Dhegayso, munaasibada xidhitaanka dugsiga h/dhexe ee Cumar Binu khadab Borama

06/15/2009 4:01:00 PM

omer

>>Dhegayso qayta 2aad ee xafalada

Boorama(Saylac.com) Jun,15,2009. xaflad Maanta loo samaayey Ardayda Wax ka barata Dugsiga H/Dhexe Cumar Buni Khadaab. Laguna gudoon siinayay Jaaisado iyo Abaal Marino la siinayay Ardayda kala Gasha haalamaha ugu Horeeya Dugsiga Cumar Binu Khadaab, waxaa sanad dugsiyeed walba lagu qabtaa xaflad tan maanta oo kale ah Ardaydan iyo waalidiinta loogu yeedho Dhiiri galina looga dhigo
 
Waxaa Xafladan balaadhan maanta ka soo qayb galay Dhamaan Ardayda Dugsiga Cumar Binu Khadaab, iyo waalidiinta Ardayda Madaxda wasaarada waxbarashada Gobolka awdal, iyo Dad kale oo daneeya horumarka waxbarashada caruurta.
 
omer2Ugu horayn waxa ka hadlay Munaasibada Maamulaha Dugsiga H/dhexe Cumar Binu Khadaab, Cabdi wahaab cabdilaahi Aadan, iyo maamule ku xigeenka Dugsigaa, Maxamed Cali Cumar (Jaabir) waxay aad uga hadleen maamulka dugsigu,waxbarashada Ardayda Dhigata Dugsiga Cumar Binu khadaab, iyo tarbiyada Dedaalka Kormeerka iyo ogaanshaha iyo halka ay marayso tayada waxbarashada Ardayda ay gacanta ku hayaan Sidoo kale waxay maamulka dugsigu ka codsadeen waalidiintu inay Hiil iyo Hooba la garab Joogaan Ardayda iyo macalimiinta isku xidhka waalidka iyo macalinka waxaa ku faai’da Ardayga.
omer8Waxayna intaa sii raaciyeen maamulka  Dugsigu,oo ay dadkii ka soo qayb galay munaasibada natiijada Sheeg dheega kaalmaha Ardayda iyo Abaal marinta u cadeeyeen kuna dhawaaqeen  sida loo kala galay kaalamaha Guulaha Arday walba nagaciisa iyo darajada uu keenay ayaa dadka laga hor-sheegayay
 
waxaana loo kala qaybiyay hablo iyo wiilal, Ardaydana loo sheegay Heerka iyo Tirada arday kastaa ku Guulaystay.
 
Qaar ka mida waalidinta Ardayda ayaa sidoo kale ka hadlay Magaca waalidiinta waxa ku Hadlay ganacsade Maxamed Maxfuud, oo ahaan jiray macalin wayn lana Dar- daarmay Ardayda iyo waalidiinta.
 
Ugu danbayn waxaa xafladaa soo gunaanaday Gudoomiye ku/xigeenka wasaarada waxbarashada G/awdal C/raxmaan salaymaan.
 
omer4 Dugsiga Cumar Binu Khadaab, wuxuu kaalinta koowaad ka galay tartan goboleed loo Qabtay Ardayda Dhigata Dugsiyada H/Dhexe, Afar gobol oo ka mida soonaaliland sida Awdal, Hargaysa Togdheer iyo saaxil.
 
ka Dhagayso Saylac.com, kaalmaha Ardaydu kala Gashay.
 
Sanadkii Hore waxaa Rikoodhka jabisay oo Keenatay intii Laga sugayayba Ardayada Sumaya Ibraahim Cumar, 
 
omer6Hadaba sanadkan yaa Keenay intii Laga sugayayba? Waxaa intaba Duldhigay Ardayga maanta, Arafaat maxamed Khaliid, oo Keenay. darajada 700.. oo ah intii gabi ahaanba laga Doonayay. Arafaad wuxuu dhigtaa Dugsiga Cumar Binu Khadaab, Fasalka koowaad “A”

Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Borama/Somaliland

omer5

 

 

 

 

 

 

omer10

 

 

 

 

 

 


Comments

  1. asc walalahyga islamakow waxan si gar ahaana u salamay mamulinta saylac.com kadib waxan ka dib waxan salan u diriyaa macalinminta dugsiga walhi ninkaasi jabur sxb waxad samaysay hor mar ad u weyn oon manta ka arkayno halkan waxanan leeyahay halka ka sii wad
    allahana kula garab gali shaly iyo manta waxa u dheexaya lama koobi karayo macalinta iskuulka waxan leeyahy hanbalyo hanbalyo

    c/fataax shiine sweden - June 15, 2009 9:21 pm

  2. Bismilaah.

    waxaan aad ugu farax sanahay, Borama oo Aqoonta aad ugu sii horo maraysa, waana Ilaahay Fadligii, waxaan odhan lahaa walalaha reer Awdal u dhashay ee ganacsatada ah ha ka qayb qaataan horu marka Gobolk Awodal, waayo dadkaas wax bartay haday waayaan meel ay ka shaqaystan faa’iido yeelan mayso cilmigoodu

    Ahmed farah - June 17, 2009 10:15 am

  3. A/S/C/W/ Walaalahayga somaaliyeeddow
    uguhorayn waxaan salaamayaa maamulka shabakadan saylac.com waxaan leehay waxaad umada reer somaliland uhaysaan hawl aad uculus gaar ahaan bulshada reer awdal waxaad kujirtaan kaalin hormuudnimo dhanka wararka iyo dhiirigalinta horuumarka umadaba
    waanad ku mahadsantihiin kalkaasna kasiiwada
    intaas kadib waxaan halkan salaan iyo hambalyo balaadhan umarinayaa maamulka iyo macalimiinta
    DUGSIGA H/DHEXE CUMAR BINU KHADAAB
    waxaan marlabaad halkan uga hambalyaynayaa
    maamulka dugsiga gaar ahaan
    C/wahaab iyo muxamed cili jaabir
    oo ah hormuudka dugsiga
    waxaanan leehay waxaad samayseen horumar wayn sida halkan iiga muuqata waana waxlagu farxo hawshaan aad qabateeni waayo waxaan xog ogaal u haa heerarkii kaladuwanaa ee dugsigu soomaray
    ilaa 1993 up now wakhtigaas oo ardaydu ku fadhiisan
    jireen daasado iyo dhagxaan iyo maanta oo aan kalasocdo website yadan arkayona muuqaalladan quruxdabadan
    macalimiinta waxaaleehay hawl adag ayaad haysaan
    waxaad soosaaraysaan bulsho dhisan oo tayo leh
    abaalkeeda waad helaysaane
    sxbbayaal
    waxaakale oo waxlagu farxo ah wakhtigan oo waraka gobolka naga soogaadhayaa sheegayeen in dhalinyartii tahriib uxidh xidheen , la arko arday heegan u ah waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan
    ARDAYDANA
    waxaan leehay dadaala maanta waxaad tihiin arday bari kamaalina aqoon yahano
    waxaan intaas idiin raacinayaa
    tixdan gaaban
    carwo weeyi dugsigu waa ceel aqoontiyo cilmiga laga cabaayoo carbis weeyi nololeed ee caziisku ha idin garab galo hambalyo hambalyo

    waxaan leehay sxbyaal halkaas kasiiwada
    hambalyo hambalyo

    C/rashiid barkhad wajaale - June 17, 2009 2:55 pm

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies