Talada Ceelbardaale Suldaan Salaabeen ayey u baahnayd ee maxaa looga reebay oo Suldaanka ka horjoogsaday ..
Seattle(Saylac.com) Nin jilicsani talo ma goyn karo umana garami karo qadiyad baaxada intan leeg xambaarsan. Ree maxamud Nuur waxa lasoo hordhigay inay guurtida uga qayb galaysa garnaqsiga Ceelbardaale ay kusoo darsadaan walaalahood Reer Farax Nuur lakiin arinkaa gashaanka ayey ku dhufteen iyagoo sheegay inay makaahiil ka door bidayaan inay reer Farax Nuur u yeedhaan. Iyadoo maqal cod ahna waxa arinkaa haysa saylac.com waraysi lagaga qaaday caaqil ka tirsan caaqilada Reer Maxamuud Nuur oo ku sugnaa aaga hore ee Ceelbardaale.
Dhinaca kale Beesha Reer Xareed waxay wadatey ama ilaa hada wadataa Saladiin Ruug cadaadi ah ka kala socda dhamaan lafaha ay ka kooban yihiin Jibriil Abakor. Arinkan ayaa waxa uu keenay in guurtida ka socota dhinaca Dilla ay ku koobnaato dhawr Oday oo aan xafiiltan adag iyo garnaqsi xoogleh galin karin isla markaana la marsiiyo arimo aad xasaasi ah oo dhul boob iyo duudsi iskugu jira.
Mudadii uu socday shirka nabadaynta Beelaha Dilla iyo Gabiley ayaa idinkaga filan in labada Guurti ee ka kala socda Dilla iyo Gabiley ayna isku miisaanayn kalana tayo iyo aqoonba badan yihiin marka la eego garnaqsiga iyo soo bandhiga cabashooyinka labada dhinac.
Beesha reer Maxamuud Nuur waxay seegtey taladu markay ogolaadeen 10 nin oo gudiga dhexdhexaadinta isku magacaabay oo gabigood kasoo jeeda Beesha Isaaq gaar ahaan u badan Beesha Haberjeclo ee xisbiga Kulmiye tageero uga raadinaya Gabiley inay xeerbeeg noqdaan talada Ceelbardaalana goyaan. Waligeed aduunka kamay dhicin laba Belood oo dhul isku haya oo gudiga dhexdhexaadinta loo xilsaaro Beel kaliya waxay ahayd in 5 walba laga soo qaado labada dhinac si ay gudiga dhexdhexaadintu iskugu dheeli tirnaato nasiib daro taasi mayna dhicin maanta cawaaqibkeedii wakaa dhawrka Oday ee Dilla ka socday dhaxalsiisey in codkoodii la dhegaysan waayo jeelna la dhigo inta Gudi ku sheegu arinka qaraar kasoo saarayaan.

odayga-cabdilaahi-cali-xuseen-kana-mida-ergooyinka-beesha-reer-nuur oo ku xidhan Jeelka Kala baydhka
Guurtida dhexdhexaadinta labada Belood ayaa ka dib markii ay arkeen isku dheeli tirnaanka ka jirta Guurtida Dilla iyo Gabiley waxay qateen inay hawsha iska soo dedejiyaan dhinaca gabilayna u xagliyaan madaama ayna arkayn cadaadis weyn oo kaga imanaya dhinaca Dilla .
Tixgalintii hore ee Guurtida Dhexdhexaadintu horey ugu hayeen Guurtida ka socota dhinaca Dilla ayaa meesha ka baxday waxana tani ay dhalisey in handadaad iyo cago juglayn loola yimaado Guurtida Dilla ka socotey hadalkoodana la dhegaysan waayo.
Goobjoogayaal ku sugan goobta lagu garamayo ayaa waxay sheegeen in gabi ahaanba Guurtida dhexdhexaadinta labada Belood ee Dilla iyo Gabiley buriyeen anshaxii dhexdhexaadinta isla markaana ay si cad oo aan geedna loogu soo gaban ugu cago jugleeyeen guurtida dhawrka Oday ka kooban ee dhinaca Dilla ka socday. Waxaanu wada ogsoonahay in bishan June 3deedii Jeelka ku yaala Kalabaydh gudaha la dhigay dhamaanba Guurtidii dhawrka Oday ka koobnaa ee ka socday dhinaca Dilla.

gudoomiyaha-guurtida-maxamed-maxamuud-diiriye oo kasoo jeeda beesha Haberjeclo una diiday in guuritda Dilla ay hadlaan dabeed jeelka dhigay odayada
Saylac.com ayaa ogaatey sababta duqayda Dilla loo xidhay oo ahayd inay dalbadeen in garta la qaloocinayo la saxo hadalkoodana la dhegayso, balse dhawr jeer gudoomiyaha Guurtida dhexdhexaadinta macmalka ah ee ku sugan Kalabaydh uu ugu hanjabay inay fadhiistaan hadalkooduna aanu macno samaynayn…” Fadhiista .. fadhiista .. waxla idinka dhegaysanayaa ma jirto.” ayuu gudoomiyaha guurtida dhexdhexaadintu ku yidhi Odayada ka socday Dhinaca Dilla. Inyar ka dib markay ku adkaysteen in hadalkooda la dhegaystana gudoomiyaha guurtida dhexdhexaadinta ayaa amar siiyey askartii goobka kusugnaydi inay xabsiga gudaha dhigaan.
Aqoonyahanka reer Maxamuud Nuur maxaa aamusiiyey oo ay afka uga qabsadeen dhibta iyo cabudhiska lagu hayo Odayaashooda jeelka ku jira ? Su’aashaas waxa laga sugayaa aqoonyahanka reer Maxamuud Nuur meelkasta oo ay joogaan.
Hadaba maxaad ku qiyaasi kartaa gudigan dhexdhexaadinta ee nuucan u shaqaynaysa ? maxaadse ku qiyaasi kartaa Odayaasha Jeelka ku jiri garnaqsi intee leeg ayey keeni karaan?
Reer maxamuud Nuur waxa seegtey inay Suldaan Saleebaan garta kusoo daraan, waayo Suldaan Saleebaan waa Suldaanka kaliya ee hadaladiisu cadcadyihiin una jilib dhigi kara Ruug Cadaadiyadan reer gabiley ee afarta oday ee masaakiinta ah cidlada ka helay. Hadii ayna taasi dhicin waxa inoo cad in maalmaha inagu soo fooleh guurti ku sheega dhexdhexaadinta labada belood wadaayi inay soo saari doonaan qodobo ay qasab ku saxeexaan dhawrka Oday ee Jeelka ku jiri halkaasna dhulka baaxada leh ee Ceelbardaale u gacan gali doono Beelaha Gabiley.
Gabagabadii Beelaha Gabiley waxaanu leenahay dhul kasta Ilaahay dad gaar ah ayuu ku abuuray Ceelbardaalena reer Maxamuud Nuur ayaa Ilaahay ku abuuray ee nimanyahow dulmi dhulboob ahi aduunka kama suurto gali waxana idiinka daliil ah arinkaa in Yuhuuduba ilaa maanta kari laadahay inay dhulka reer Falastiin la wareegaan.. Siyaad Bare ayaa dadkan horey u dhibay dhulkoodana mashaariic ka samaystey idina tabtii Siyaad ku jabay ayaad ku socotaane dib arinkaa uga fiirsada dhulkana dadka dega oo reer Maxamud Nuur ah faraha uga qaada waa hadii nabad iyo xigaalaba la rabo.
Allaahu maa balaqtu
Saylac.com
Seattle
USA


suldaan saleebaan waa geesiga kaliya ee samaroon ku jira marka shisheeye noqoto oo waxaas oodhan madheceen haddii uu suldaanka guud ee reer nuur ku jiri lahaa
lkn nasiib daro haddaan ilaa hadda aan loo yeedhin waxaa hubaal ah inlaga guulaysan doono reernuur bari
Naftii hurre - June 7, 2009 6:25 pm
salaamu calaykum maanta uunbad runsheegteen shabakaada wararka ee saylac markaad tidhaahdeen suldaan saleebaan ayuuu arinkaasi ubaahan yahay suldaan saleebaan oo ilaahay haybad usiiyay inuu garnaqsiga qayrkii uga adagyahay oo uusida fiinta uuga qaylisiin lahaa nimankaa isasoo bahaystay suldaanka guud ee reer nuur hanoolaado
jaamca yare - June 7, 2009 6:28 pm
aniga oo ku hadlaya magaca rer nuur ee dalka usa waxaan aan uga xumahay oo aan layaabanahay sababta suldaan saleebaan cali loogu soo dariwaayay kulanka dhacayay ee labada beelood haddii kale heshiin maayaan oo way is hayndoonaan waligoodba
cabdiqani abiib - June 7, 2009 6:32 pm
meeyay suldaan saleebaan cali ismaaciil oo ahaa ninkii reernuur marka layidhaa ugu ficil badnaa ee waliba haybad iyo karaamada waynaa ee reer nuur
maxaa wada hadalka loogu soo dariwaayay waamaxay sababtu ma dhigiisaan joogin meesha mise waa reer nuur sababtu waar heedhaha reer nuurow suldaan saleebaan cali haddaad si dhakhso ah loogu yeedhi waayo waad baa ba aysaan
cumar xaaji xasan - June 7, 2009 6:35 pm
salaamu calaykum suldan saleebaan cali ismaaciil waa ninka kaliya ee maanta reerkaa ay is hayaan reer nuur ujawaabi kara ee waxna odhan kara oo markii hore reer nuur halkaa kusoo gaadhay markaa waxaan layaabanahay waxa markii horeba looga reebay suldaanka dhexdhexaadinta halkaa ka socota maxukuumadaa mise waa beesha uu kasoo jeedo
allow noo daa suldaan saleebaan waa ninkaan karaamada ku leeenahay reer nuur ilaa samaroon waynaba
xaaji cabdilaahi cumar - June 7, 2009 6:40 pm
suldaan saleebaan waa mujaahid waa halyay oo runta usheega ninkasta oo maanta aduunka korkiisa jooga bal aan idin xasuusiyo sida uu suldaanku ula hadli jiray madaxdii dalka soo xukumaysay ha ahaato ina cigaal iyo daahirkan joogaba
cabdilaahi jaamac - June 7, 2009 6:45 pm
maanta waa maalintii suldaan saleebaan cali ee haloo yeedho haddii kale waxkala socon maayaan
suldaan saleebaan waa geesi - June 7, 2009 6:59 pm
ceel bardaale haddii maalintii uhoraysay loo kaxayn lahaa suldaan saleebaan waa dhamaan lahaa arinkeedu
oo laguma muran sanaadeen reer nuur na maanta waalaga guulaysanayaa haddaan suldaanka loo yeedhin
cabdi yare - June 7, 2009 7:05 pm
suldaanka reer nuur suldaan saleebaan waa halyay dadkiisa jecel oo dhibka lagu hayo ka gilgisha ee odayada daba socdaa hadaayaan dabasocodka suldaankooda
canab - June 7, 2009 7:10 pm
maanta halooyeedho suldaankii reerkan suldaan saleebaan isagaa furdaaminkara arinkee
yaxye - June 7, 2009 7:10 pm
aaway suldaan kii beeshu muxuu arinka uga aamusay ma dhigiisii ayaan joogin meesha ayaan umalayn suldaan nadifaac maanta
yaxye - June 7, 2009 7:12 pm
suldaan saleebaan waa soo jireen karti uleh inuu waxkasta sheego oo aan la cabudhinkarayn ínta uu joogo aduuunka dushisa
yaxye - June 7, 2009 7:13 pm
walaal waxaan leeahay shabakadan saylac.com waa in ay arinta ceelbardaale si daacad ah wax uga sheegtaa xumaantana in la isku taageeraa ma wanaagsana laga bilaabo sidii dalka loo soo galay waxaa arinta dhulka galay laba guurti waana laga xukumay reer nuur maaha in xumaan iyo dhul boob aad ku heshiisaan, hadii aad intaa xeerinwaydaan waa la is yaqaanaa reer xareedna loo tilmaami maayo dagaal oo waxaa ka dhashay halyeeyadii snm ugu waynaa waxaan idin leeahay geesiyadii way joogaan hubkiina waa la hayaa.
abdirisaaq - June 7, 2009 7:42 pm
Waxa layaab leh waar nimanyahow waxad wadaanba maantana ma waxad keenteen inaad Reer Nuur kala qaadaan ood iska horkeentaan horta waxa ogaatiin in Reer Nuur aydaan isku diri karin sidii ay weligeedba ahaan jirtay Reer Nuur waa mid ama isaaq ha is hayaan amaba gadabuursiba ha noqoto.
waxan aad leedahay cuqaal Reer Maxmuud ah ayaa diiday in Reer Faarax lagu soo daro wada hadalada ood tidhi waxay ka doorbideen in makahil lagu soo daro waa been cad oo waxba ka jiraan ah waxa ay yidhaahdeen, runtuna ay tahay in ay odayada Reer Maxamuud doonayaan in arrinta aan la ballaadhi oo ay ku koobnaato inta wax ay ka dhexeyaan oo ah Reer Maxamuud iyo reer Xareed hadiise la yidhaa Reer Nuur iyo Jibril Abokor ayna sinayn oo ay noqon doonto Yoonis Muuse iyo Jibril Abokor Amaba Gadabuursi iyo Isaaq laakiinse ayna nabada ayna dhalin doonin, xaga kale Reer Faarax marnaba walaalahood Reer Maxamuud dhibaato kumayna eegin ee weligoodba way garab istaagi jireen Reer Maxamuudna sidoo kale, waxa kale oon idin waydiiyey aaway odayadii Gadabuursi nin ka hadlay majiraa marka ay iyaga dhexdooda noqoto uunbaa lamaqlaa xaga kale reer aan ka hadal ma jiro waydinkaa maqlaya waxa uu ku hadlayo odaygii dhamaa ee inuu dhexdhexaadiyo loo keenay.
hadalkayga waxan ku soo goynayaa waar nimanyohow aan tolka nahay Reer Nuur waxba idiinkama baahnee xumaanta iyo isku dirka kala joogsada hadii kale sidii la idinku yaqaaney ordoo isaaq daba dhilif u noqda idinkana (toll-laawayaal) ha idiin bixiyaane sidii inankiina mujaadka aad u taqaaniin ee (toll-waaye).
ma'xed - June 7, 2009 8:05 pm
Boqorada Samaroon hiil iyo hooba waxay u hayaan walaaha Reer Nuur.
Ugaas - June 7, 2009 9:19 pm
walaal waan idin salamay dhamantiin siday nimankaa iga horeeyay wada sheegeen sheekadani waxay u bahnayd nin adag sida suldaal saleebaan cali walina waxani is waydiinaynaa hadaanu nahay dadka reer nuurka badankooda sobabta suldaan saleebaan sheekadan loga reebay sheekadii laakiin imika meelxunbay maraysaa dhulka reer nuurkana ayar la qadan mayo intuu mid naga noolyahay
dhiirane - June 7, 2009 11:43 pm
horta waxaan kala garan wayey marka odayaasha reer maxamuud meesha lakeenay ma nin baa naag loo doonayaa away halyeyegii waynaa ee bulshada reer awdal warkooga ugu gudbin jirin siyaad baroo dir iyo daarood indhaha kalaaban jirey ma isagaa harag ku qaysanaya odayaal reer xareed iyo jibriil abokor baad shegaysaaye kuwa idoor arinkaa xaq darada ku baxayna waa laiskaga danbayn ee guddi ku sheektu huursadeen
idiris - June 8, 2009 1:13 am
salaan dhamaatiin ba markahore salaan kabacdi waxaan inii sheegayaa reer nuur iyo reer xareed waar idinkaa isdhalay ee maad isafgarataan aniga oo ah nin reer xareed ah laakiin hadana madoonaayo inuu dagaal dhoco waayo nin dagaal waxba umasoosido laakiin hadaad yeeli weeydaan go, aankaa reer nuurow idinka yaa uliita anuu reer xareed ciidankoodii 99 nine waa diyaar adiga oo faqsha kula socoto ayaad dagaalami kariwayday maaliin tii boorama snm soogashay maxaad awbare ugu qaxdeen waar reer xareed waa wada mujaahidiin dhulkani walay kaatahay inan cago soodhigayn wa bilaahi towfiiq
khadar - June 8, 2009 9:53 am
slm alykum dhamaantiin hadii arintan wax yar kataabto
waa arin reer nuur oo dhan u taala laakiin reer maxamuud ay isleeyihiin malaha reer farax haday kudarsamaan sheeko ayaa ka hadhi waar SUL saleebaan waxa uu arkaya inay reer maxamuud SUL nuur dheere leeyihiin oonay sidii hore ahyn markaa jig jigaay meyd kaaga sido
Awbare - June 8, 2009 9:59 am
slm alykum dhamaantinn sulkaan ilahy cimrigiisa hadheereeyo talabaad suldaanku guulaha uu usoo hooyay samroon waxaa ugu danbaysay tirakoobkii gobolada kaas oo hadalkii daahir uu kuyidhi ee ka gami waayay ama isaaq gil gilay ahaa ama doorashada sax ama SHAAN BIL SHAAM SHAAMBILCADAN oo uuga jeeday ama war cad noola kalay ama hawlahaagan bada kudar
Awbare - June 8, 2009 10:07 am
walaalayaal waan taageeraynaa oo reer nuur intuu nin ka noolyahay dhulkiisa laqaadanmaayo oo waa yaqaanaa reer nuur sida xabada xanuunkeeda loo tuso iidoor
suldaan saleebaan cali waxaan leeyahay adeer suldaan arinka noosoo gal oo nimanka waad taqaane runta inooga sheeg adaa maanta reer nuur wayne ku aaminsanyahee
jaamac - June 8, 2009 10:40 am
kkkkkkkkkkkkkkkkkkk
waar heedhaha kuwan isusheegaya dhexdhexaadiyaal
waxba sheegi maayaane xukuumaduna hadday nasoo faro
galiso jawaabteeda ayaan ka dhigaynaa qori caaradii
kkkkkkkk reernuurbaa dhul laga qaadiyaa - June 8, 2009 10:43 am
salaamu calaykum waar heedhaha walaalayaal reer nuur mataqaanaan kooga uyar ilaa kooga mutacalimka ahi waa
damiir badanyihiin oo waydiidaan in lagu soo xad gudbo laakiin hadday dhacdo inlagu soo xad gudbo waa yaqaan dhimashada iyo sida la isu difaacaba
maxamed - June 8, 2009 10:46 am
siday soo sheegeen walaalahayaga soo amaanay suldaanka waad ku mahadsantihiin suldaan saleebaan amaan ilaahaybaa siiyay oo waakii aad ogaydeen wacdaraha uu uhadlay arimo badan oo awdal lahayd oo aad ogtihiin siduu isaga difaaci jiray shísheeyaha kayeelimayno suldaanka aamusnaanta uu ilaa hadda aamusanyahay suldaan guusha inagaaadhsii adeer
maxamed - June 8, 2009 10:48 am
asc dhaman samaronka aniga khasatan hadaa hadalkan kahadlo ilaa borama dhexdeeda ayaa loo soo socdaa samaroonaw arintana odayaal jilicsan ayaa galay suldanka suldaanada suldan saleebaan cali hadii uu gali lahaa arintan mar hore ayaa arin laga gaadhi lahaa lakin anuu waxaa waxaan u arkaa colaad halkaa ka ddhalanaysa aananna dhamanayn nin sharci kaa reebi waayo shantaada ayaa kaa reebta
guléd ibrahim muse colow - June 8, 2009 11:53 am
sheekadan maanta loo siyey dhulka reer xareed ma sheeko uu daahir ka danbayaa oo gabilay caambayn kaga raadinayo anagu hadaan nahay beesha reer mahamuud nuur dhulkaa waa laqaatay la leeyahay colaad aan maanta dhamaanyn ayaa kowsatay ka wax baan xukumay leh ee bari guntii ka yimid isagu dadka hasoo raro dhulkana dhiig baan ka xignaa
cismaan codyare - June 8, 2009 3:06 pm
Samaroonow Reer Nuur Wuxuu diyaaar u yahay marlabaad inuu difaaco sharafta gadabuursi , ninkii halgankaasi ka qayb galaya waan soo dhawaynaynaa, ninkii hadal hayo uma baahnin. basle ogaada arinti way ka wayn tahay dhul ee sharaftiina iyo karaamadiina samaroon ayaa la rabaa in la duleeyo. xaqdaradaasi hadaad ka hadli waydaan bari waxaa iman doonta maanlin aan laga hadli karin. arinta suldaanka waxaa joogay goobta 100 kale oo suldaaan saleebaan ah. basle arinta waxaa ku adkaysanaynay in laga dhigo reer xareed iyo reer maxamuud.
nasiib daro se waxaaa dhacday reer maxamuud iyo in ay isaaq noqotay sheekadii , xili loo dambe oo gudma l dirsado maynaan helin waraaqo hore 1993kii la go,aamiyay ayaybay mar labaad jeebka kala soo baxeen.
saylacnews waxaa odhan lahaa warbaa idinka maqane hadlkii uu yidhi gudoomiyaha dhexdhexaadintu ee yidhi odayadii Jibriil abokor waxba way sheegan kari waayeene waxaa u hadlaya odayaal Habar Jeclo ah oo bari ka yimid, meesha waxaa u jeedaan in shirka socone damaashaad iyo xaflado meesha ka socdeen oo hablo lagu gudoonsiinayay meesha raga bariga burco ka yimid , markaa gudidan dhex dhexaadintu waxay ahayaan rag geel iyo hablaba la gudoonsiiyay.
Samaroonow dagaal ha loo diyaar garoobo haddii aan maanta tan laga dagaalamin bari borama iyo lughaya ayaa muran ka taagnaan doonaa.
waxaan idiin sheegayaa dagaalkaasi inuu ninkii ku dhibtaa yahay nin naftiisa iyo maalkiisa difaacaya ninka beertii iyo xoolihiisii loogu yimid waxaa ku waajiba inuu isdifaaco.
mujaahid kadleye wali waa noolyahay - June 8, 2009 3:31 pm
codsi samaroon
dhallinyarada samaroon waxan ka codsanayaa inay baaq qoraan ay kaga soo horjeedaan go’aanka ceel bardaale iyaga oo go’aanka guurtida ee xaqdarrada ah canbaaraynaya.
dhalinyaro iyo waayeel maanta waa la inna soo galay waxana la yidhi walaalkii loo xiiryow soo qoyso adiguna. waa inan muujinnaa isku duubni, waa inan muujinna dalkeenaa la qaadanayo inan ka soo horjeedno
mr Maxamad cabdillaahi iyo colombo waa markiinii waa inad idinkuna dhalinta u fududeysaan baaqyadaa amma idinka laftiinu afka dhalinta ad ku hadashaan oo ad qortaan.
walaalayaal, ha lala hadlo dadkeennii wixii nafleh ee inuun dhimiro leh, waa in xaqu didirku hadlaa, waa in bbc da lala hadlaa, voa iyo idaacadaha codkeenna la maqli karo iyo web site yada, dhalinyaro do something
reer nuur dhibaatooyin badan baa soo gaadhay oo samaroon dartii u soo gaadhay an la damqanno walaalaheen in tusno inan dhinac joogno. waxa jirta beri hore inay cadhoodeen oo geeraar ay tiriyeen ah samaroon kuma dhaato oo wiilal baa iga dhaqaajee aabow dheegga mataan dhudhunkii garxajis. cadho samaroon bay ahayd yeyn ciilkeenna u dhiman ee waa walaalaheene waa in la dhinac joogsadaa oo inay rag la dhasheen la tusaa, cadaawahana lagaga qaylyaa.
bakipress way bilowday saylac na waa inay bilowdaa si degdeg ah walaalayaal
raxmad ilaahay hela iyo naxariistiisabab
mataan
mataan - June 8, 2009 3:49 pm
waar waxan joojiya oo is abaabul tolaw, ceelbardale
reer nuurmale, waa caro gadabuursi, hadalkii maax dug-
siiye shirkii u dambeeyey la soco, gadabuursi ma kala dhul kaay kutahay caliganuun….
dadkan aad kal saareysaan joojiya, hadaladan turxaanta
le ka saara meesha, dhisme degdeg ah, hawl gal baa loo bahan yahay, isqabqabsi mayaal warkii, si heerya-
da laiska qaadi lahaa uunbaa meesha taal, tusaleynka-
le ma jirto, odey hebel baa maqan lama rabo, geedlagu
xoqdo ma jiro, dawladan lagu sheegi adiga ayaa rabaa in ay kugu dulnoolato, dhulkaaga qeybiso,
waa sidaas oo ay kartooyinkii kale kuu hadheen,ee (SNM) KANI, waa phase kii labaad ka dambaa daran….
DR. BARKHADLE. WARAABBE-CADDE - June 9, 2009 2:32 pm
Malaha Ninka maqaalka qoray wuxuu isku dhufanayaa beesha reer Nuure ma ay diidin walaalkood farax nuur reer maxamud nuur, ee waxay u jeedeen hadii abtirsiinta la eego waxaa isku dhig J/Abokor iyo Yonis Muse, hadii sida hoose laga day waayana sidaas ayay noqon ayay yidhaahdeen. bal keen warka aad duubtay ee ay walaalkood diidayaan, Saylac.com beenta iyo Namiimadu ma fiicna, waxtarkaagii ma wuxuu noqday iyaga isku dir, malaha waxaad tahay kuwii SNMta sheegan jiray markii la laynayay walaalaha cidhifyada
Jaamac Cali Faarax - June 9, 2009 7:03 pm
Gari laba nin kama wada qosliso. Gudabiirsi isaga ayaa isku xaasid ah, markaa siduu isagu wax u kala qarsanayey ayuu meel cidlo ah isasoo taagay.
Nabad iyo Dagaal midna reer Maxamuud Nuur ku qaadan maayaan Ceelbardaale, markaa haku wareerina.
fuaad - June 13, 2009 4:36 am