”Haddii uu Marxuum Cigaal nool yahay Talow ayuu maanta u codeyn lahaa! by/ Abdirasaaq Hammaal

07/1/2009 3:50:00 PM

Xuska Maalmaha Qalinka iyo Xilka Madaxweynaha Qaranka Q-4aad.

cigal”Haddii uu Marxuum Cigaal nool yahay Talow ayuu maanta u codeyn lahaa”
Wali waxeynu ku gudo jirnaa qormooyinkeenii xiisaha lahaa ee aan kaga warameyney xilka madaxweynaha qaranka JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, qormadeenii u dambeysey waxey aheyd mid aan si balaadhan ugu qaadaa dhigney socdaaladii is-daba jooga ahaa ee uu madaxweynuhu dalka dibadiisa ugu baxey kuwaasi oo dulucdoodu aheyd dar dar galinta hanaanka damuquraadiyada ka hano qaadey JSL iyo sidii uu beesha caalamka uuga dhaadhicin lahaa qadiyada Somaliland, waxaa xusid mugdi aan ku jirin mudan in socdaaladaasi ahaayeen kuwo ku soo dhamaan jirey is-afgarad wacan oo uu weheliyo hashiis mustaqbal oo midho dhalkiisu soo dhow yahay, dalalkaas uu madaxweynuhu la dhex marey tumista durmaanka aqoonsiga Somaliland ayaa qaarkood ay madaxweynaha ku xidheen shuruudo marka sidaa loo eego ah kuwo aan soohida tidica xadhigoodu aan adkeyn maadaama ay dalalkaasi madaxweynaha ku xidheen in xoriyada Somaliland ay marka ugu horeysa xalaaleeyaan dalalka ay dariska yihiin iyo kuwa ay diirka wadaagaan (Africa).

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo arintaasi ka duulaya ayuu socdaal ugu kicitimey dalka Ghana oo ka mid ah wadama ku yaala galbeedka qaarada Africa, socdaalkaasi wuxuu ahaa marti qaad rasmiya oo uu madaxweynuhu ka heley dhigiisa wadanka Ghana kaas watkhtigaa ahaa hogaamiyaha ururka midawga Africa, madaxweynaha iyo waftigii la socdey waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey caasimada dalka Ghana ee Accra madaxweynihii hore ee dalkaasi John Agyekum Kuffour, ujeedada ka dambeysey qorshaha madaxweyne Rayaale damacsanaa ee uu socdaalka ugu kicitimey wakhtigaas dalal muhiim ah oo ka tirsan qaarada Africa waxey aheyd sidii uu ugu ololeyn lahaa Somaliland in ay xubin buuxda ka noqoto ururka midawga Africa ee fadhigiisu yahay dalka Ethoipia magaalada Addis ababa, kulankaas labada hogaamiye wuxuu ahaa mid ay isla meel dhigeen xoojinta xidhiidhka cusub ee u bilaamey labada dal iyo dadaalka dardar galinta dhinaca qaarada Africa sidii ay Somaliland uga taageeri lahaayeen helida aqoonsi buuxa oo ay beesha caalamka wax kula qeybsato.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin dadaalka uu Somaliland kor ugu qaadayey dhinaca diblamaasiyada arimaha dibada kaliya kuma koobneyn himilooyinka uu hiigsanayee uu lahaa dalka harumar ku gaadhsii balse waxa hubaal ah in uu wax badan ka qabtey dalka gudihiisa sida

1- Wax ka badalka garsoorayaasha
2- Sugida xuduudaha dalka
3- Kobcinta dhaqaalaha
4- Hirgalinta waxbarasho tayo leh
5- Balaadhinta maamulka
6- Taakuleynta dadka tabaaleysan
7- Magan galyo siinta maatida soo qaxdey
8- Qabashada saddexdii doorasho ee dalku galey
9- Xoriyada saxaafada wadanka
10- Baahinta adeegayada bulshada sida Biyaha.

Maadaama uu madaxweynuhu intaas iyo in ka badan oo aan halkan ku soo koobin karin dalka u qabtey walina ay u dhiman yihiin in badan oo hamigiisa ku jirta sidii uu u hir galin lahaa ayaa dhinaca kale waxaa taagan su,aal ah talow haddii uu marxuum Maxamed Xaahi Ibrahim Cigaal noolaan lahaa ayuu u codeyn lahaa doorshadan soo socota?

Nin weyni wadkiis waa yaqaanaa ee markii uu marxuumku ogaadey in ay tiisii soo dhow dahay ayuu u dardaar wariyey daahir rayaale inuu dabadii hogaamiyo dalka iyo dadka, su,aasha meesha taalaa waxey tahay oo miyaaney dalka joogin siyaasiyiin daahir ka da,weyn? miyaaney joogin siyaasiyiin kale oo cigaal ka ag dhawaasi oo cigaal uula muuqadey in ay maamulka dalka ka soo bixi karayeen dabadii? haa waa su,aalo jawaabahoodu sida ced ceeda u cad yihiin laakiin maxey tahay ujeedada ka dambeysey dardaaranka marxuum cigaal? runtii marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxuu ahaa ruug cadaa siyaasi ah sidaa darteed wuxuu ishaarayey haddiiba dabadii uu dhaco khilaaf siyaasadeed in ninka kaliya ee xalin karaa yahay rayaale, wuxuu qabey kalsooni ah in daahir rayaale dalka daacad ugu adeegi karo, dadka reer Somaliland-na damuquraadiyad ugu hiil kara xaqooda, dalkana gaadhsiin kara doorashooyin xor ah oo xalaashooda lagu helo aqoonsi buuxa, wuxuu ogaa in madaxweyne rayaale yahay ruux xamili kara mushkiladaha siyaasadeed ee kaga iman kara xoogaga ku mucaaridka ah xisbiga UDUB ee talada dalka haya, ( waxaad moodaa in caqliga cigaal ay ku jirtey odhaahda ah: Nin ka carara cartanka mucaaridka looma baahnee nin calool adag oo codkiisu sida rayaale meel mar yahay baa la rabaa) Alaha u naxariisto marxuum cigaal maxaa yeeley intii uu maalinkaas sheegeyba maanta shaahid beynu ku haynaa, sidaas darteed waxaan leeyahay haddii uu maanta marxuum cigaal noolaan lahaa wuxuu noqon lahaa shakhsiga ugu horeeya ee u codeeya Madaxweyne Rayaale.

Dadka ka faalooda saadaasha natiijada doorashooyinka Somaliland marka aad la sheekeysato waxaa hubaal ah bey leeyihiin in haddii Daahir Rayaale ku guuleysto doorashada soo socota ay si deg deg ah u soo noqon doono hirka aqoonsiga Somaliland ee mudo sideed iyo toban sano ka badan BADA ceerigeeda ka maqnaa, sidaas si la mid ah waxa qaba dadka u dhuun daloola siyaasada Somaliland marka ay naqdinayaan siyaasiyiinta Somaliland waxey tilmaamaan in uu Daahir Rayaale Kaahin yahay hogaamiye daacad ah oo waliba si hufan oo hawl karnimo ka muuqato u yaqaana xiliyada siyaasada (Political Seasons) sida

1- Goorta uu gaban karo
2- Goorta uu muuqan karo
3- Goorta uu aamusi karo
4- Goorta uu odhaah tiraabi karo
5- Goorta uu colaad goyn karo
6- Goorta uu nabad gaadhi karo.

Marka aad dib u daalacato sharciyada siyaasada kana baadho kalmadahan kor ku xusan waxaa kuu cadaan kareysa in ninka siyaasiga ah ee hab-dhaqankiisa siyaasadeed ku sifoobeen qodobadan aan soo sheegney uu yahay siyaasi wanaagsan oo dadkiisa, dalkiisa, dawladiisa iyo diintiisaba barwaaqo u horseedi kara.

Dhamaad
Qalinkii Abdirasaaq Hammaal
E-mail: rasiiqi07@hotmail.com


Comments

  1. Asc Dhamaan Umada Islaamka Iyo umadda Gadabuursi Salaan Kadib Hadaan Rayigayga Cabiro Waxaan u Maleynayaa Inuu U Codeyn Lahaa Daahir Rayaale Kaahin
    Maxaa Yeelay Si uu Danihiisa Gaarkaa ugu fushado Maadaama uu ahaa siyaasi weyn, Taasi Waxaa kaaga Marag Kacaysaa Sidii Loo Adeegsadey C/raxmaan Aw Cali Faarax Marki Laga Dhigayey Wasiirka gaashaandhiga Iyo madaxweynaha Ku Xigeenka, Si Dano Gaar Ah loogu fushado, Waanad Ogeyd Baan Filayaa Ina Xamaaloow In Kadib La Casiley C/raxmaan Aw cali markuu Cigaal Oo siyaasi Weyn Ahaa Wuxuu Rabey Ku Gaadhey, Tan Teedii Mid la mida Weeyi Waana lagu Gaadhey Rayaale Intii Laga Rabey Inuu Boqol Gobol isaaq u sameeyo Gadabuursi Deegaanadii W/galbeed Ama gobolka Hargeysa kaad u taqaan laga xasuuqo waana aragtaaa Ceelbardaale Iyo Gabiley In uu sameeyo in Gobolka Awdal Labo Laga Dhigo Qaybna Dawlada Jabuuti Gacanta ku dhigto Si xeebaha Awdal U Go,aaan Waligoodna Gadabuursi u hoos Joogo isaaaq , Taasi Waa Fikirkayga Iyo Aragtidayda Guud Ee aan ka qabo Ee Bal Bulshad reer Awdal Ee Badankooda daadka socda Xubada ka ah ee Geed Wali aan Qabsan Ayaan ka war sugaynaa Rayigoodaa Wabilaahi Towfiiq

    Samatar Juvo - July 1, 2009 6:18 pm

  2. salaamulahi dhamaan bahda sayl.com aan ku xijiyo arintan meesha taala iyo faalada qoraagu soo bandhigay murxuunka x maxamed ibraahin cigaal alaha unaxariistee horta marka koobad in cigaal waa nin dhintay maanta lana mid ahaa shacabka xukuumadan hadhsada siyasad ugaarana watay oo saamaynaysay maamulkii marka uu noolan jiray ninkasi lakiin talo lagaba bixin karo qof dhintay waxa uu samaynlahaa maanta waayo maba noola siyaasadu waa wajiyo badan tahay xukuumadanina nin ugaar maaha ee wadano dad badani isku kashadeen qofna kaligii laguma ix tiraamo ee bulshawaynta markaa danaysa oo dhan ayaa ixtiraamka wada le oo ay dano ugu wada jirtaa mana aha sida uu hadalkagu udhacayo tukaan uu ina cigaal lahaan jiray ama meel kaligii talo ka godo oo ina rayaale yahay wiilkii ina cigaal axmed siilaanyana uu yahay cadaw uun markaa ogolaanayn waa fikir aad uhooseeya runtii fikir kani waxan umalaynaya qofka sidan ufikiray waa qof aan meel fog wax ka eegin waa hadal da yar runtii mud wayna aan lahayn qolayaha mareegtadan qoraana waxan idinka codsanaynaa inad noo soo bandhigtaan fikir tayo le oo dadku aarahda isku waydaarsan karaan ee maytida lama falanqayn karo inda aad wada ogtihiin gabi ahaantiinba intaa aan ka gudbo waxa meelka dhacaya somaliland labaxday waa loolan ma tartan aan wax tarkiisa la aqoon kiin shalay xilka qabtayna uu moodayo inuu ilahay kaligii meesha uqoray waanu garaad xumo uula shar yimi waayo waxa meesha yaalaba waa xukuumad ku sheeg ee xukuumad maha taasina waa taa mida kale waxa weeye kuwa tartanka kula jira ka maanta jooga khaqbay uleeyihiin inay mar uun dhex mushaaxaan meesha lagu socdo oo an meel mudo yar lagu nasanayo inta tii kale dagayso waana wakhtigoodii waayo kuwan maanta jooga waxa waa keeni wayeen dadkii aya qasheen dilaalkii aya ka qateen wixii uu isugu cuni lahaa shacabkii ayay sabool ka dhigeen dumarkii hagabadha ku jiray ayay dhaceen kooxda ina rayaale intaas oo dhan waa la ogaday manta wakhtigiisii waa dhamaday waxana imanaya kakale ee ilahay u calfo wanan ku soo dhawaynaa wabilhi tafiiq

    Cabdikariim Maxamed - July 1, 2009 6:42 pm

  3. HADII UU MARXUUM MAXAMED SIYAAD BARRE MAANTA NOOLYAHAY AYUU U CODAYN LAHAA?

    Maxamed - July 1, 2009 9:07 pm

  4. horta maxamed xaaji ibrahim cigaal ale ha unaxariisto’Dahir riyaale na ale ha ku asturo xilka culus ee uu hayo. EE uu hayndoonana .. intaa kadib waxan odhanla haa walaala hayga wax soo qoraya. cayda iyo qabayaalada is ka daaya waayo.dad walala ah ayaynunay,,ama garo ama hagaran.Somaliland dadka dhexjooga qiimo wayn ulamalaha.waayo ma arkaan horu marka ay dalka soo gaadhsiiyeen madaxwayna yaashii mamuka dalka ka sooqabtay,riyaale shacbiga somaliland baaraba taladadalka sii hayo..Dasturka somaliland wuxuu kuu sheegayaa Hadii madaxwayna ha dalku geeriyoodo.In sifesharciya ,,KU xigeenku dalka madaxwayne ugunoqonayo,,Cabdiraxmaan aw cali iyo Ragbadan oo kale wakhtigoodii wayqaaten,anon hadalka badin Runa i diisheegay 5 shataa sanee soo socota riyaalaa haynaya,,cidkastoo siyaasadada indha indhaysa ayaa og.waa run in uu riyaale xogta somaliland gacanta ku hayo manta ilaa malintii cigaal geeriyooday.dantuna ay kukhasabtay in uu dalkiisa iyo dadkiisa daacad unoqdo.
    inin kastoowba sidaad doonto yeel sahadam baad garan,,
    Abdirashiid abdillahi
    Abdibrother@hotmail.co.uk

    sweden

    abdi abdillahi - July 2, 2009 12:53 am

  5. waan ku raacsanahay hadalkaa uu yidhi c/risaaq hamaal waa runtii xilka daahir uunba hayn kara cid kale wadanka ma wadi karto

    AHMED - July 2, 2009 12:59 pm

  6. somaliland cid aan xil hayn karin kuma jirto ayaan aaminsanahay se dadku ciday isku raacaan unbaa qaban doonta ee mala awaalka waa laga fiicanyahay kii inoo qabtaaba waa madaxweynaheenii e ku bushaaraysta dadoow mahadsanidin

    yaksi - July 3, 2009 10:27 am

  7. Waad salaamantahiin dhamaantiinba, xamaalaw magaaca baa, maanta waxaan kaa filaynay in aad wax dhaama meesha keento ee kama aanan fileyn in shaqadii guulwadayaashii afwene bare aad meesha keento, ma xeelad baad moodeysaa amaanta ina rayaale gorod, wax ma tarenimadiisa ee aad ka been sheegeyso wax aanu qabana wuu qabtay aad leedahay, afku yuu ku maroosamin,baahi kursi iyo mansab aad ka hesho ina rayaale gorodna ayay ku hodin ama ummaddaa ha ku lafjabin, meel aanay waxba ka jitrina ha ku daalin, aqoonsi buu keeni iyo xaal haweenku mormaana talo laguma gaadho jaalaw, haddiise aad reer cismaaneynayso anigu kuma darintaas, sidii ina maansheeye markuu ku riyoonayay in uu laga dhigo odey ku magacaaban sal uu ku qorey maqaal uu ku weeraraayo, masuuliyiin hore, ugana magac bixiyey ducaqabe jaaw…. iyo afmiishaarnimo kale,miyaad gedeedii wadaa xamaalaw, oo ummadan jeelka ku jirta iyo caadil qaatahan lagu shaqeysanayo baad sumcad isleedahay uga samee, xamaalaw waad ka dhacsantahay ujeedada laga leeyahay soomaalilandnimo waxay ku danbeyn doonto. ina rayaale gorodna adigu ma aad dooran ee iidoor baa doortay, markay ku meel gaarana way tuuri doonaa sidii kuwii tolkood xasuuqey, ee kula baxay mujaahidiin, ee aad isku haybta ahaydeen, maanta yahiin tuke cambaarle. xamaal iyaanay ku qaadin mansab aad ummadaada ku hungeyso, noqo kii anfaca dadkiisa ee aan lugoyn.
    xaradhkani maqaalkuna meesha kuma jiro wax dhacayna ma ahin, aqoonsi aad ku riyootaana ma jiro, dahir dadka runta uma sheeqi karo , ee hadii run la dooni siilanyo ayaa kaga haboon orana kara waan weynay aqoonsi, ee xageen u ciirsanaa, daahirse wuxuun buu dhahi fooda uun baysoo saaran tahay aqoonsigii iwm.
    aniguse ma raacsani siilaanyo iyo qudmistiisa is daba socota , waanan ogolahay in uu daahir hor fadhiyo ilaa inta ay koonfuri degeyso, kii diidana cilaa laga tegi haddii ay maanta degto muqdishu.. taas ogaw
    afkana ha iska xumeyn, hana u hadlin sidii guulwadayaasha dadkana durmaan been ah ha u tumin…
    nin meesha la dhigtayna dadka ha marmarin, wuxuuna ahayna ha ka dhigin….. nabad gelyo

    Dr.A. Barkhadle.I.(Waraabe-cadde) - July 4, 2009 8:48 am

  8. waar xamaal waxaan filayay inaad intaa ka maskax badan tahay , xaalkaagu ma kii coonkaa, mar horena waxaan arkayey in wariye maqaal aad uga ciwaan dhigtay , maxaa daahir laga siiyaa, maantana ayuu u codeynlaha siilanayo haddii uu marxuunkii nool yahay.
    cajab kani aad wado isagu miyuu tirsanaa sawkii ahaa qeyral masuulka aya dirtay ee uu ka masuul yahay uu lahaa marxuunku, markii uu ina geelle batal tahniyadaynayay, iyaa u dirtay sawkii yiri, kana sawkii yiri cigaal iga raali ahaw waan khaldamayee,
    ma waxaan jirin baad wax nooga dhigeysaa, mise waa wixiinii xilka lahaa.miyuu san ahayn kii isaga oo ku xigeen ah, marxuunku ka dhigey badhasaabka togdheer, ee waliba, cabdirahmaan tuur isaga oo sheeganaya madexweyne ku xigeenka caydiid uu ka soo degay burco,
    hadalna laga waayey ee la qariyey waliba,
    ayuu u codeynlahaa kan aad is horwadaa ma isagaa tirsanaaba marka laga hadlayo siyaasada sawkii ahaa kabo qaadka ina cigaal, iga walee haddii uu marxuunku oran laha reerka soo dareeri in aan adiga iyo kuwa kula dhashay xabadi ka hadheen, eebbe waa ogyahay anaguna waan ognahay.. xamaal wax aan waxba ahayn wax lagama dhigo.. nin nasiib wax siiyeyna in ad ku faantaa meesha ma taal.garaadkaaguna ha shaqeeyo, waxaad mooda in uu dib u socdo marka lo eego maqaalad-
    aada aan ku fadhiyin xigmada, maalinkale abwaan baad sheegaysay sida aad wax u wadaa wa qalooc jaalle, waxaad u eegtahay nin mansab doonaya oo sidii jibriil yoonis ay wax u dooni jireen baad wadaa, dadkuna ayaanu ku garan baad isleedahay, sidaad wax u hardheysaa ma qomana, waa la huba in uu ku shuban doono laakiin ma kunagaan doona baa meesha taal, iga walee duhur cad buu siilanyo ka cedhin guriga haddii uusan adeegsan habarawal iyo habar yoonis oo looga shaqeeyey yaa.. cajab xamaal maxaad la shirtimid
    maxa lagaa siiyaa dahir, ayuu dooran lahaa hebel.
    wax nin weyni ku hadlo ama la shir yimaado ma ahin…
    bulshada ayaana garta qaadi ee u dhega dalool…

    Dr. A. Barkhadle.I (waraabe-cadde) - July 4, 2009 3:06 pm

  9. salamulahi dhamaantiin waxa aan mar labad la hadalaya ninka qormadan soo diyaariyay faan ayaad ka dhigaysay hadalada nuucan ah faanku yuuna kaa noqonin libinta aad ku micnaynayso inuu ninkale ku siiyay uu yidhi kani ayaa waxa qaban, sida aad adigu sheegtay eed tidhi ina cigaal ayaa ku dar darmay ina rayaale inuu meeshan joogi karo midaasi waxay bildhaamisay inuu maqaar saar ku yimi meesha oo dano lagu gaadhayo awgeed meesh loo dhigay sida aad adigu tidhi ee aad ka dhawajisay taasi waa taa inad taageerto ina rayaale ma xuma ma hayb ku tageer ama nidaamkaleba ku tageer laakiin adigu waxa bilawday beentii ina rayaale iibin jiray inad noo soo xafido oo hadalo aan micno ku fadhiyin ood soo bandhigto ood aad ina rayaalena ku sifayso habar dhaxal suga oo dhaxalkii heshay anan ka tagayna meesha waar ninweyn hadad tahay hadalkagu mug hayeesho waxa la ariki karana ha ku salaysnaado dawladan aad u ololaynasana waxba ma ogide inuu ictiraaf imanayn waxa og kuwii danayn jiray inay ictiraaf helaan ayaan ku hungoobay oo ka samray waxad aad shubayso ina rayaalana maanta cid ka dhagaysata ma jirto waana wax lagu qoslo hawshani qiirada ina rayaale aad ugu ololaynayso, waxa kale oo kuu sheegaya inu ina rayaale karti iyo siyaasad midhna uun hayn uu labada faqri ka yahay uuna yahay oo ayna siyasadiisu waxba ka suurayn geeska afrika lakiin wuxuu ahaa nin gaajo ka roorayaa oo gacnacsade ayuu ku noqday intuu maamulka hayay hanti badana waa lunsaday oo uu meel badanbuu dhigtay hadad makaahilaw la cunaysan waxa inuu ina rayaale soo xaday waa gartiin ee la calashada, lakiin maanta waa malintay udhamatay waan sii galbanaya mana joogi doono meeshan dhamaadka sanadkna waa ka baxaya kuwii caabudi jirnay malaha meel kale oo aya caabudaan taasina ogaada, tolkiina godobta uu ka galay eed qaban waydeen eed dhosha ka qoslayseen ee xeeb uu ciise siyay duhur cadna ku soo celiyayna waad ogtihiin in riyaale waa ninka somali dhulboobka ka dhacaya doqoniimo wax uu ka qabo dhulbixiyay waayo cudurka ku jira waxa uu yahay garbayada kale ee ay gadabuursi wadagaan ayuu cadaw uhaysta waana qorshaha uu dhulka ku bixiyay ina riyoole ina cigaalna waxa uu dooran lahaa qof maqaarsara sida ina rayaale eed adiguba qirtay murana kuma jiro waay adigaaba soo ifbixiyay midhaas wabilaahi tawfiiq

    Cabdikariim Maxamed - July 5, 2009 10:43 am

  10. waad salaamantahiin dhamaantiin, waxaan la hadlayaa cabdikariim, way fiican tahay in wax la isku sheego,
    webkani waa calami, dad badan baana inala akhrista, sidan aad wax u dooxdooxi waxaan leehay waa lag fiican yahay, ceebta uu walaalkeen leeyahayna waan la leenahay ee kama maqnin, hadalada qaarkoodna waxay ku fiican yahiin, in ad ka dhigto , nin reer u weyn iyo naag naago ka dhalisay sidey u waramaan, dharaartiina odey odey habeenkiina habarhabar, in aad huryada inoo dhaawacdaana ma qumana kursiga waa la wada leeyahay, ummad dhan buuna ka dhaxeeyaa, mid gadabuursi u gaar ah ma ahin, nasiib wanaag ina iyaa ku fadhina, in aan isku taageero, oo aanisla talino isna toosino iyaa meesha ku jirta, in aan isku daqarnaa, ooduurjoogtu inaga faaiideystaa waa cawaaqib xumo, dhamaan teena in wax la toosiyo iyaan u baahanahay ee in an dadka wada dhashay ka sarsariigno waxba guulku gaadhimeyno.
    wuunbaan diidey maqaalka uu soo qorey kabashaagluhu sida uu u xardhay, ee u micneeyey ugana dhigey wax aan waxba ahayn, way ahayd in aan dulka xaadiyo, ee waan bariiqdey, oo waxaa iga tan roonaatay, beenta uu sheegay ee nin aan waxba ahayn uu ku timaamay geesi isaga oo aan wada ognahay sida uu meesha ku yimid, iyo in uusan ahayn nin dhan toona, haddii uu yahay beertii barkhad aden , dhulkii uu laha dugsiga dhexe ee camuud yarad uma bixiyeen, kuma dareen beerta dogogii, haddii uu yahay nin wax isku falaya, heerka uu aqoon iyo garasho ka taagan yahay bay muujineysaa, iyo waliba naaqusnimada uu ku joogo adduunka, kani meesha wax ku soo qoreyna waa mid isaga la mid ah ama ka liita, xamaal baa la yiraahdoo waa biidhi qaate doonaya in uu mansabka helo ina rayaale gorod, waana hide ay iska leeyahiinoo waxaa la yiraahdaa macaan jecel, kolba meesha wax laga goosanayo ayay u ololeeyaan si ay wax uga helaan dadka iyo dalka midna waxba kama galin, ummadan gedoontayna wayba ku raaxaysanayaan, oo iyaga bariiskoodaa bisil. caruurina bad kama gurmeyso oo walaxa ka soo baxa ayaa lagu nidaamiyaa.. cabdikariim in aad i dabamarto ma ahayn ee waxay ahayd inaad adigu dulqaadato, arimaha qaarkoodna aadan barbariijin, wax inoo gaar ahana in aadan ummada ka dhaxaysiin oo aan la inagu wiirsan, ceeb inoo qarsoon oin aad bariga keento ma qumana , wax waa la is tusaaleeyaa, tolkeena uma dhana ee waa koox qawlaysato ah , dad qalato ah, budhcad dadeed ah, isna qarinaya oo dadkana been u sheegaya. kana xamaal baa la yiraahoo meesha uu xabadta ka goosanayo buu u guulwadeeyaa. waana dhuxulayaashii, dadka dhuxusha ka shaqeeyaana waxaad moodaa in ayna waxba ka xishoon, waxay doonaan ay ku hadlaan waxay hunguriga marinayaana uma fiirsadaan maxaa yeelay shidista dhuxusha waxaa ku dhinta xayawaan badan oo dheecaankoodi ku jiraa… .. tiisuna iyaanay ina sarin wax meel gaadhaya ma ahinee, ummadana iyeynaan ka fogeyn, ee aan isku soo jiidno, walaaleyno kursigana cid inooga faaiideysa aa u ololeyno, iyeynaan doc eegin ee danta gaar waxaa ka faaiido badan danta guud, horumarna lagu gaadhaa….
    wabillahi tawfiiq…… Dr. Barkahdle.. I
    vet. med. inter. med. inf.disease
    adbarkhadle@gmail.com…..

    Dr.A. Barkhadle,I(Waraabe-cadde) - July 6, 2009 6:13 am

  11. Scww/waar waa ninkan barda guslaha ee Waraabo Cade ee caruur iyo dumar iyo wixii dhaqaaqaba kasoo horjeeda waxad soo wadaba maantana ma adigiibaa Reeraxamad KABOJAAGLE ku sheegaaya? oo kaalay markaan anagu gabo shaagle nahay adiguna maxaadtahay?ma adigoo nin Xeebjira ah oo Reer Axmedna kudhalay baa sidaale mahooyadaa ina Looxtuurbaad kabo ku caayeysaa? miyaanad ogayn kabahaan xidhnayn uun inaadnala xidhnayd waxaydoonaanba ha ahaadeene kabo samaysiguna inuu ahaa dad iskaafiyey oo cagahoogii aradtiray intay cidkale waxkasugilahayeen.
    maalinwalba waxbaad sheegtaa idhahaygu kakhijilaan markaan akhriyaayo reason na waxadkadhigataa dumarbaa nasoo dhexgalay dumarkuse waa adookale damiirkoogayna hadlayaan xorna way uyihiin

    Markaan u fiirsado sidaad u had hadasho adigoo iska dhigaaya inaad Rayaale muduci kutahay balse markaan kuufiirsado Reer abtigaa oodhan neceb waxaan xusuustaa bari anagoo Djabuuti joogna ayaa nin Ciisihi soo orday markaasuu yidhi waar dhanbaa i uraaya waa layaabay maxaakaagadhacay baalayidhi dee Gadabuursi baa idhaloo dhinicii hooyaday jidhkayga kulahayd baa i uraaya ayuu yidhi.
    Rayaale waa madaxwayne waad saluugi kartaa waad nici kartaa lakiin wax reer abtigaa lagu sheegaba ma arki kartit wuxuu doonaba ha ahaatee inankanyar ee ina Xamaal ee aragtidiisa hadlay ee London jooga ayaad ku sheegtay biidhi qaate Rayaale u shaqeeya haduu isagu rayaale amaanay adna maad caydid uun maxaa gabo shaaga iyo sheekadaa keenay?

    Caasha A Siciid - July 9, 2009 9:51 pm

  12. Kudarsoo waraaboow hadaadtahay nin siyaasad waxku diidan macidkasta oo kasoo jeeda reerkan marna Jibriil Yoonis ad u boodayso marna Cismaan Khayr ayaa wala qaldan? ma mucaarid iyo muxaafid baa wala khaayimiina waasidaad hadalka udhigtee haduu Rayaale ku xukumo ood xukunkiisa diidantahay muxuu Cabdiraxmaan Awcali Kaa haystaa goormaad Saleebaan Awcali boqornimadiisa isgaadheenba?taasi micnaheedu muuna ahayn uun nasabnac cad oonad qarsanayn.

    Wali waxaan raadinayaa wuxuu reerkani kugu sameeyey waayo sheekadaadu siyaasad laga faaloodo way dhaaf tay waa dagaalcad ragii dhinac aykuu qaadaanba waygaranlaayihiin belse dumar baanad kabaxsanayn.Hadaad colaad hore hayso Xeebjire iyo Reer Axamed iyakaa is leh isdhalay dhiig iyo lafaba isku yaala ee anaka nagu ekaw ha hakula dhicin cadhada anaga ad nooqabto beelwaynta Jibriil Yoonis eena ku oqoonba.Waxaanad noqotay ninkii ugu horeeyey Soomaali ee reer abtigii caaya halkii caadadu ahaanjirtay in lagu faano reer abtiga xataa haduu xunyahayna.

    Caasha - July 10, 2009 8:30 pm

  13. waan idiin salaamya isma lahayn reer abtigaa baad cayday,caashaay maxaa yeelay kabo shaagle waa amaan xageyga oo dadka in ay ka ilbaxsanaayeen baan sheegay, dadkuna wuu cagaagnaa marka sancaduna waa
    amaan caashaay, haddiise aad qoonsatay waxaad ii soo diri lahayd wiilashii waan is fahmi lahaynee,
    inaad iigu sheegto ciise, wax weyn, waxaan ku leehay adigu goormaad i feyday caashay..taasina eesha matal
    reer axmedna ma caayi karo waayo haddii aan caayo anaa is caayey haddii cidi cedo anaa kaga horeyn caanihii aan cabay caashaay….. igamana ahin cay, rayaalena anaa kaga aqoon badan isma diidno waa jirtaa waxoogaa is afgaranwaa ahi, laakiin in uu hayo aad baan u rabaa waxba yaanu kla bedlin….. arintan maanta timidna mid cawaaqib xun bay tahay , waana mid uu tolwaa ku shaabadeysan yahay mid qolo ku shaqle ma ahin caashaw, hadalo badan baa maanta iga tegay ha u qadan inaan reer abtigey weereray,,,.,,,halkii sheekh muuse ayaan joogaaiyo cabdi xasan ee …….jooji hadalka xun dadkaan midee leehay canaantay wax kuleeyayahiin waanay ku midoobaan ee amaan waxba ku keeni weynee.. dhan uga joogso caashaay agiga iyo kuwo kula midka ahi

    Dr. A. Barkhadle.I (waraabe-cadde) - July 13, 2009 11:19 am

  14. ina saciidaay, haddii wiilku isagu ka cadhooday kabashaagle waxaad u sheegtaa aabahii aya isaga oo dugsiga sare jawhar ka macalin 1972kii loogu direy hadyad kaboshaag ah, siduu ugu farxay waydii dhe hadii aad ka cadhootay, anigu wiil yar uma haysanee waxaan laha waa odeygii la jeexjeex…..waxaa kale ee aan diidey labada maqaal qormo ahaan wey fiican yahiin iyo nuxurka uu ka hadlayba laakiin waxay ka aradan yahiin cinwaanka oo aad moodo wiilku in uu saboolka yahay.erbixinta qudheedu waa muhiim, jaangoyntu ka daran marka la tasho farxaan segad mar haddii aad joogto london.sida loo magacaabo (title)ka markaan arko dhalintana waan ku farxaa, caasha fadhi ku baaluq ma ahi ee wiil si wacan u korey baan ahayn.
    meelbaadse igaga dhacdey markaad tidhi bardagusle. kalmadu waa kugu ceeb ana maro ayaa iga saaran kuuguma jawaabi karo ereyadeedii haddiise aad gabadhkale oo soomaliyeed ahaan lahayd wacad allaa dib qoraal uma aad soo galiseen, hadase waa kuu mubaax waxaad tiraahdaaba marxaba ayaa ku leehay saa waa ii abtirisey, ana ku dhaawici maayo…….marka guudka loodabo timaha gedefta loo xidho, hisadaan geyaankood, geyaankoodu soo baxo, waad gaar nol wacan … gobsanaa hablahayagu.. nabadgelyo

    Dr. A. Barkhadle.I (waraabe-cadde) - July 13, 2009 1:23 pm

  15. HORTA QOFBA MEEL AYUU WAX KA EEGA LAKIN WAXAN LA YAABAHAY DOODAN HADDA AAD WADAN MACNAHA AY LEEDAHAY,MA WAXAD ILAWSIISAN TIHIIN IN RIYAALE AY DADKA KU NOOL SOMALILAND DOORATEY EE SAMARON OO KELIYA AANU DOORAN , HADII SAMARON OO KELIYA DOORAN LAHA MABU SOO BAXEEN MARKA LABA KALA DAAYA, SOMALILAND MA RABNO ISAAQNA MA RABNO OO CALANKANA WAAN GUBAYNA HADAN KURSI AYAAN RABNAA, BAL QORAALADAN DIB U AKHRIYA, TAKALE ADDUUNKU IYO DADKIIBA WEY HORUMAREEN MALAHA SAMAROON UUNBA LA HAYA DAD QABYAALAD CID UGU CODEEYA.

    Hodan - July 14, 2009 8:30 am

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies