Gabaygii laga soo jeediyey shirkii ARNA (Adigoo laxaadqaba maxaa libinta kuu diiday?)by/Maxamuud Cabdilahi Rooble
Wuxu yidhi:
Adigoo laxaad qaba maxaa, libinta kuu diiday?
Laabraac adoon raacin iyo , loohashiyo leehan
Lubigaaga adigoonan galin ,laydha iyo dheesha
Waxaad leefto ood liqin ilayn ,luduf ma yeeshaane
Adigoon lurkiyo raadsan malo, lagugu caayaayo
Adigoo laxaad qaba maxaa ,libinta kuu diiday?
Shimbiraha hawada leexadiyo, lalaya guudkeenu
Inkastoo luqmiga ay cuntaa looxa ugu yaalo
Inay samada laydh-laydhsatiyo, laafyo may tagine
Luufkeeda meeshii la dhigay ,lugo ku gaadhaaye
Adigoo laxaad qaba maxaa ,libinta kuu diiday?
Libaaxaa inuu neef legdiyo, lulo inay qaado
Labadaa inuu laasimo , looga badinayne
Markuu lucubda buuxshuu hadhweyn ,lagab u seexdaaye
Qofka gaajo ligifsaday afkana ,luunku kala gooyey
Isagoon ladnaan qabin hadana ,lebiso waa ceebe
Adigoo laxaad qaba maxaa ,libinta kuu diiday?
Haduu laas biyaha gaabsho waa ,laga ag-guuraaye
Waxa loo hayaamaa dhulkii ,laacu uu jira e
Ninka adhi la raacshana kolay, wuu lahwinayaaye
Lafjabkiisa isagoonan rabin, meel uu laasimayo
Dheemaalka loo lulo ayey ,lihin ku yeeshaane
Markaasaa legweyn iyo hilbaha ,laga sariigaaye
Hadayse laba-qad dhafaan, malaha luxiyo iidaane
Adigoo laxaad qaba maxaa ,libinta kuu diiday?
Diinkaa lugaha gaaban lihi, wuu lalmanayaaye
Kolba geed carma ah lucufsayaa , amase leefleefba
Daaq laago hoosiyo dix iyo, meel licada yaala
Isagoo aan laaciba karayn ,laasay calafkiiye
Adigoo laxaad qaba maxaa ,libinta ii diiday? !!
Haduu lawgu kaa jabo haday ,liicdo noloshaadu
Laxawgii hurdada kugu helay ,laandhagaa xigiye
Dadku way ku liidaan misana, waad la socotaaye
Layaab malaha aadmigu xumuu , kugu lifaaqaaye
Adigoo lilaahiya hadaad , lur iyo cay diido !!
Oo aad laxaadkaa hadhiyo , luqunta sii taagtid
Hadaad loolan dheer adag gasho , labo guyaal oo dhan
Ludhka sare inaad gaadho, waa la arki doonaaye
Adigoo laxaad qaba maxaa , libinta ii diiday?
Wakhtiguna inuu lacag yahay , dheemaniyo luula
Ninka lehejecleeyaa ogsoon , ooy lagdamayaane
Isma lure lugooyada heshay , waa lid iyo daale
Cudur laguma sheegine , lulaa haysa gabigoode
Lahwi iyo halaasiga jiriyo , sheeko lagu raago
Waa waxa damiirkii lalabay ee liciif badaye
adigoo laxaad qaba maxaa libinta ii diiday?
Laabjeex adaa doortey iyo , laan qadhaadh badane
Laban iyo gadhoodhkii la lulay , ama liskii yaalay
Subag iyo legbey goyn lahayd , tobanka lirooye
Adigoo laxaad qaba maxaa , libinta kuu diiday
Lishaanka meeshuu qabtaan ,laga sokeynayne
Idinkoo labaatana hadaad ,labalabayn diido
Oo looli dheer luulka jira , laabta sii galisid
Markay luguhu daalan ayaad , libinta gaadhaaye
Hadaad laamigaa wada dhistaan , lagugu dheereeyey
Lix habeen intaad dhixi lahayd , adiga oo liicay
Loorigu inuu laba noqdaa , maalin iyo laylba
Oo lagu istaahili ayaan , labo isweydiine
Adigoo laxaad qaba maxaa , libinta kuu diiday
Cunfi iyo xumaan lagu ladhiyo , liifadiyo hoogu
Waa waxa danteenii lalabay , laalay nabadiiye
Dhulku laaji buu kuu arkaa , waana la hubaaye
Beeraha hadaad labo rogtid , oo bohosha loo xaadho
Gaajada inaad laali layd , looxu wuu qorayey
Laaluush la qaatiyo shaxaad , laysku garan waaye
Adigoo lilaalihida arkaad , leedi waligaaye
Liilalawda iyo loofarkana , laga itaal roone
Nimaan muruqa layliyin aduun , laasan kari waaye
Adigoo laxaad qaba maxaa , libinta kuu diiday?
Intaan luxudka lay geyn hadaan , libinta kuu sheegay
Liibaan inaad haybsato , oonad lahaw raacin
Iyo inaad liciifkaa ahaan , laysku wada sheegay
Labadaa midkii aad lahaan , la arki dooneeye
Adigoo laxaad qaba maxaa , libinta kuu diiday?
By/Maxamuud Cabdilahi Rooble
Saylac.com
Email:saylacnews@yahoo.com
Eesh calaa gabay dheh
ccccccccccccccc - June 4, 2009 4:30 pm
gabaygani waxa uu noqon karaa dhaxalgal weyn ee buug ku qora
Sahra Cabdiqadir - June 4, 2009 4:54 pm
adigoo laxadqaba maxa libinta kuu diiday aad ayaan sadarkaa ula dhacay
Maxamed samater - June 4, 2009 4:55 pm
waxaan layaabay gabaygan qiimaha badan ee kasoomaaxaya gabyaaga rer awdal waan umahad celinyaa
jamac bariir - June 8, 2009 12:38 pm