Mar’uun ii jawaab!!! :Qoraalkii 6aad ee Cabashada ay Duqayda Deegaanka Dila u Qoreen Golaha Guurtida iyo M/xigeenka

06/5/2009 7:42:00 PM

Qoraalka Cabashada ah ee ay Duqayda Deegaanka Dila u Qoreen Golaha Guurtida iyo M/xigeenka                   
 
Date: 06/06/2009

Ku: Gudoomiyaha Golaha Guurtida JSL          Hargaysa

Ku: M/wayne ku-xigeenka JSL          Hargaysa

Og: Ergeda Guurtida                          kala baydh

Og: Gudoomiyaha G/Awdal            Boorama

Og: Wasaarada Arimaha Gudaha      Hargaysa

Og: M/waynaha JSL                                  Hargaysa

 Ujeedo: Tabasho iyo Cabasho waana tii Lixaad

Mudanayaal,

Warqaddan oo ah tii lixaad (6aad) oo toos iyo ogaysiisba ugu socota Hay’adaha  Dawliga ah ee ugu sareeya JSL oo ay khusayso arintan murugsan ee ka taagan xaaladan aloosan ee ay wadaan ergada guurtida kala baydh mudo ku siman shan bilood waxaa nasiibdaro ah haba yaraatee wax jawaab ah aanan ka helin dhamaan Hay’adihii Qaranka ee arintan u xilsaaran anagoo samaynay codsiyo badan. Tabashadan iyo Cabashadan Lixaad waxay muujinaysaa kuwii ka horeeyey waana sidan:-

  Warqadda Cabashada ee Koowaad Taariikh 16/03/2009 waxay muujinaysaa ilaa maanta in anaan nalaga qancin waxaan dalbanaynay oo cabasha ah.

a)     in labada beelood laga saxiixo ballan qaad nabadeed (Bond), dhaartii dabadeedna waxay soo weerareen dhinacii kale oo dhaartii iyo nabadayntiiba jabiyey iyagoo si gaadma ah laba (2) qof ku dilay, arintaasna ergada guurtidu waxba kamay qaban waxayse banaysteen inay been cad ku daboolaan, waxay yidhaahdeen nabadii labada dhinacba way jabiyeen iyagoo ka been sheegaya xaalada qarinayana runta.

b)    In lakala diro labada ciidan beeleed. Iska dhaaf in lakala diro ee ma jirto maalin ay maanta ka ciidan iyo baaxad wayn yihiin iyagoo waliba uu ciidankii Qaranku uu joogo oo aanan awood loo siin in uu kala ka xeeyo kuwaas baadilka isku soo urursaday ee ah ciidan beeleedka uu wato Maxamuud Muxumed Raage.

c)     In laga heshiiyo in lagu kala baxo arimaha dilka iyo dhaawaca. Ergada guurtidu anagoo diidan waxay goosatay in la is dhex wado arimaha oo waliba culayska la saaro arimaha dhulka.  Warqada Cabashada labaad Taariikh 19/03/2009 waxay sheegaysaa cabasho culus oo ku wajahan ergada guurtida oo ah in afduub nalagu hayo, hadalkayaguna aanu lahayn wax tixgalin ah balse dhinaca kale toos loo buun buuninayo.

a)     waxa ergada guurtidu go’aansaday anagoo diidan in heerka colaada ee joogay Reer Maxamuud Nuur iyo Reer Xareed lagu fidiyo oo loo xawilo lana gaadhsiiyo heer sare J/Abokor, Sacad Muuse illaa Habar Awal si colaadii lagu yiqiin Gobolada bari loo soo wareejiyo dhinaca Gobolada Galbeed.

b)    Waxa ergada Guurtidu si cad oo badheedh ah u horjoogsatay in madasha la keeno oo la dhaariyo lagana soo qayb geliyo nabadna lagu soo dabaalo dhammaan dadka nabadu ay ka go’ayso sida hogaamiyaha ciidan beeleedka Maxamuud Muxumed Raage isagoo hada u muuqda dawlad yar oo ka  hoos abuuran dawlad.

Warqada Sedaxaad Taariikh 02/05/2009

a)     warqadan waxay Qeexaysaa qodobo khuseeya sharciga, Qodobka (25aad) ee axdiga qaranka, Qodobka 61aad iyo 28aad ee distoorka JSL oo waliba uu kaabayo qodobka 68aad ee xeerka habka madaniga oo dhamaantood sidii horeba aan u cadaynay aanay habayaraatee ergada guurtidu awood sharci u lahayn inay galaan xukun dhul balse sharcigu u banaynayo ergadan wax ka qabashada Nbadaynta, Dhaqanka iyo Diinta. Waxa muuqata oo iska cad in heshiis afgarad ah uu ka dhaxeeyo dhinaca kale oo loogu fulinayo arimo baadil ah oo aanu distoorku fasaxayn ama aanu ogolayn, taasi waxay tahay in-qilaab lagu samaynayo distoorka.

b)    Xukunka noocaas ah sharci ahaan gelistiisa ergada guurtida ee fadhida kala baydh iska dhaafe  waxaa ka reeban dhamaan golaha guud ee guurtida qaran balse distoorku wuxuu awood buuxda u siinayaa qaadistooda maxkamadaha qaranka iyo Dawlada, ciddii isku qaada waxaan sharcigu u banaynin waa baadil waana dad iyo dal biis waana sida arintu ku socota hadda.

Warqada  Cabashada (4aad) Taariikh 09/05/2009 waxay muujinaysaa kalsooni bixin markii labaad.

a)     kalsoonidan waxaan ku siinay Ergada guuritida anagoo raacayna awooda sharcigu siiyey oo ah inay galaan nabadaynta dhaqanka iyo diinta oo kaliya.

b)    Balse marnaba kumaanan raacin oo maanaan ogolaan inay galaan wax aanu distoorku siinin angoo si buuxda u diidan waxay nagu hayeen habjabaad, ju’juub, afduub iyo aflagaado kale sidaa nabadiid iyo gardiid iyagoo nagu dhaleecaynaya inaan kibirsan nahay, runtii waxaan ku hoos jirnaa amar ku taaglayn iyo dhaqan diktatoor.

 

Warqada (5aad) Taariikh 30/05/2009 markii ugu horaysay waxan warqadan toos ugu dirnay iyadoo ku socota Gudoomiyaha Golaha Guurtida Ee Qaranka JSL.

a)      warqadan waa codsi ah soo fara gelin arintan cakiran anagoo soo gudbinnay wax tabasho iyo cabasho oo codsanayna in arinta lagu soo dabaalo tubtii nabadu ku dhalan lahayd.

b)     Waxaan gudoomiyaha Golaha Guurida Qaranka si xushmad leh uga codsanay in isaga qudhiisa arintan soo fara geliyo si looga baxo cakiraada isagoo raacaya sharciyada uu ku dhisan yahay isaga iyo golahiisuba.

c)     Cabashadan waxay ka digaysaa hadii aan laga hortagin arintan gurmad qaranna loo fidin inay si degdeg ah dagaal u bilaabi doonaan dhinaca kale iyagoo ergada guurtidu ku fashilantay arinta oo isku soo koobtay kaliya arimaha dhulka isla markaana ku dhiirran inay nagu ridaan xukun baadil ah oo dhinac kaliya ka raran.

Waxaan madaxda sare ee Hay’adaha Qaranka ka codsanaynaa inay xaaladan cakiran soo fara geliyaan oo ay u soo diraan gurmad Qaran si loo badbaadiyo nabada ay ku naalooto Qaranka Curdinka ah ee Soomaaliland taasoo aan ku baaqayno hadii nabad aan dariskayaga ka wayno in aanay dhibaatadu anaga oo kaliya nagu koobnaan doonin balse ay gaadhi doonto meelo kale oo badan waayo qofna ma dugsanayo dayr xadiid ah.

Waxaan cod dheer iyo mid gaabanba ugu sheegaynaa dadwaynaha guud, Salaadiinta, Cuqaasha, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka JSL inay arintan waqti badan ku qaataan hoosna ugu dagaan dulucda iyo culeeyska xaaladan cakiran ay mudan tahay waxaan kaloo sheegaynaa in hadii Qaranka JSL aanu siin arintan mudanka ay u qalanto ay saamayn culus oo guuldaro keenta ku yeelan karto Qaranimada Soomaaliland.

Ugu dambayn waxaan u soo jeedinaynaa dadka reer Soomaaliland iyo madaxdooduba in gudoomiyaha ergeda kala baydh Maxamed Maxamuud Diiriye oo hada fadhiya kala baydh inuu isagoo cidina ku wehlinin iskii u qaatay go’aan uu ku xabisay ama ku xidhay (25-kii) xubnood ee ka socday beesha Reer Nuur isagoo ku qasbaya in loo hagaansamo taladiisa guracan taasina ay xad gudub ku tahay sharciga iyo Odayaasha Beesha.

Isla markaa isagoo ergada Reer Nuur u xidhan tahay wuxuu ku dhawaaqay in ay dacwadii iyo doodiiba soconayso oo aan cidna loo joojinaynin cidkasta oo madasha fadhida ama ka maqan  balse ay joogeen beesha jibriil Abokor oo kaligood garnaqsanaya sidaasinah uu la ogyahay Gudoomiyaha Ergada Guurtida ee kala baydh.

A L L A A  M A H A D  L E H

 

Saxiixayaasha

1.     Caaqil sare Daahir Xasan Xadi            : ___________________
2.     Caaqil sare Daahir Cabdi Bade            : ___________________
3.     Caaqil Ibraahim Ismaaciil Guuleed       : ___________________
4.     Caaqil Ismaaciil Ibraahim Mooge        : ___________________
5.     Caaqil Daahir Xuseen Sheekh              : ___________________
6.     Caaqil Maxamuud Muxumed Sh. Ismaaciil: _______________
7.    Caaqil Maxamed Kaahin Nuur             : ___________________
8.     Caaqil Aw ciise Cabdi Colhaye           : ___________________
9.     Caaqil Muuse Axmed Xasan               : ___________________
10.  Cabdulaahi Cali Xuseen                     : ___________________
11.  Cali Xaaji Xirsi                                  : ___________________
12.  Yuusuf Cabdilaahi Cali                      : ___________________
13. Cismaan Muxumed Aare                     : ___________________


Comments

  1. waar hadaad nabada diideen waa la inila wado gabuurso reer xareed is kaceliya hadii kale dadka wada dhashay colaada halakadhaafo hana laheshiiyo

    khadar - June 5, 2009 8:05 pm

  2. GUNIMADA LAGU HAYO BEESHA REER NUUR IYO GARAB LA,AANTA AY U JABEEN WAXAAN IS LEEYAHAY ISAAQ GAR AYUU KU TAAGAN YAHAY HADUU KU DHAQMO MAANTA GARDARO IYO GARBA WAXAYNA ISKU RAACEEN INEY ISKU TAGEERAAN DULMIGA IYO BEENTA IYO TUUGADA DAWLAD KU SHEEGA SOMALILAND LA YIRAAH EE CAADO QAATAYAASHA KA BUUXAAN
    WAXAASE MID LAGA YAABO GUDIGA DHEX DHEXAADINTA OO HAL QABIIL HAYSTO BEESHAASO AH BEESHA ISAAQ WAXAASE MID KALE OOO LAGA YAABO AH GUDOOMIYAHA GOLAHA GUURTIDU WAA AYO WASIIRKA ARIMAHA GUDUHU WAA AYO GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKU WAA AYO WAAR YAAN LA INA WAALIN MEESHA REER BAA LEH, REER NUUROOW HADII MAANTA LAGU MEHERSADANA XAQ BAY KU JOOGAAN BEESHA KU MEHERSANEYSAAA SAMROONKA DHUUMANAYANA WAXAAN LEENAHAY BARITO IDINKA DHULKIINA LA IDIINKU IMANAYAA SIDAA MAANTA BEESHA REER NUUR LOO MEHERSADAYNA LA IIDIN MEHERSAN DOONAA WAXAAN HORE LOO YIDHI
    WALAALKII LOO XIIRYOOW ADNA SOO QOYSO

    JUVO 123 - June 5, 2009 8:48 pm

  3. ninkan ama naagtan khadar la baxay waxan leeyahay horta ninyahaow gadabuursi ma tihide waxba ha iska dhigin gadabuursi, waxa kale ood ogsoonaataa in reer xareed iska daaye hadii habar awal oo dhani isa soo raacdo in aan REER NUUR waxba aan laga qaadi karin isaaqna way is yaqaanan. REER NUUR hadii xaqiisa ay wanaag ku waayaan waa qori caaradii waxay waxooga ku soo dhacsanayaan waanad arki doortaa hadii gabiley iyo aribsiyo illaa allaybaday laga qixi waayo.

    abdi - June 5, 2009 10:39 pm

  4. HORE WAXA LOO YIDHI RI GODLANAYSA GEED AY KU XOQOTO MA WAYDO
    MAXAA GOOBTA GEENAY WAXAAN LA HADLAYA KA SITA JUVO 123 GUDOOMIAHA GOLAHA GUURTIDU WA AYO WASIIRKA A/ DIBEDAA WAA AYO ,
    WAAR WAXAASI WAA HUNQAACO EE DADKA WAX MURTI LEH U KEEN
    MA MARKII RUNTA LA IDIN SHEEGAY AYAAD DAWLADII EEDAYSEEN
    OGOW NIJAARKA XUMI QALABKIISA AYUU EEDEYAA
    CUQDADANA HA LA ISKA DAAYO WAYO ARRINTI WAXAY U DHAXAYSA J B IYO REER NUURE MARKA WAXBA YAAN LAGU MARMARSIYOON BARI WAXA KA DHACAY AYAA HALKAN LAGA WADA

    axmedhere - June 6, 2009 9:06 pm

  5. Hore waxa loo yidhi axmeddhere DOOFAAR ABIDKII MA DAAHIRO , iidoorna wa sidaa abidkii ma daahiro
    ma anagiibaad maanta intaad dawlad iyo guurti iyo toban magac noola baxdeen maneenada inaad dhulka ku qaadatiin doonaysa ,sxb ama runta u sheeg sidad adu u taqaanid ama beenta u sheeg oo reer nuur wa reer nuur wuuna aqaan sida iidoor oo dhan dhulkiisa uu uga ilaashado marka shaadhkaad doontiin soo gashta oo xaqiiqdu waxay tahay in aanad abidkiin helayn tako uu reer nuur leeyahay

    abdi fattah - June 7, 2009 4:25 am

  6. tuugta reer bari ee dabka ka shidaysa galbeed waxa aan leeyahay waan idin garanay gabilayna yeelkeed inay baa bado iyo inay nabada ilaashato labadaa ayuun baa u yaala cadaaladana habar celo mahayso dhulkana rag baa iska leh ee ninkii dhoof ku yimid bay geeridu dhibay reer nuurna intay inan yar oo foodlay ahi ka nooshahay ma yeelayaan boob iyo khiyaamo kolba shaadh loo soo gashado wixii la hayo ee reer nuur laga hor joogay hala soo daayo landtuna way baabi i
    dalkuna sidaa koon furta ayuun buu noqon
    maanta xabashidii aad shalay oo kaxaysatay sidii c/laahi yuusuf maanta ma jiraan waxa la yahay laba reer waana la is yaqaanaa hargaysa iyo wajaale na ma jirayaan ee laa la socda qoxootigii dulcadna majiro
    in ay gartaa shabaab ayka talisayna waa la og yahay oo burco oo xaruntii shabaabka ah ayaa odayadani ka yimaadeen markaa waxa aan u arkaa inay yihiin uun odayo dhaqmeedkii hawiye ee shabaabku ku hoos dhuumanayey waxba la isku qarin maayo odayadaasi waxa ay horkacayeen dagaal hor leh iyo bur bur ku yimaada somaliland oo waa odayo u shaqaynayey shabaab

    nuurani - June 7, 2009 3:51 pm

  7. Dhamaantiinba waad salaaman tihiin,
    Waxaan halkan idinka yara odhan lahaa in marka aad wax sheegaysaan horta aaydaan iska hadal ee caqligu idin shaqeeyo. waxaad sheegaysaana uu noqdo mid xaqiiqo ku fadhiya dadkana wax u taraya, looma baahna jahwareerin, xiqdi, buqdi iyo wixii lamida. Umadana waa umad wada degan, taariikhdana cid kastoo kamidi way ogtahay, waxay soo wada mareen iyo siday u wada noolaayeenba.
    Guurtiduna waa tii Madaxweynaha u kordhisay ee reer awdal oo dhami taageerayeen. Go’aankan imika ay rideena kaalini inoogama banaana, waana in uu u fulaa sidaa ta kordhinta madaxweynuhu u fulay, fulinteeduna ciday u taalaa waa kan isaguba ku fadhiya go’aankii kordhinta ee guurtida.

    Nimanka halkan ka hadhadlawna waxaan idin leeyahay; ma maqasheen “inantii aragtey aabaheed oo hooyadeed qoodhaha jiidayso ee is tidhi ka qabo ee uu odaygii ugu jawaabay aabo iska daa iyadaa isku dheeraynaysee”

    waxaan ku soo gabagabaynayaa ama go’aanka diida ama yeela, idinkuuba idinkuunbaa isku dheeraynaya…

    Jimcaale - June 8, 2009 9:25 am

  8. salaan dhmaantii waxaan unmalaynayaa inaad ubaahantuhiinm ina la iniyara gumaysto aniga oo ah reer xared ´sida loogumaysto gudabuurta waan aqaan awawgay ayaa gumaysan jiray aniga waa laiidhigay casharkaa aniga xaas kaygu waa reeer nuur oo reer gabala markaa madoonaayo inaan dagaal dho waar seediyo walaal baan ahayn saafi wadaa yaale sancadbaa wabiga kaaga yimid siniyo waa bay bilowga war qada waxaan kuqoray waxyaalo yara qaldan iga raali ahaad wabilaahi towfiiq

    ina raage - June 9, 2009 8:10 am

  9. Nabadeey
    marka horeba Samaroon iyaa qaldanaa: sootii markaan yaryaray aan ku heesi jirnay: Anigu raaci maayo reerka waalan, reer Hargaysa.
    Ceelbardaale reer nuur iskama laha waxaa iska leh tafiirtii Sheekh Samaroon oo dagaankoogu kor iyo hoosba ka xigo ceelbardaale. Samaroonka sumoobay ee la candheeyay intaan dawaynaayo iyaa hadhsan. Arintuna waxa weeyi soo noqay jacayl, ragna waa is yaqaan. Midna meesha way ka baxday oo maalmo tirsan iyaa u hadhay waana wixii la odhan jiray soomaliland.Dabka wiilasha shiday riyadooda hayska wataan aniguna taladay waa meel.
    Bye

    Sogsogleh - June 13, 2009 10:30 am

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies