Mashruuca ugu najaxa badan ee Awdal “Cusbitaalka Fastuula”
Borama(Saylac.com)- Inta badan waxaanu maqalaa mashaariic horumarineed oo la isku dayo inay ka fulaan gobolka AWdal, mashaariicdaa badankoodu waxay u istagaan meel qabyo ah ama maba taabo galaan arimo badan aawadeed.
Mashruuca Hositaalka Fastula ee Borama ayaa noqday mashruucii ugu faa’iidada badnaa ee si degdega loo fuliyey isagoo aad sida wararka ku aragtaan uu noqday mashruuc looga soo hirto gobolada soomaaliyeed oo dhan isla markaana haween soomaaliyeed oo xanuunada isku furanka kaadihaysta qaba lagu daweeyo .
Cusbitaalka Fastula oo uu hindisihiisa iyo maamulkiisaba leeyahay dhakhtarka caanka ah ee Dr. Qaws ayaa waxa dhawaan socdaal ku yimid wufuud ka kala socotey wasaarada caafimaadka Somaliland iyo hay’ado kale oo samaflka ku lugleh kana hawlgala Jamuuriyada Somaliland.
Wufuudan ayaa waxay socdaalkoodu ku saabsanaa sidii cusbitaalka Fastuula loo balaadhin lahaa loogana dhigi lahaa cusbitaal weyn oo u adeega dhamaanba haweenka geeska Africa ee qaba xanuunka fastulaha ama isku furanka kaadihaysta. Dr. Qaws oo u waramayey saylac.com ayaa sheegay inuu dadaal weyn u soo maray sidii cusbitaalkani u taabo gali lahaa waxanu intaa ku daray inuu aad maanta ugu faraxsan yahay fikirkiisii inuu najaxay haween badana lagu daweeyey cusbitaalka Fastula ee uu maamulkiisa hayo.
Inkasta oo aanu qalab caafimaad oo casri ahi aanu oolin cusbitaalka, hadana waxa waxwalba ka muhiimsan khibrada ay dhakhaatiirta ka hawl gashaayi leeyihiin oo ah mida kaliya ee suurto galisey inay haweenka soomaaliyeed ee xanuunkan nuucan ah qabi ay helaan qaliin heer caalami ah oo dhinaca xanuunkooda ah.
Rayr-raynta ka muuqaata haweenka lagu qalay ama bukaan jiifka ah ee cusbitaalka fastuula ayaa ah marag ma doonto tilmaan weyn u ah inuu cusbitaalka Fastula ee magaalada Boorama yahay mashruucii ugu najaxa badnaa ama ugu guusha badnaa ee laga fuliyo Borama
.>> Dhegayso buraanbur ay haweenka cusbitaalka lagu daweeyey tirinayaan
Saylac.com
Borama- Somaliland