Weriye Maxamed Cumar (Hyenooow), Maxaa Lagaa Siiyaa Madaxweyne Rayaale? by/Abdirisaaq Hammaal
Wariye Mohamed Omar Sh. Ibrahim oo ku magac dheer (Hyane), wuxuu ka mid yahay wariyayaasha fara ku tirsiga ah ee gobolka Awdal ka tabiya wararka. Wariyuhu Hyena wuxuu in badan ku dhex jirey warbaahinta dalka, waana weriye khibrad weyna u leh micnaha saxaafada marka loo eego wariyayaasha kale ee ku sugan gobolka Awdal. Waxaanan odhan karnaa Weriye Hyena waa wariye ka dadaal badan wariyayaasha kale ee gobolka jooga, isla markaasina kaga horeeya dhinacyada diyaarinta warbixinada iyo tabinta wixii jira balse marka aad akhrido wararka uu qoro iyo faalooyinka uu soo bandhigo, waxaad moodaa in uu yahay wariye mucaarid ku ah xukuumada jirta ee JSL, haddii ay taasi run tahay waxaan odhan karnaa wariye Hyane maaha wariyihii u horeeyey ee xukuumad jirta mucaarida sidaas oo ay tahay waxaa dunida aynu nool nahay jira wariyayaal mucaarid ah iyo kuwo kale oo ku hadla afka xukuumada ay ku hoos nool yihiin.
Wariyayaasha muxaafidka ah waxey inta badan ka waramaan amase wax ka qoraan harumarka iyo hab dhaqanka wanaagsan ee xukuumada ay taabacsan yihiin ay ku talaabsato, halka kuwa mucaaridka ahi ay inta badan bayaamiyaan khaladaadka iyo khaayinimada ay dalka ku hayso xukuumada ay ka soo horjeedaan jiritaankeeda, laakiin waxaa hubaal ah wariyayaasha mucaaridka ah waxa ay qorayaan waa wax jira oo ay iska hubiyeen ka hor inteyna soo bandhigin, isla mar ahaan taana ay u hayaan cadeymo buuxa. Waa haddii ay timaado dacwad ka dhan ah warbixintaa uu wariyuhu qorey amase warkaa uu sheegey.
Hadaba, marka aad u fiirsato dhaliisha ka buuxda maqaalada iyo wararka uu qoro M.O. Hyane, waxaa cad in uu yahay wariye mucaarid ku ah xukuumada jirta ee JSL, waliba sida ay in badan oo bulshada ka tirsan aaminsan yihiin mucaarid buuxa ku ah madaxweynaha dalka ka taliya Mudane Daahir Rayaale Kaahin.
Si aan hadaba akhristow wax aan uuga ogaano sababaha keeney amase dhaliyey dhaliisha faraha badan ee uu M.O. Hyane mar walbe huwiyo madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa ayaa waxaan sameyney sifo aan ku wareysano wariye M.O. Hyane inaga oo u mareyna dhinaca barnaamijka Humaaga Booqashada wareysigan waxaa qaadaya wariye Hanfi.
Hanfi: Mohamed imisa jir baa tahay?
Hyane: Walaal nin yar ma ihi da’deyduna ma weyna.
Hanfi: Halkeed ku dhalatey?
Hyane: Runtii meesha aan ku dhashey ee ay madheerteydu ku aasan tahay magaceedu maamuus gaara ayuu ii leeyahay.
Hanfi: Goorma ayaad bilowdey mihnada saxaafada?
Hyane: Sida dhabta ah markii aan bilaabey saxaafada mey dheereyn mana dhawa imika.
Hanfi: Maxamed waxaad tahay wariyaha kaliya ee ugu khibrad badan wariyayaasha wararka ka tabiya gobolka Awdal, uguna karti iyo dadaal badan, taasi maxey ku dhacdey?
Hyane: Alxamduilaah Ilahey baa i siiyey fahmada saxaafada iina fududeeyey wax kasta oo aan diyaarinayo, dadaalkeygu ma yara, wax kastana waxaan ka door bidey inaan dadkeyga iyo dalkeyga daacad ugu adeego.
Hanfi: Marka aad war amase faallo qoreyso maxaad ugu jecashahay inaad sheegto?
Hyane: Wax la sheego waxaan ugu jecelahay in wixii jira aan run ka sheego, wax la qorona waxaan ugu jecelahay in aan qoro hadba warka aan is leeyahay wuu soo jiidan karaa indhaha akhristayaasha.
Hanfi: Wax ma nooga sheegi kartaa saxaafada gobolka Awdal iyo sida ay u shaqeyso?
Hyane: Saxaafada gobolka awdal maaha saxaafad aad u da,weyn waayo waa saxaafad la hano qaadey gooni isu taaga JSL, wariyayaasha gobolka ka hawl galaa aad bey u yar yihiin, laakiin inta badan waxey daboolaan baahida wararka jira, waxaanad moodaa in ay ku jiraan dadaal waayo aragnimo kaafida mustaqbalka iyo kobcinta warbaahinta gobolka.
Hanfi: Sida aan la wada ogsoonahay sanadahan u dambeeyey waxaad sudhan tahay madaxweynaha JSL mudane D.R. Kaahin, maxaad madaxweynaha ka daba joogtaa oo aad rabtaa in lagaa siiyo?
Hyane: Waxaan ka rabaa ina Rayaale in uu si bilaa shuruuda iigu soo celiyo xoriyadeydii oo saddexan.
Hanfi: Subxaanalaah wariye maxamed ma waxaad u maleyneysaa in aad xidhan tahay?
Hyane: Maya waan ogsoonahay in aan imika xor ahey, laakiin waxaa jirtey mar ay xoriyadeydu iga maqneyd.
Hanfi: Markaa ma waxaad leedahay madaxweynaha ayaa barigaa iga qaatey?
Hyane: run anaatii kaligii ma aheyn ee rag kalaa rayaale wehelinayey.
Hanfi: Maxey ku dhacdey in warbixin kasta oo aad qorto aad ku darto magaca madaxweyne Rayaale?
Hyane: Marka cuntada la karinayo haddii milixda laga tago ka waran, sow dharigii bilaa dhandhan ma noqonayo?
Hanfi: Haa laakiin ma faral baa in aad warka aad daabaceyso madaxweynaha meel uun aad ka soo galiso?
Hyane: Adeer waad war laadahay!! miyaanad ogayn maah maahda tidhaahda cadho xadhig ka curatey cafis ma leh?
Hanfi: Waan fahmey, laakiin goorma ayaad cafineysaa madaxweyne Rayaale?
Hyane: Waxaan cafinayaa marka uu xilka ka dago.
Hanfi: Inta ka horeysa xil ka dagistiisa amaanka ma ugu dadaali kareysaa?
Hyane: Amaan iga heli maayo ilaa iyo inta uu xilkaa sare saaran yahay.
Hanfi: Maxaad ku saniftey madaxweynaha?
Hyane: Anigu ma sanifin isaguna ima saluugsana, laakiin labada jin ee nagu kala lamaan ayaa biyo hoostood iska hirdiyey.
Hanfi: Sida aan la wada socono wuxuu madaxweynuhu dhawaan socod ku soo marey gobolada bari, wararkuna waxey sheegayaan in markii uu ku sugnaa magaalada barbara aad ka daba tagtey si aad socdaalka madaxweynaha u soo basaasto arihmahaas wax ma nooga sheegi kartaa?
Hyane: Haa waa run oo barbara waan tagey waxaanan sii raacey nin baayac mushtarka magaalada borama ka mid ah, oo aan saaxiibo nahay dhawr saacadood oo aan barbara gudeheeda ku sugnaa wixii aan ku arkey ayaan wax ka qorey socdaalkeyga iyo ka madaxweynuhu wuxuu ahaa qadar iyo kulan rabi oo isu soo beegmey ee ma aheyn basaasnimo iyo jaajuusnimo aan jidkaa dheer u sii marey.
Hanfi: Sidoo kale dhawaan waxaad wax ka qortey toban tukaan iyo labaatan cooshadood oo laga tahriibey in madaxweynuhu sabab u ahaa sidey ku dhacdey?
Hyane: kkkkkkkkkkkkkkkk kaftanka aan mararka qaarkood qoro aniga oo mirqaansan ayey qaar bulshada ka tirsan run moodaa.
Hanfi: Maxamed dhaliisha faraha badan ee aad u soo jeediso madaxweyne rayaale iyo xukuumadiisa ma is leedahay waa mid salka ku haysa maah maahda soomaaliyeed ee tidhaahda dameer isu haleyn ayey hooyadeed naaska uuga nuugtaa?
Hyane: Maya maya taasi mid jirta maaha haddii taas la xeerinayo xoriyadeydii kuma waayeen jeelka madheera.
Abdirisaaq Hammaal
Email: rasiiqi07@hotmail.com
asalamu calykumbaa leeyahay marka hore dhamaan bahda saylac.com iyo iyo akhristayaasha marka labaad hayne waxaan leeyahay xanjadan aad la wareegto maaha mid qabanaysa madaxwaynaha ee waxaa ku leeyahay meesha aad uhanqaltaagayso waan wada garnaynaye waxaad ka kulmi meshaa ilahaybaa og eh dalaadalaa haynow aduun waa isdaba jooge ee haddii aad aminsantahay inaad aftahanimo ku faanayso anuu ma amiiinsaniye qorigaaga meel kale urid oo ku haboon baa jirtoo maanta banaane inadeer. wabilaahi tawfiiq
idiris from switzerland - June 26, 2009 2:57 am
ANIGA WAXA AY ILA TAHAY WARARKA UU QORO HAYNE WAA KUWO U QALMA DAAHIR RAYAALE. WAAYO ODAYGANI WAX UU U QABTAY GOBOLKAN AWDAL HABA YARAATEE MA JIRTO. WAXAANA DHACDA IN MARAR BADAN UU CADAADIS XOOGLE SAARO TOLKII IYO SIDII UU U KALA JABIN LAHAA. TAASINA WAA MARAG MA DOON. HAYNE WAAN SALAAMAYAA.
tolwaa - June 30, 2009 2:26 am
marka hore wan idin salamaya reer awdal marka xigta waxaan leyahay ilmaderayal saxafadu qabil maha nin xil qadayna eed ma wayayo waxaan idinkula talin tii hore e dowladi siyad ayad isku meel wada martayn dadkuna waa ki kala fikir ah marxaladi timadaba adi aad tidhadan isku mabda ayan noqonayna tasi waxay meel ka dhac ku noqonaysa besha aad kaso jedhan dee yaranta waa laydin kariya ee haa isku cadaynina
shacni - July 1, 2009 1:52 am
qodhiin iyo xediinee, bal ninkan maqalka qorey u fiirsada hyenaw maxa laga siiyaa daahir,dahir ma wiilikiisii baa ba hadal xumadiisaa fiirsha, nin dhan oo shaqeysanaya oo ah wariye , shaqadiisiina ay tahay buu leeyahay maxaa laga siiyaa, muxuu yahay isgau ma afhayeenkii ina gorodbaa, ma wardoonkiisaa,
muxuu yahay isagu…
waligey wax sidaas u hadla ma arkin…..
waxaana ka siinaya cilmi ma ahin ee wa ina gorod bal mar uun ha ku soo dayo oo hayiraahdo waa kii hadalkaas yiri, waaryaa kabo-shaagle sida dadka u hadal ama iska aamus oo mar dambe ha la shir iman hadaladan rakhiiska ah, iyaan lagula yaabin mise magac ma lahid ee waad ka sineysanaysaa, sidan ina gumeednimada ah eed u hadlaysaa maxay tahay …tii afweyene sawdigan ka daray, guulwadayaashiisii.. almaganee maxaa dhacay…..maqaal dambe oo micna xun ha la shir iman xamaalaw……. midha waad asaasaqdeyee … dadka la tasho waa kii labad ee aan arko oo aan xigmad lahay ma sidan baad waligaaba ahayd, mise waxbaa kaa si ah…….. nabad gelyo.
Dr.A. Barkhadle,I(Waraabe-cadde) - July 6, 2009 6:50 am