan inay dhulkoodi iyo dadkoodi wax u qabtaan lama waayo xabad macaarid ah oo wanaaga dadka ka soo horjeeda sidan kan harowo wax ku qora ee cali faarax sita wuxu muuna xishoonayn horumarka dadkoodu gaadhay miyuu quudhi wayay muu isla yaabo .. kuwa sidiisa u hadla wa kuwa nolosha ka dhacay ee ninka hala soo badho sida uu u nool yahay inu shaqaysti iyo inu welfare qaato wa bilaahi towfiiq,,,
siraad ottawa - July 8, 2009 2:25 am
from saada canshaharaar
shirkii waan ka xumahay in aanan ka qeybqaadan. laakiin internatka ayaan idinkala socday. si fiican oo sharafle ayuu u dhacay. dhamaan beesha samaroon ayaan salaamayaa iyo ciddii nabada jecel oo dhan,iyo dhamaan dadweynaha ka tirsan ururka ardaa.
suaad cansharaar - July 8, 2009 5:13 am
salaamulaahi caykun dhaamtiin waanu u riyaaqnay dhawaqa ururka iyo aaraahada wacan ee ka soo ifbaxday wanan aamin sanahay inay horseedi doonaan hurumar iyo wadajir usoo hoyata umada reer awdal iyo salaalba waana loo baahan yahay ururkan umaduna waa sugaysay somali aqoonyahan kasta tolkii ayuu uhiiliyaa maanta haday aqoonyanadii gadabuursi garteen umadooda inay garab galaan waa midh dhaamaan gayigu soo dhawaynayo una sacabo tumayo guusha hortale inta ka dib waxa jira dad cayayaana oo qabiilna matalin lakiin xumaanta ku naaxa sida ninka hadal la wareegaya ee wargaysaka harwo looga yimi maqaal xumadiisa dadkoo dhami waxa ay mareegtada harawo dadku uga gureen war aan nuxkiisa la aqoon oona ku fadhiyin xigmad iyo aragti fog mida aan ku fadhiyin oo malinkasta uu soo dhigo wargayska waana loo daayay ina maqaal xume meeshii beenta iyo munaafada uu moodayo inuu rayaale lagu dilayo hargaysa haduu gadabuursi yeesho urur siyaasiya oo ka madaxbanan xukuumad ku sheega ina riyoole ku qawlaysto oo yarkan ahmed la baxay ee indhoolka ahi meelkasta oo gadabuursi iskugu yimaado uhaysto in ina rayaale la neceb yahay waad lun santahay adeer ina rayaale cid nicibi ma jirto ha na wareerin ee umada aayaheeda ina rayaale oo maqaar saari noqon maayo adiguna dadka marin habaabin maysid ee tolkaa gala inta ay goori goortahay hadii kale cid kuu joojinaysa ma jirto wabilahi tawfiiq
Cabdikariim Maxamed - July 8, 2009 12:19 pm
salaamu calaykum.
Waxa haboon in danta guud iyo qabiilka la kala saaro, qofkii aqoon leh, karti wax u ku qabankarana ilaahay siiyay hadii loo dhiibo urur in qabiilkee uu ka soo jeedaa lagu mashquulo mahaa, hadii wado la dhiso ama garoon kubadeed dadka manaafacsanayaa noqonmaayaan qabiil kaliya ah e samaroon oo dhan ayaa ka fa’iidaysandoona. Markaa dadka arintan rakhiiska ah danta guud uga tagayaa waa maan gaabiin, anigu sida aan u arko ururkan ardaa waxan filayaa in uu dan guud uu ka shaqaynayo ee una qoysas gaara uuna wax u qabanayn. Kolay samaroonku dhaliil ayuu leeyahay oo waxa ka maqan danta guud taasina waa ta gobalka ay dagaan ka dhigtay gobalka ugu liita arliga somaliyeed/ somaliland. Markaa maanta hadii la helay urur mideeyay ururadii kala duwanaa ee midba gaar u ordaayay waa nimcad soo koradhay oo mudo bulshada samaroon ay ku fikiraysay waxanad moodaa in odhaahdii odhanaysay ( gadabuursi way kasaana ma karaan) laga baxayo.
Gabo gabadii waxan ku talinlahaa in qof kastaaba taageero ururkan u kacay in baylahda dhulkii hooyo taala uu daboolo.
wabilaahi tawfiiq.
Abdirashid mohamed - July 8, 2009 3:55 pm