Ma ila dareentay cabudhinta iyo cidhiidhiga ay wariyayaasha BBCda iyo VOAda ee soomaaliland ay ku hayaan gobolkani awdal?
Akhristayaashayda sharafta badan aad ayaan idiin salaamayaa ,sidoo kale waxa aan salaam aan la koobi Karin u soo dirayaa websityada gobolka oo qayb wayn ka qaata horu marinta gobolka,salaam ka dib waxa aan jeclaan lahaa inaan soo ban dhigo dood ku saabsan ‘cabudhista ay wariyayasha BBCda iyo VOAdu ay ku hayaan gobolkani awdal’.
Gobolkani awdal waxa uu ka mid yahay gobolada faro ku tiriska ah ee ayna ka hawl galin wariyayaasha BBCda iyo kuwa VOAdu taasi macnaheedu maaha in uu gobolkani ku oolin meel istaraatigiyad ah isla markaana aanulahayn horumar ay leeyihin gobolada kale ee dalku, ee waxa weeyi gobolka kaliya ee soomaaliland xad la leh labo wadan sida dhanka woqooyi waxa uu xad la leeyahay dalka jabuuti dhanka galbeedna waxa uu xad la leeyahay dalka Ethiopia gobolkani waxa uu leeyahay horumar dhaqaale iyo mid waxbarasho, oo la odhani karo waa gobolka ugu fiican xaga wax barashada soomaalailand.
Intaasi marka aan soo dhaafo dadka reer awdal ee jooga qurbaha iyo kuwa jooga gobolkuba waxa ay aad u dhaliilsan yihiin doorka ay ka cayaaraan idaacadahan caalamiga ah ee BBCda iyo VOAdu war ka tabinta gobolka taasi oo ah mid ay xaq u leeyihiin in ay kala socdaan hadba xaalka iyo jawiga uu ku sugan yahay gobolkani awdal.
Akhriste markasta waxa laga yaabaa inaad labadan idaacadood aad ka dhagaysatid barnaamijyo ay soo bandhigaan wariyayaasha BBCda iyo VOAdu ee Hargaysa kuwaasi oo ay ugu tala galeen inay ka waraystaan amaba ay ka shaac bixiyaan dad iyo Gobolo khaas ah, sida barnaamijyada ‘ ganacsiga,dhaliinyarada, doodaha, rayiga dadwaynaha,waxbarashada,horumarka iwm’, taasi oo aan marnaba jaanis laga siin dhaliinyarada waxbarata sida ardayda jaamacada camuud in laga qayb galiyo doodaha jogtada ah,in ganacsatada gobolku ay ku cabiri karaan dareenkooda nololeed hadii ay ahaan lahayd mid khasaare iyo mid faa’iido labadaba, in bulsho waynta gobolku ay xaq u leeyihiin inay cabiraan dareenkooda aragtiyeed ee ku dhisan mid aqooneed iyo mid waayo’aragnimo loona baahanyahay in si xor ah oo aan midabkalasooc ku jirin loo gudbiyo fikirka qofka, in si isku mid ah loo sheego heerka ay kala taagan yihiin waxbarashada goboladu sida heerka waxbarashada sare ee jaamacadaha, inta dugsi sare ee ka furan , inta dugdi H/DHexe ee ka furan iyo guud ahaan horumarka gobolada..
Hadaba su’aasha madaxayga ku taagani waxa weeyi gobolkasta oo soomaaliya ka mid ah waxa BBCda iyo VOAda u jooga wariye, wariyana kama soo waramo gobol aanu isir ahaan ka soo jeedin waayo?
Sababtoo ah dadka soomaalidu waxa ay gobolada u kala dagan yihiin reer-reer amaba qabiilaysi,waxa soo kala dhex maray dagaalo sokeeye oo laga dhaxlay godobo iyo aanooyin si hadaba wariyuhu u badbaado warar badan oo wax ku ool ahna u soo helo waa in laga shaqaalaysiiyaa gobolkuu u dhashay taasi ayay xal u arkeen madaxda idaacaduhu waana taasi ta maanta lagaga dhaqmo dhamaan gobolada soomaaliyeed.
sidaasi si lamid ah waxa jira tartamo u dhexeeya gobolada iyo magaalooyinka soomaaliyeed oo gobolba doonayo inuu gobolka kale ka wanaagsanaado isaga oo isticmaalaya saxaafada iyo wariyayaasha caalamiga ah ee ka hawlgalaya gobolkiisa taasina waxa ay sababtay in gobolka awdal uu noqdo mid aan si wayn looga baran ka qaybqaadashada barnaamijyada maadaama aanu jirin wariye u dhashay gobolka oo u jooga idaacadahaasi.
Hadaba iyadoo ay taasi jirto maxaan u ogolaanay in gobolkeena loo soo wakiisho wariyayaal aan dhexdhexaad ahayn kana soo horjeeda inay shaaciyaan wanaaga iyo horumara gobolka.
su’aashan waxa aan u dhaafayaa inay ka soo jawaabaan dadka reer awdal.
Gabagabadii waxa aan u soo jeedini lahaa maamulka gobolka, odayaasha, ganacsatada,aqoonyaanada,bulshada rayidka ah in loo hawl galo sidii gobolka loogu samayn lahaa labo wariye oo ka socda BBCda iyo VOAda oo joogta ah iyaga oo kala kaashanaya wasaarada warfaafinta iyo madaxda labada idaacadood.
Hadii ay taasi suurtoowdo waxa uu gobolku ka baxayaa gumaysigii iyo cabudhintii xaga saxaafada ee saarnayd mudada dheer waxana meel kasta laga dareemi doonaa kaalinta aan la loodini Karin ee uu gobolka Awdal kaga jiro gobolada soomaaliyeed.
Guled Omer Me’ad
aniga oo ah nin samaroon ah jecelna in dalkaygu hore u maro, wax kasta oo khayr ahna la jecel, maqaalkani kama duwana hadalada an ka maqlo reer awdal, waxay reer awdal isku arkaan in la cabudhinayo, waxay isku arkaan in horumarkooda laga xunyahay oo cid kale u hayso, waxay iskuu arkaan in la haysto, waxay jecelyihiin tolkay inay cid kale uun farta ku fiiqaan oo ay ka cawdaan, dhaliishoodana ma qaataan waana wax lala yaabo!
waar hadaad horumar samaynaysaan cid idiin haysaa ma jirto, haddii cidi idin cabudhisayna idinkaa is cabudhiya ee cid idin cabudhin kartaa ma jirto, hadii cidi idin haysatana idinkaa is haysta oo isku wada liddi ah oo isku xaasida, wax aydaan is yeelin idinku dhexdiina cidi idinma yeelin idin mana yeeli karto. isbarbardhig iyo is ku fuudhin dad kale iyo hinaase ayaa maqaalkan ka muuqda. waxa kale oon arkay samaroonku isma qabto runtana is kuma sheegi, ee waxaad qabsanaysaan qabsada madaxda bbc da la hadla, kuwa voda la hadla waxaad tabanaysaan na u bandhiga idinkoo dadka kale amma gobolada an magacdhabayn, laakiin sidii islaan dumaal ah ayaad u hadashaan canaantana cid kale ayaad la jeceshihiin, waxanad u hadashaan sidii wax la nacay oo laga soo wada horjeedo, waana ceebe iska daaya waxaas oo kale ma fiicnee.
aad baad jecshihiin inad iidoor uun ka cabataan oo iyaguba toodii u liita oo daahir Rayaale oo qudha ka dhammaan la’ maanta oo talo ku ciirtay. markaa dadaalka wada laakiin aamina inad waxqasan kartaan cidina aanay waxba idinka guri karin.
Mataan - June 7, 2009 12:11 pm
waxa hubaal ah odayga mataan in xaqiiqdi oo runa deeqsiiyay nimanka ilama isku buur ,
hargaysa - June 7, 2009 4:40 pm