Fariin aydaydii ka qalinjabisay dugsiga sare ee Ubaya binu kacab ay u diryaan wariye Bashir Goth+Sawiro

06/17/2009 9:54:00 PM

kacab10Waxa  shabakadaha warbaahinta gobolka Awdal qaarkood  gaar ahaan saylac.com ku soo baxday, maqaal uu qoray qoraaga Bashiir goth, maqaalkaas oo uu ku sheegay, dhibaato uu jinku ku hayo gabdhaha dhigta dugsiyada sare ee Somaliland, inay tahay muusig laa’aan ee aanu jin sababin, waxa kale oo inta badan maqaalkiisaa uu ku amaanay muusigada isla markaana uu ku dhiirigaliyay ardayda isdhexgalka gabdho iyo wiilal, sida inay wada samaystaan riwaayado iyo cawaysyo ay isugu yimaadaan, kadib tusaalooyin uu ku soo qaatay maqaalkiisaa oo ahaa dhibaatooyin ka dhacay caalamka oo ku dhacay gabdho, ayuu gabagabadii uu ku soo gunaanaday “Without music life would be a mistake” oo macneeheedu tahay muusig la’aantii nolashuba  waxay noqon lahayd mid qalad ku timid. 
 
kacab2Maqaalkan ayuu ku tacliiqinaayay qoraagu,  warbixin uu siiyay warbaahinta gobolka maamulaha dugsiga sare ee ubaya binu kacab Dr. Yousuf  Mouse Du’ale, warbixintaas oo ahayd talooyin uu u jeediyay maamulaha dugsigu, dugsiyada kale ee Somaliland oo baryahan danbe dhibaato ka haysatay jimanka oo dhibaato ku haya gabdhaha dugsiyada Somaliland dhigta, kadib markii uu illaahay waafajiyay maamulaha iyo macalimiinta dugsigan Ubaya Binu Kacab daawo kaga hortagaan dhibaatada Jinka. Waxa uu maamule Dr. yousuf warbixintiisaa kaga waramay sida uu digsiga Ubaya Binu Kacab dhibaataa uga badbaaday isaga oo kula dardaarmay  gabdhaha dugsiyada dhigta inay ka dheeraadaan fal kasta oo sababi kara inuu jinku waxyeeleeyo, iyo inay badiyaan cibaadada sida  ducada iyo quraan akhriska, illaaliyaana salaada oo ayna ka tagin. 
 
kacab3Hadaba akhristayaasha sharafta leh ayaan fariintayada u hormarinaynaa warbixin kooban oo ku saabsan dugsigan ubaya binu kacab oo ahaa dugsiyadii ugu horeeyay ee laga aas’aasay gobolka Awdal iyo guud ahaanba dalka Somaliland wakhtiyadii dagaalada sokeeye laga baxay, sanadku markuu ahaa 1992kii, xiligaas oo adeegyada bulshadu ay aad u hooseeyeen sida caafimaadka, waxbarashada, wacyiga aqooneed iyo kaabayaasha dhaqaale ee bulshada, 
 
kacab6Waxa aas aasay aqoonyahano u dhashay somaliland, magacna ku leh bulshada dhexdeeda, oo iyagu iskood isku xilqaamay, inay u adeegaan waxna u qabtaan bulshadooda iyo dalkooda hooyo.
 
Dugsiga oo ku bilaamay guryo kiro ahaa, ayaa waxa uu hada ka koobanyahay seddex dugsi oo kala ah laba dugsi hoose dhexe iyo dugsi sare, oo kula yaala xaafadaha magaalda borama oo ah dhismayaal waawayn oo dugsigu leeyahay kana kooban fasalo aad u fara badan.
 
kacab7Dugsiga Ayaa waxa arday dhigata tiradoodu tahay kuwo kor udhaafaya saddex kun (3,000) oo arday, oo iskugu jira gabdho iyo wiilal, waxa ka qalinjabyay duqsiyada dhexe toban(10) dufcadood xaga dugsiga sarena ka qalinjabiyeen todoba (7) dufcadood kuwaas oo wax ka barta jamacado ku yaala dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, sida Bakistan, Yaman, Jordan, USA, sudaan, sucuudi arabiya, Masar, Britan, iyo wadamo badan oo ku yaala qaaradaha aduunka oo dhan.
 
kacab8Ardaydan ayaa waxa ay u badan yihiin kuwo uu dugsigu deeq waxbarasho “scholarship” dibada ugu diray, iyaga oo barta takhasusaat kala duwan oo ay ka mid yihiin kuliyaatka Caafimaadka, Engineeringka, Scienceka, Artska iyo Shareecada Islaamka. Ardaydaa ayaa intii ka takharujtay jaamacaatka dalka iyo kuwa dibadaba waxa ay ka yihiin dalka dakhaatiir, engineero iyo macalimiin kuwaas oo ka shaqeeya gobalada dalka oo dhan.
 
Dugsigan ubaya binu kacab ayaa waxa lagu amaanaa:-
? Inuu kamid yahay dugsiyada ugu tayada waxbarasho fiican Somaliland.
? Inay macalimiin ka yihiin Aqoonyahano iyo culumo isku jira Somali iyo carab, kuwaas oo isku xilgaama sidii ay usoo saari lahaayeen aqoonyahanadii mustaqbalka ee dalka.
? In ardayga ka soo baxaa uu yahay mid ka dhisan dhinac maadiga iyo diiniga labadaba.
? Inuu kamid yahay dugsiyada tirada gabdhaha dhigtaa ugu badanyihiin jamhuuriyada Somaliland.
? In ardaydiisu galaan kaalmaha ugu horeeya ee imtixaanada dugsiyada dhaxe iyo sare  ee Somaliland.
Waxa sanadkii 2006/2007 wasaarada waxbarashada Somaliland u qooonsatay dugsiga, inuu yahay dugsiga ugu tayada waxbarasho fiican Somaliland, halkaas oo ay ku gudoonsiisay shahaado sharaf dugsiga.

 Waxaan hadaba u mahadnaqaynaa anaga oo ah ardaydii ka qalinjabisay dugsigan  dhamaan macalimiintii wax noo soo dhigtay Allana waxaan uga baryaynaa inuu dadaalkoodii ka abaal mariyo.
Intaa kadib ayaa akhristayaal idinkoo warbixin kooban ka haysta dugsiga waxaan fariintayadii aan u diraynay wariye bashiir goth ku soo koobaynaa dhowrkan qodob:
-Waa muusigadee hadii aan nidhaa qoraa bashiirow sida aad sheegtay wadnaha qaraaciisa, takbiirta la qaado marka kacbada lagu dawaafayo iyo inkaloo badan waa muusigo, oo naftaa u baahan, markaa ma waxa ay noqonaysaa dhul gariirka iyo fulkaanaha oo ah laba masiibo oo waawayn codkay bixiyaan waa musigo oo iyagana naftaa u baahan? Jawaabtu waa cadahay, ee illahay ha inaga hayo, sidaas darteed, waxa haboon in aynu arimaha kala saarno, isla markaana waxaad ogaataa miisikadu inay tahay dheeldheel iyo wakhti lumis waxana laga qaadaa qalbi adayg iyo cibaado daro, Qofkuna haduu u baahanyahay inuu nafta u raaxeeyo ama wax uu ku nafiso waxa haboon in uu quranka eebbe oo uu qalbigu ku dago naftuna ku raaxaysato, shifo iyo daawana ah uu dhagaysto, sidaas darteed waxaad ogaataa in qof quraan haystaa aanu muusigo daawo uga baahnayn.
-Xaga isla dhigashada inamo iyo hablo, waxaad ogaataa tijaabooyin badan oo dalka gudihiisa lagu sameeyay iyo kuwo caalami ah intaba  lagu ogaaday, in sideed (8) jeer kala dhigashada gabdhha iyo wiilalashu ka fiican tahay  isla dhigashada marka la eego tayada aqooneed ee ardayda, taasina waxay taageeraysaa go’aanka dugsiga oo ah in wiilal iyo gabdho fasal wax kuwada dhigan ama kuwada baran, arintanina waxay kamid tahay waxyaabaha bulshada Somaliland ku tixgaliso dugsigan Ubaya Binu Kacab. Waana arin ay ku wada qanacsan yihiiy  macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta dhamaantood. Maadaama arintu sidaa tahay ayaa waxa  tani keentay in isla samaysiga riwaaydaha iyo waxii lamidka ah, la iska daayo oo loogu badalo barnaamijyo aroortii dugsiga ka baxa sida barnaamijka Tartanka aqoonta, tartanka gabayada,  doodo cilmiyeedyo, maxaadarooyin diini ah iyo waxyaabe  kale oo badan, kuwaas oo ay soo abaabulaan ardayda dugsiga taas oo tayada aqoontooda kor u qaadaysa firfircoonina galinaysa maskaxdooda iyo jidhkooda intaba.
- Arinta jinkana waxaad ogaataa in Jinku yahay khalqi ka mida khalaa’iqda rabi unkay, ee ku nool aduunyada, waxana uu leeyahay mid muslima iyo mid gaala oo banii’aadamka dhibaato ugaysan kara, taas oo ay kamid tahay dhibaata uu gabdhaha dhigta dugsiyada soomaliland u gaystay. Waxa iyaduna ah wax illahay loogu mahadiyo in uu illaahay waafajiyay dugsigan Ubaya Binu Kacab, daawo lagaga hortagi karo dhibaatadaa jinka uu ku hayo gabdhaha wax kabarta dugsiyada Somaliland, taas oo ku timid  baadhitaano cilmiyaysan oo ay sameeyeen dad aqoon u leh hawshan. Maamulaha dugsiga sare ee ubaya binu kacab Dr. yousuf Mouse du’ale  ayaa waxaa uu isaguna aad ugu amaanan inuu dugsiyada kale ee Somaliland usoo bandhigo daawadaas. Waxaa iyadu aan iswaydiin lahayn in jinkaa dhibaatada ugaystay gabdhaha  wax ka barta dugsiyada Somaliland, in la yidhaa ma kii muslimka ahaabaa mise waa kii gaalka ahaa ee dadka dhibayay, waana cadahay  inuu yahay kii dhibayay umada iyo gabdhaha dhawrsoon. Hadaba qoraa bashiirow waxa haboon intaad jirrabaha kale iska dayso, inaan u dayno hawl kasta cida aqoonteeda gaarka ah u leh.
Waxaan halkan gabagabadii fariintayadan ugu baaqaynaa aqoonyahanada Somaliland in ay isku darsadaan aqoonta maadiga ah  iyo ta diiniga ah labadaba, taas oo qofkii isku darsadaa uu noqonayo mid illahay siiyay wax wanaagsan oo sareeya.
                                                                                                                              Sidoo kale waxaan u soo  jeedinaynaa dugsiyada somaliland in daawadaa uu dugsiga Ubaya Binu Kacab helay  ka faa’idaystaan oo dhibaatooyinka haysta gabdhaha  kaga hortagaan.

Magacyada ardayda fariinta diraysa oo kamid ah ardaydii wax ka baratay dugsiga Ubaya Binu Kacab oo dalka dibadiisa wax ka barta: 

1- Dr. Jibril Ali Husein ——––Pakistan- graduated.
2- Dr. mubaarik Mohamed dahir———– Sudan-graduated.
3- Ali Hassan Cige ——-Sudan—graduated (Geology).
4- A/rahman Mohmed ——-Sudan—graduated (computer science).
5- Mustafe Farah Mahmoud ——-Sudan—Graduated (computer science).
6- Ahmed Omer Mead ———–-Yemen– sixth year of Medicine.
7- Abdirazak Abdullahi ———-Jordan—fourth year of Medicine.
8- Abdirahman Dahir Ibrahim ——Sudan—fourth year of Agriculture Engineering.
9- Mubarik Hassan Abdi ——–Jordan–First year of Dentistry.
10- Muuse A/rahman Omar(Sudan).
11- A/rahman abdilahi


Comments

  1. As wr wb

    waxaan aad u soo dhawaynayaa fikirka dhalinyarada aqoon yahanada ah ee u jawaab celiyay qoraaga sida khaldan u fahmay maamulka dugsiga sare ee Ubaya binu kacba

    runtii waa dugsi wax wayn ka badalay bulshada islamarkaana sharaf iyo aqoon u soo hooyay reer Awdal iyo guud ahaan bulshaada somaliyeed

    waxaan hadaba leeyahay walalkay Boqore, Meel walba ka muuqo waa lagu muunad baxaa ee walal ka fiirso marka ay gaadho arimo ku saabsan Diinta islaamka hadii aanad aqoonteeda lahayna waydii dadka yaqaaana sidaas ayay sharaftu kuugu jirtaa,

    walalha wax ka soo bartay dugsiga ubaya ee jawaabta bixiyayna waxaan leeyahay, waad hagaag santihiine maxaa loo waayay dad is xilqaama oo ka warama mar kastana soo ban dhiga waxbarashada ka socota dugsiyada aad ka soo baxdeen, ee keenay inaad xiligan oo waliba aad jawaabta la soo daahdeen aad ka hadashaan?

    khayrku siduu ku jiro ILAAHAY ha ina waa fajiyo

    Ahmed farah - June 18, 2009 2:07 am

  2. walaalhay reer awdal waxan leehay meeshii borama ahayd dadka waxa maamulxuamda rayaale ugu biiray busaarad, shaqola’aan, cunaqabatayn iyo dawlad hoosaad diineed oo magaaladii haysata. diintu way fiicantahay walaalayaal laakiin dadkale ee muusiga jecel amma ruwaayadaha jecel waad shiidaan waanad dhibaataysaan, anoo la hadlaya wadaadada. sucuudiga ay kacbadu ku taal muusiga waa laga dhegeystaa, ruwaayadahana waa laga dhigaa oo ilaahay igu ogyahay.

    mas’alada muusiga culimadu way isku haystaan waxan la yidhaa waa nuqdatul ikhtilaaf. sheekh yusuf alqaradaawi wuxu aljazira u sheegay inu dhagaysto ummu kaltoum heesaheedii. balbaloo ninka la yidhaa ee reer samaroon oo culuunta shareecada ku takhasusay wuxu sheegay oo RTD an ka dhegaystay isagoo leh muusiga iyo heesuhu xaaraan maaha. markaa iyadoo taasi jirto walaalayaal waxa wanaagsan nin dadka dhallinyarada ah weliba dhibta ad ka daysaan oo si edeb iyo akhlaaqi ku jirto ad uga waanisaan, laakiin aydaan u dhaqmin sida mudawiciinta sucuudiga oo dadkiiba diintii ka sheegtay waxna xalaaleeya waxna xaaraantimeeya, haddana wixi shalay xaaraantimeeyeen haddana xalaalleeya sida: kalyaha oo la beeraa waa xaaraan mar ay yidhdeen oo haddan ay xalaaleeyeen. iyo mar kale oo ay yidhaadeen ninka gaalka ah eed wada shaqaysaan kama odhan kartid “happy new year” oo la macna ah “sanad wanaagsan amma sanad cusub oo farxadleh” muddo dabadeedna waxay yidhaadeen waxba kuma jabna oo waad odhan kartaa. hadal iyo dan awdal amma somaliland waa dal dimuqraaddi ah, maaha iraan oo kale, markaa xaqiinana qaata, qofka kale ee muslimka ah ee muusiga jecelna xaqiisa siiya oo ikhtilaafka innaga daaya, diintana falsafadda iyo afkaarta sheekh waliba intiisa yar u ku darsanayo ka daaya, waayo cali binu abi daalib wuxu yidhi addiin maahuwa birra’yi.

    bixusnilkhaatimah

    mataan - June 18, 2009 3:29 am

  3. asc walalahayga muslinkow kadib waxan halkan ka salamaay mamuliinta saylac ,wax si gaar ahaned hakan uga salamya mustafe cumar muude oo aha maclinkaygi quraanka wagan dhigan jiray ahaana waliba ninki diinta ibaray ,had iyo jer wax u aha macalin iwaaniya
    abaalkaad igashay wali maan ilaawin waan xasuusta wanaaddii noolow waligaa walhi maha meel la ilawo awdal waxay noqotay hoygii wax barasho iskuulkan ubaya oo ahah kii ugu fiicna dugsiyad dhex aqoon ahaneed
    walib aqoon uun mahee waxan xasuusta waygan dhigan jiray inay maclimiintu dadka ka guri jireen timaha sida xun loola baxo taasi oo ay ku raaci jireen dhaqankii rasuulka scw , runtii ubaaya ha noolato
    awdal ha noolato waligeed ha jirtro wax barashad awdal alllow diintada nagu hanooni amiin amiin

    c/fataax shiine sweden - June 18, 2009 10:30 am

  4. ACWW
    waad salaaman tihiin,
    waxaan aad ugu farxay jawaabta saxda ah ee laga bixiyay arintii uu bashiir la soo booday isagoon wax hubsan. maashaa allaah ayaan leehay sida fiican ee waxbarahada Ubaya Binu Kacba u socoto , abaalkeedana illaahay ha siiyo macalimiintii isku xilqaantay inay ka midha dhaliyaan dugsigan, waanan aragnaa maanta inta engineer iyo doctor ,ee ka soo baxay . waxaan dadka reer boorama ku talinayaa inay ka fikiraan sidii loo samayn lahaa dugsiyo kale oo la mid ah Ubaya si u ubadkeenu u helaan fursad aynaan inagu helin markaynu yarayn.
    hambalyo ayaan idiin leenahay reer Ubaya, macalin iyo ardayba dadaalkaad ku jirtaan illaahyna ha idiin fududeeyo.
    wabillaahi tawfiiq

    hassan ahmed - June 18, 2009 10:50 am

  5. guul ayaan idiin rajaynaynaah, dalkiinana aamina oo joogaj, qurbaha waxba mayaaliineh, aamina dalkiina

    ali - June 18, 2009 7:27 pm

  6. waxaan salaamaya bahda saylac.iyo dhmaan macaamiisheeda waxaan odhan lahaa niqaashka iyo fikirka qofku bini aadamkii xor ayuu uyahy isagana waxaa lagudboon inuu isa soxo wixii dhaliila ama uu yidhaahdo sidaa ayaan jeeday waxaan kawada gobol amaan le ayaad joogtiin xoritatulqowlkuna aad usareeyo ….halawada niqaasho hana laisdhagaysto waxaan anu waxba kamagranaayo iskolka ubaya binu kacab laakiin waxaan garnayaa ardaydiisa ooqaarood kood imika halkan aykuqoran yihiin oon soodaan wax kawada baran jirnay runtiina inaymadarasad qaaliya tahy waynooga sheekaynjireen laakiin guulahaa aad gaadheen waabilo ayaan idin odhan lahaa eehoray usocda ilahyna khaidinkygarb kalo……..ina abdirahmain

    moahamoud abdourahmain - June 19, 2009 7:09 am

  7. waxan halkan ka samaya maamulaha iyo macalin miinta dugsiga sare ee ubaya binkacab waxan ahay arday dhigan jiray dugsiga sare ee ubaya binu kacab hadan ka dhigta jamacad ku tala ameerica herkana waxaa igarsiiyay waa ubaya iyo macalinmiintayda wanagsan iyo sida edaabta leh ee wax la ii bari jiray waayo waan xasuusta macalinkaa tarbiyada ii dhigjiay aha sheekha magalada xasan khayare dirir runtii hadan u soo noqdo sheekada ku saabsan jinka waxaa ka jawabay wlalahay ugana jawaabay su aasha xun ee ah waa heeso la aanta wana su aasha iga yaabisay jinka waa umada meelkasta kunool markas meesha doono ayuu ilahay geeyaa anigu kuma raacsani halagu dhagaysto heeso ruwayado waxan ka baryayaa mamulaha iyo macalmiinta waalidiinta iyo ardayda wiil iyo gabdho hadalada foosha xun ee sameeya la leeyahay ha ku raacine ee raaca waxa ingu taliyaa m/macalin miinta wana insamaya wlaal a s c

    xariir - June 19, 2009 11:10 pm

  8. Waar maxay ahaayeen Wadaadan yaryar ee Shaashada isa soo dhigay, ma kuwii xamarbaa mise waa kuwii loogu talo galay in ay Borama qabtaan,
    maxay u xanaaqeen ilayn waa aragti waxa la qoree, ma iyagaa gabdhihiiba jawaabay

    Garbaraar - June 20, 2009 6:38 pm

  9. garbaraar sxbow walahi waad iga qoslisay funny ayad tahay sxb

    ibrahim xasan - July 3, 2009 8:09 am

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies