Gobolka Awdal oo aad looga filayo inuu Madaxweyne Dahir Rayale Kahin kusoo danbeeyo socdaalkiisa kormeerka gobolada Somaliland iyo hadii aanu iman dadweynaha Awdal oo shiki weyn galiyey tageerada UDUB

06/4/2009 5:50:00 PM

Faalo:by/saylac.com
Seattle(Saylac.com) Sida aanu wada ogsoonahay, Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin waxa uu socdaal hawleed ku kala bixiyey qaar ka tirsan gobolada Somaliland . Madaxweyne Kahin ayaa socdaalkiisa ku bilaabay gobolka Saxil isla markaana dhawr casho kormeer dhinacyo badan leh ku maray degmada Berbera iyo tuulooyin u dhaw. Isagoo socdaalkiisa sii watey waxa uu madaxweynuhu ku xijisiiyey degmooyin kale oo ay ka mid tahay degamada Sheekh waxanu u sii dhaafay gobolka Burco oo ah gobol ay ku badan yihiin tageerayaasha xisbiga mucaaradka ee xisbiga KULMIYE oo  marwalba loolanka siyaasadeed ka dhexeeyo xisbiga talada wadanka haya ee UDUB.

Sida wararku sheegayaan, aad ayaa madaxweyne Kahin iyo wufuuda uu hogaaminayo looga soo dhaweeyey dhamaan gobolada aanu kur ku xusnay. Gaar ahaan, gobolka togdheer ayaa waxa la sheegay si yaableh in loogu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo wufuuda uu horkacayo.

Madaxweyne Kahin oo maanta ku guda jira socdaalkiisa hawleed ee gobolka Togdheer ayaa la sheegay inuu booqday Jaamacada Burco iyo goobo kale oo muhiim ah oo ku yaala magaalada Burco- sida Xarumaha dawlada iyo adeega bulshada intaba.

Dhamaan gobolada iyo degmooyinka uu madaxweynuhu kormeerkiisa ku kala bixiyey ayaa masuuliyiinta goboladaas iyo degmooyinka hoos taga goboladaasi ay mudadii uu Madaxweynuhu socdaalka ku joogay usoo bandhigeen baahiyo dhinacyo badan leh oo ay ka mid tahay : biyo yari, dayactirka jidadka iyo mashaariicyo kale oo horumarineed oo ay si toosa uga dalbadeen dawlada Somaliland inay sida ugu dhakhsiyo badan ugu hawlgasho mustaqbalka dhaw.

ubiDhinaca kale Gobolada Awdal iyo Salal dadweynaha ku dhaqan ayaa iyagu si gaara ula socda socdaalka Madaxweyne Kahin uu ku marayo gobolada Somaliland, iyagoo filaya ama hadal haya inuu madaxweynuhu socdaalka gobolada somaliland kudari doono inuu soo gaadho Gobolka Awdal oo aanu inta badan hadal qaadin ama socdaal kuba iman madaxweyne Kahin . Gobolka Awdal oo ah gobolka uu kasoo jeedo Madaxweyne Dahir Rayale Kahin ayaa waxa ka jira abaaro iyo biyo yari ay ku barakaceen dadweyne lagu qiyaasay 45,000 gudaha magaalada Borama …dhinaca tuulooyinka ku xeeran gobolka Awdal ayaa sidoo kale aan la qiyaasi karin barakaca ay abaaruhu geysteen waxana wararku sheegayaan in dadka baadiyaha gobolka degi ay qaxooti ugu soo socdaan ehaladooda degan magaalada Borama iyo degmooyinka gobolka.

Maamulka gobolka Awdal ayaa dhiniciisa isaguna maanta qaylo dhaan ka jeediyey abaaraha iyo biyo yarida ka jirta gobolada Awdal iyo Salal isla markaana dawlada somaliland ugu baaqay inay gargaar degdega lasoo gaadho dadyowga barakacay oo magaalada Borama ay la ciirayso .

Hadaba socdaalka Madaxweyne Kahin uu ku kala bixiyey gobolada Somaliland ayey dadweynaha Awdal iyo Salal waxay isweydinayaan in uu Madaxweyne Kahin ku dari doono socdaalkisa gobolka uu ka soo jeedo ee Awdal iyo in aanu Hargeysa soo dhaafin doonin sidii horeyba looga bartey. Arintan ayaa wakhtigan dadka siyaasada indho indheeyaa waxay ku tilmaameen in hadii aanu madaxweyne Kahin Awdal   soo gaadhin ay dhalin doonto cadho weyn oo dadweynaha Awdal ku dhaqani ay u hayn doonaan Madaxweyne Kahin iyo xisbiga UDUB , isla markaana uu tageero badan oo uu xisbiga UDUB hada ka hor  ku haystey gobolka Awdal ay shiki weyn galin doonto ..

Saylac.com
Seattle


Comments

  1. waad salaamantahay walaal waxaan sheegayaa saylacnews oo ah websaydyada aan jecelahay oo had iyo jeer wax ka qora wadankeena, hadii uu yimaado iyo hadii kaleba walaal reer awdal waxaa ka dhamaatay damiirkii oo wax aay samayn karaan majirto ,mana kala jecla riyaale reerawdal been uunbuu usheegi tuugta ama odayaasha tuugtaa ee isku sheega sulaadiinta iyo caaqilada uun buu lacagago siin waxuuna ka odhan waan soo haleeli waayey, ee wax kale u sheega.
    mida kale sideed u aragtaan wasiirka dhintay ee rayaale uu tacsidaynwaayey.

    barkhadle xalimaalayaasha - June 4, 2009 7:23 pm

  2. waad salaamantihii walaalayaal.
    waxaan idinwayndiinayaa sida aad u aragtaan ,
    madaxwaynuhu sababta uu u tacsidaynwaayey wasiirkii,
    alaha u naxariistee cabd xasan buuni, dawladuna matacsiyadeen,isaguna matacsiyeen, eemarkaa sideed u aragtaan.
    saylacnewsna waxaan oranlahaa walaaal adiguna sideed u aragtaa arinkaas.
    salaamu calaykum

    barkhadle xalimaalayaasha - June 4, 2009 7:27 pm

  3. walaalyaal marka hore waan idin wada salaamayaa, marka xigta waxan reer AWDAL kula talin lahaa in hadii uu Ina Rayaale yimaado gobolkan lagu soo dhaweeyo caws iyo biyo waayo Awdal ma waxa uu xasuustay wakhtiga doorashada ay soo dhawaatay waxaba dhaama odaygaa siilaanyo oo dhawr jeer yimid Awdal sanadkan keliya inkastoo uu yahay nin cunsuri ah oo qabyaalda ku dheereeya hadana waxa muuqata inuu ogsoonyahay codadka uu ka heli karo Awdal, waxa kale oon Reer Awdal kula talinayaa inayna is wada siinin xisbiyada kale ee mucaaridka ah oo ay la xisaabtamaan.

    nabad gelyo

    abdi - June 4, 2009 9:09 pm

  4. walaal haduu idiin yimaado riyaale waa madax weynaheenee siwanaagsan u soo dhaweeya iyo hadii kale ba

    isxaaq - June 5, 2009 6:47 am

  5. ninkas hawsha lagu soo dhawaynayo waa diyaar taayiro qiiqaya madaxa u sudha waar ma ninka aaskii halyeygeenii alla ha u naxaristee xassan sheekh muumin iman waayey ee garoonkii loogu magacdaray doonaya in uu bangalo ka dhisto ee diidan in dhagax la saaro waar rag noqda oo ninka inaga qabta, kii ka danbeeyey tacsi u quudhi waayey ayaad rajo ka sugaysaan waa daahire

    nacima - June 5, 2009 7:15 am

  6. anigu waxaan la yaabaa rayaale maxuu noo qabtey kuwa dhaha markaa waxa weeyaan suaashu.adigu maxaad qabsan kartaa ?maad doodi kartaa ?cadkaaga maad goosan kartaa?aqoon maad u leedahey xaqa aad ku leedahey dowlada somaliland?maad ogtahey awooda beesha samaroon ey leedahey iyo isda ey u balaadhan tahey?waa maxey sabobta aad rayaale nin dhaqaalaha wadan iska leh aad u moodeysaa oo jeebkiisa wax ka soo saari karo? reer awdal rag baa metala kuraasida samaroon uu leeyahey waa in la kordhiyo sidaana waxey ku dhici kartaa dood iyo banaan bax xaqaaqa waa in aad garatid. samaroon waxa lugu yaqaanaa in ey yihiin dad aamusan oo hoosta ka guuxa meedey aqoontii beesha lugu amaani jirey?libaanimadeena waa in aan la soo baxno . samaroon waa beel balaadhaan laakiin awood weyn kuma leh dowlada is ey wax iskugu tarto

    maxamuud yoonis roma77 - June 5, 2009 7:01 pm

  7. inshallah wanaag baan ugu ranjeynayaa madaxweyne daahir rayaale kaahim in gobalka awdal aad looga soo dhaweeyo.beeshu xaq kumaleh in ey rayaale canaantaan ee suaal,shu waa maxaad adigu ku dadaashey.wuuna badin doorashada inshaalah dadka qabyaaladnimo kaga soo hor jeedaa rayaale waa dad masqaxda xoolaha leh kkkkkkkkkk. bless all

    maxamuud yoonis roma77 - June 5, 2009 7:06 pm

  8. wanaag baan ugu ranjeynayaa madaxweyne daahir rayaale kaahim in gobalka awdal aad looga soo dhaweeyo.beeshu xaq kumaleh in ey rayaale canaantaan ee suaal,shu waa maxaad adigu ku dadaashey.wuuna badin doorashada inshaalah dadka qabyaaladnimo kaga soo hor jeedaa rayaale waa dad masqaxda xoolaha leh kkkkkkkkkk. bless all

    maxamuud yoonis roma77 - June 5, 2009 7:07 pm

  9. madaxweyne laa arko markeey dooraasho so dhowdahay.

    wele ninka Rayaale wax kaa suugaya isaga qof jiiraan.

    Gabilay_Man - June 5, 2009 10:28 pm

  10. s.c walaal madax weynawalba marka dan tiisa uu wato ayuu yimaadaa walala isaga oo kaliyana ma aha waa madaxda somaalilan oodhan walal qofkastaba dantiisa ayuu u cara rayaa laakin maalin ayuu imanayaa madax weyne caadila inshaa allaah xiligey doontada ha ku qaadatee markaa intuu inoo jooge reyaale waa wadax weyne wanaagsane inoo daaye walaal una codeeya waayo waxaa kale oo isaga dhaama oo isla soo sharaxay weyba ka sii liitaan markaa insha allah waxaa inoo dhalanaya madax weyna caadila hadii ilaahay yidhaahdo waxaan idiin rajeynaayaa khayr wasalaamu caleykum

    isxaaq - June 6, 2009 2:45 am

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies