Gudiga dhexdhexaadinta Beelaha Dilla Iyo Gabiley oo Ceelbardaale u xukumay in Gabiley la raaciyo ..

06/7/2009 9:19:00 PM

Gudiga dhexdhexaadinta Beelaha Dilla Iyo Gabiley oo Ceelbardaale u xukumay in Gabiley la raaciyo ..

kalabaydh2Kalabaydh(Saylac.com)- Mudo  saacado ka hor ayaa gudiga Dhexdhexaadinta labada Belood ee DIla iyo Gabiley waxay soo saareen in degaanka Ceelbardaale la raaciyo dhinaca gabiley isla markaana aanay beesha Maxamuud Nuur wax shaqo ah ku lahaan dooni sheegashada Ceelbardaale gabi ahaanba.

Warkan oo saylac.com uu soo gaadhsiiyey muwaadin goobjoog u ah xukunkan khaladka ah ee ay guurtida dhexdhexaadinta Dilla iyo Gabiley gaadhay maanta. Muwaadinkan oo khadka telefoonka ugu waramay saylac.com waxa uu sheegay in go’aanka Ceelbardaale lagu siiyey Gabiley uu ahaa mid iska cad oo ay gaar ahaan guurtida dhexdhexaadintu horey u gaadhay ka dib markii ay wayeen loolan dhinaca Dilla ah oo gabi ahaanba aan jirin.

Muwaadinka ayaa sheegay in guurtidii ka socotey dhinaca Dilla ay xidhnaayeen goorta uu go’aanku soo baxay wax lagala tashadayna uusan jirin haba yaraatee.

Waraysiyo dhawra kala soco saacadaha inagoo fooleh saylac.com
Saylac.com
Kalabaydh, Somaliland


Comments

  1. waan garanaynay in ina rayaale waxaa iyo wax ka daran samaynayo ee qudhaanjoy ku quuso.

    kamaal - June 7, 2009 10:43 pm

  2. waad salaamantihiin walaal waxaan saxayaa saylac.com.
    oo waxay soo qoreen in dhulka gobolka gabilay la,raaciyey sidaas maaha, waxaa loo xakumay jibriir oboker dhulka, maaha gobolla raacinayo ee sidaa u ogaada, in loosii socdo lughayena ogaada, waxaasina waxay dhacaayaan inta uu joogo riyaale.
    ilaahayna waan leenahay, oo isagaa na,ilaalin.

    haaji rooble kibaar - June 7, 2009 11:41 pm

  3. salan qaaliya ka dib waxan aad u salmayaa websaitka saylac oo runtii aan aad ula dhacay sida uu akhbarta u soo ban dhigayo daqiiqado ka hor waxan saluugsanaa webka salal la kaso oo wariyahooda usoo qorayay arinta cel bardaale uu si badheedha isku barbar dhigay reer xareed iyo reer nuur iyo waliba samroon iyo jibril abokor taaso dareenkayga kicisay . hadi an itaa kaga gudbo waxa meshan aan kala garan wayay in qoom uu qoomkale qabsaday taso ku cad cadaalada maanta ka dhacaday kala baydh kan dagalmay iyo ka garta gooyay labaduba waa isku abb sidasay tahay waxa lagu khasbay in dhankii kale ee diiday idhi islamarkaan cadeyey maserkisa in xadhig iyo handadad lala daba galo.

    axan si toosa ula hadlayaa waa dadka dibada dagan ee qurbaha ku nool waxnan leeyahay war wad aragtaan articalada ay hablihii idin so qorayaan iy waxa jira fadlan intiikaran kina ah baraarujiay dadka oo tosiya meshan wax xukuumad la idhahdo ma jirto ee waxa la samaystay huudhigii lagu dhul baladhsan lahaa runtii wan jecla inan inta in ka badan hadlo hadii dabcan inun ad u bogto qoralkan igu so dir emilkaga tageero si aan u sii wada jan qadi karno arimahan kuna so dir maatire@hotmail.com
    fadllan waxan idinla socod sin laha inan ka madax bananahay rerka manta dulmigu ku haysto kalabaydh ee rer nuur kama se fogi oo waxan wadaagna iin waxana anay reraha kale ee samaroon
    walamu calaykum

    abdulah - June 8, 2009 1:11 am

  4. Waxaan salmayaa webka hawlwadeenadiisa,akhristataasha
    dhamaaan beesha gadabuursi meelkasta oo ay joogaan
    haddii laga warhelay xaajadii waayo aan hore sheegay.
    waxaan akhriyey dhamaan araa.ada webka dhankiisa kale
    gabdhaha iyo wiilalsha qoraalkooda , fikirka meesha ka
    muuqda hal qof oo siduu yahay u tibaaxay ma jiro.oo
    aan ahayn hal wiil oo u eg isaaq….
    1991kii baa la ina qabsaday ee maanta ma ahin in aan
    is wediino maxaa jiraa, waad ogtahiin in aan u dalba-
    deynay maantii la ina qabsaday oo oo rag iyo haweenba
    durbaanka aan tumeynay, iidoorna uu lahaa aniga lagu-
    ma casuumin ee maxaan soo dooni, dadka lagu casuumaya-
    yna waa inaga ee uu rabay in loo daliiliyo inta u diy-
    aar ah qaabilaadiisa….
    guurtidan meesha lagu xidhay ee aad hada sheegaysaani
    maxay tahay sawtan gadabuursi oo dhami jiilka ku jira
    ilaa1991kii, ma hada ayeydin damqateen , waa sidee…
    Ceelbardaale aydin sheegi ee waxay daan la socon
    jaartarka urukii gacan ku dhiiglaha (smn) in uu sheeg-
    ayo dhulka in uu isaaq kaliya leeyahay , waxii soo ra-
    acaana tahay uun dad la degan oo maxmiyad ahaan ku
    hoos nool….. gadabuursina qaarkiiba saxeexey…..
    waad ogtahiin in caruurteena dugsiyada lagu baro dhis-
    mahii SNMTA, bilawgeedii , sidii gadabuursi ay ula
    dagaalameen, sidey ku soo galeen, darajadooduna kala
    tahay ninba tirad uu gadabuursi ka dilay uu ugu saree-
    yo laguna magacaabo mujaahid…..lana rabo in dhulka
    waqooyi oo dhan taalooyin looga dhiso uguna badnaato
    galbeed ideyn wey ku jihaadeenee..
    aqoonsigan lala qac iyo dam leehay gadabuursi baa loo
    jeedaa in lagu barabixiyo, wax badan oo aan ognahay
    baa jira dadyahaw, madexdoodu markay kali yahiin
    waxay ku xansadaan gadabuursi lugta ayuu inooga xidha-
    an yahay daroodna gacanta oo wuu inaga siiban karaa
    ee aan midna xoog kula dahano midna sabasabo…….
    waxayna ka tallo qaateen in uu gadabuursi is haysan
    una cadaatay, isku keenkuna wakhti qadanayo anay di-
    yaarna u ahayn in ay dagaalamaan……
    isku soo wada xoori intii aan isku maqneyn ayaa
    la inagu maqnaa , haddiise maanta aan ambabaray. halk-
    een wax ka qabanaa uun bay tahay ee hal joojo calaacalka, iyo hadalada aan wax ku fileyn dadkana ha la kiciyo dagaalna ha loo diyaargaroobo, markaa
    aan aragno wiilashan ku andacoonaya jibriil abokor ba
    ku filan gadabuursi….
    taladu waxay tahay in si degdeg ah loo abuuro dhisme
    dagaal, dhaqaale oo lag baxo bakhaylnimadan xageed
    la aadi waxaad hayso waa ba lagu leeyahay oo dad baad
    adoon u tahayeee..
    arintuna iyaanay inaga hoos bixin, haddiise isxaaq le-
    eyahay waan waan , heshiish aan galo waa mid meesha ku jirta , aan wada tashano waa mid , aan kuuu taliyo
    aniga uuni wakhalad, iyeynaan eegin kaliya magaloofi
    meesha joogaa.. danta guudna haga horeysiiyo tan gaar
    ka ah….. nabad gerlyo…….

    DR.BARKHADLE - June 8, 2009 9:05 am

  5. oh salan sare dr. barkhad aad baan sxb ula dhacay maqaalkaga runtana waad ka hadashay wali kuma arag samaroon nin sidaada u hadla
    sxb waxad ka hadashay sababti aniga borama iga soo kaxaysay een bada iskugu so qaaday
    sxb anigu waxan ahaa arday wax ka barta borama maalintii la ii dhigay SNM ee waliba macalinkii aniga cashirkaa ii dhigayey oo ahaa nin Reer nuura anigana si fiican ii yaqaanan oo xataa ka war qabay in Aaabahay ay dileen SNM uu igu yidhi cashirka dhigo wayna ahayn schoolka ayaad ka tagaysa, ayaan guaansaday in schoolka maahine xataa magaaladan la qabsaday aan uga tago sida ayaanan borama kaga soo baxay,
    waxa iga magac ilaahaya inaanan borama ku noqonayn inta somaliland ka jirto oo la igu khasbayo in aan ku hoos noolaado kuwii aabahay dilay.
    war nimanyohow is xoreeya
    wayna ahayde wadankan la qabsaday u soo faaruqiya
    anigu maalintii kama yimaaden borama hadii uu cashirkaa ii dhigayo nin Isaaqii oo dee hadaan wax kale qaban waayo ugu yaraan isaga uun ban toogan lahaa
    lakin nimankii dad iigu dhawa markay sida igu yidhahden waxan ogaaday in meesha waxba oolin oon iskaga tago

    abdoo yare - June 9, 2009 2:01 am

  6. waad salamatihin dhamantiin intaa kadib yarkaa cabdoo iyo dr.barkhadle waxay ixasuusiyeen arin aan mudo badan ku hayay maskaxda oon waligay ka bixin aan idin gudo galo dulucda sheekada taarkhdu waxay ahayd dhamadkii 88 ana oo xolo dhaqato ah oo ku nool degaanka calixaydh lana qaaday wixii aan la hayn hanti iyo meel waliba naftayadii ayaan dirqi ula baxsanay ilahay khayr hasiiyee hogaamiyihii jabhada buuralayda iyo badacas hogamiya jamac ibrahim(dhegjar)
    ayaa baabuur noo soo diray waxaana lana geeyaya borama dhamadki88 xorayntii xeebaha ayan soo aaday magalada lughaya halkaa ayan ku noolaa 1991 malintii ay soo galeen ciimadii qudhmista markale waxay inadhahaygu qabteen gacan ku dhiig layaashii horay noo qaxiyay waxayna iga dhaceen wixi aan sitay ilahay balankii goobjod ayaan ahaa lakin maalintaa laga bilabo waan isaga boqolay wadanka meel kale ayaan uga haajiray cadho iyo ciil darteed mudada intaa leeg sheeda ayaan kala socday wadanka wixii ka jira iyo wixii soo kordha waxan arkayay dhibaatada lagu hayo dadka taasoo soo kordhaysa malinba maalinta ka danbaysa inshalah waxaan rajayanayaa in aan xorayno dhulkeena wabilaahi towfiq

    sooma jeeste - June 9, 2009 3:28 pm

  7. waad salaaman tihiin intaa ka dib sanadku markuu ahaa 83dii ayaa beesha samaroon taliskii murjinka ahaa ee gacan ku dhiigle siyaad barre ayaa beesha samaroon ugu baaqay inay ku jiraan beesha daarood ismaaciil mudo yar ka dib na waxaa gobal loo magacaabay awdal maalintaa ka dib beesha samaroon waxay xoog iyo maal lahaayeenba waxay hiil iyo hooba la garab istaageen taliskii gacanku dhiigle barre oo ay uga shaqaynayeen arimaha sirdoonka iyo dhamaan xarumaha basaasnimada hadaba sanadkii 82 ilaa 88 ciidan ka xornimo u dagalamka SNM oo sii xoogayasanayay ayaa weeraro aan kala go lahayn ku qaaday ciidamadii faqashta iyo daba dhilifyadoodii oo kuna qabsaday dhamaan waqooyiga somalia dhulkii hore loo odhan jiray beesha samaroon oo ah beelaha dagaan ahaan ugu xiga SNM colaado raagay oo ay u hayeen qabiilka isaaqa ayay waxay ugu biireen dawladii siyaad barre hadaba siday shalay yeeleen lagama yeelin ee inta la qabsaday ayaa la yidhi nabad ku nolaada gobi waa tii markay gacan sarayso aan maatada xasuuqine sidiina ilaa hada waa kuwaa ku nool beesha samaroon laakin umul baa wax ilowdee waxii shalay laga daayay inta ay durba iloobeen ayay jilib ka mida jilibyada ugu hooseeya isaaqa ayay ku ku qabsadeen waad mahadsan tihin

    Mujahid hanuunsan - June 19, 2009 5:44 am

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies