Golaha Wakiilada Oo Kalsoonidii Kala Noqday Xubin Kamida Komishanka Doorashooyinka by Qarannews
Hargeysa(Qarannews)-Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta Kalsoonidii kala noqday Commissione Axmed Maxamed Xaaji Bidaar oo kamida Guddida Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo Madaxweynuhu u soo gudbiyay Dacwadiisa Golaha Wakiilada si ay Cod ugu qaadaan inuu sii joogo Shaqada uu qaranka u hayo iyo in kale.
Fadhigii Maanta oo ay ku sugnaayeen 53 kamida 82ka Mudane ee uu golahaasi ka kooban yahay ayaa ka horintii aanay Codka u qaadin Shaqo ka joojinta Xubintan waxa shirgudoonku xildhibaanda ku wargeliyay qoddobada ku saabsan Masuulkan iyo Dalabyadii ka kala yimi Madaxweynha iyo Komishanka Doorashooyinka, sidaa darteedna ay Mudanayaashu Codkooda u qaadi doonaan in uu ka sii mid ahaado Komishanka iyo inkale.
Jawigii Madasha
Jawiga Madasha Golaha wakiilada ee maanta ayaa ka duwanaa kuwii ay hore u qabsanjireen iyada oo uu jiray guux badan oo xildhibaanada ku gadaamanaa, isla markaana ay qaar kamida Xildhibaanadu ka dhex ololaynayeen golaha gudihiisa si ay mar labaad kalsooni u siiyaan Mr. Bidaar inuu shaqadiisa sii wato.
Hoolka shirarka ee Wakiilladda ayaa sidoo kale waxa ku sugnaa Kooxo Suxufiyiin ah oo u dheg taagayay Natiijada ka soo baxda Codaynta, Sidoo kale waxa jiray buuq iyo sawaxan hadheeyay madasha taasi oo ku sigatay in fadhiga goluhu baaqdo, hase yeeshee Shirgudoonka ayaa markii danbe ku guulaystay inuu hakiyo Buuqaasi, isla markaana ay bilaabanto Codayntii.
Gebogabadii 28 kamida 53′ka mudane ee madasha fadhiyay ayaa isku raacay in ay kalsoonida kala noqdaan Xubintan Komishanka oo marar badan ay dacwado uga soo gudbiyeen Komishanka kuwaasi oo sheegay in aanu Mr. Bidaar la shaqayn karin lixda xubnood ee kale, sidaa darteedna iyada oo la xeerinayo marxalada dalku haatan ku jiro isla markaana loo diyaar garoobayo Doorashada madaxtooyada laga aqbalo codsigooda ah in Xisbiga UCID oo uu Masuulkani ka so baxay soo bedelo, Waxaana 28kaasi cod gacantaag ah ku meel mariyeen dalabkaasi, halka 18 Xildhibaana ay diideen in shaqada laga joojiyo oo uu Comishanka ka baxo, 6 Mudanena way ka aamuseen Gudoomiyuhuna muu codayn.
Qarannews Desk
waxaan hanbalyo udirya dhamaan dhakhaatiirta ka qalin jabisay kulliyada jaamaca camuud oo aan leehay noqda kuwa diintooda iyo dadkoooda iyo dalkoodaba anfaca.
C/raxman (Raadaal Bidhiidh) - July 8, 2009 6:31 pm