Gabay: habbo dhaha hiqleeyaha by/C/fataax daahir cige

06/3/2009 2:11:00 PM

asc wr wb dhammaan akhritayaalsha sharafta waxaan umaleeyaa waxoogaa inaan kala baadnay hawlaha adduuna inna kala xeereen waxaan jeclaytay inaan akhristayaalsha maanta usoo bandhigo gabaygan lamagaca baxay HABBO’DHAHA HIQLEEYAHA wixii qalada waa aniga iyo shaydaan inta aan asiibayna waa ilaahay dhankii akhris wacan
 

Habbo’dhaha Hiqleeyaha

 

1-Hoogiyo hubkaa dhacaya iyo horor ka sheed jooga

2-Hooyooyin balanbalaya oo hawdka badi jooga

3-Harraadka iyo gaajada ku ladhan hadimadaa taagan

4-Hebel taliya diidiyo anaa haysta madaxtooyo

5-Marka hilibku daatee dad badan dhiigu Haro buuxsho

6-Hal tallaabo anigaa durkiyo helay ujeedkayga

7-Inta hoyatay yeelkood haddana dib u huleelkayga

8-Halkaa uun hadday taagan tahay waa habaar kale e

9-Hudda saxan maxaa nooga ba’ay oo na halakeeyay

 

10-Ma halyay rumeeyaanan jirin hiigsi lagu daaqo

11-Misa maanta waa hoobannoo Hacoo ayaa saaaran

12-Ma hoggaanka nimankaa hayaa cadawga soo hooyay

13-Misa heedhe waxa looga ba’ay hilin qorsheedkooga

14-Ma hammiga shisheeyay Shabaab soo horkacaysaaba

15-Misa  heedhe waa hiil sharciya oon la hurin maanta

16-Ma hoggaamya kooxeedadaa soo hunguri doontay

17-Misa waa hadhaagaa nayidhi waan hanuun imiday

18-Ma hakade halyaybuu noqdoo waa hilfaha qaade

19-Misa heedhe habar buu diloo waa huf magacaayi

20-Ma hannaanka nabaddaa dagaal dib u heshiisiina

21-Misa waa huriye sii kiciya oo hubanti waa ciilba

22-Ma xisbiga islaamkaa hagaag keenay habab doora

23-Mise heedhe waa heerihii huunno garan waayay

24-Ma hantaaqo shacabkaa qabaa hadal xaqiiq diidan

25-Misa Hawser nimankaa gartaa honoga sii biirshay

26-Ma adduunka nagu soo hormaa tiis hirgalinaaya

27-Mise heedhe wuxuu soo dirsaday waa Hulqiyo Boobe

 

28-Shacabkii haddii aanu nahay diinta qudha haystay

29-Heedadawga haylhaylka iyo heeco kali-yoobay

30-Heehaabka duurkiyo hayaan ay hanjabo raacdo

31-Hawshaa dhammaanteed waxaan samir hagoogaynay

32-Sidaan heeshi kuu siiyay baan kaaga hibo doonay

33-Hindisuhu sidii uu ahaa waad hirgaliseene

34-Habbo’dhaha hiqleeyaha haddeed hadhac haloo daayo

35-Ka hortaga midooboo ciddii soo hujuum timiday

36-Is haybhaybsi waa laga tagee haaddu yay imanin

37-Haybaddeena weeleeya’oo noo habuuq badiya

38-Haaneedsha diinteena oo heegadaa mariya

 

C/fataax daahir cige(saylici)
saylici23@hotmail.com
          cairo


Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies