Dhegayso kulan maanta ay iskugu yimaadeen cusbitaalka fastuula ee Borama Hay’ado caalami ah iyo Maamulka Cusbitaalka oo ka wada hadlay balaadhinta Cusbitaalka Fastuula ee Borama

06/18/2009 9:57:00 PM

 >>Dhegayso qaybta 2aad 30 minutes   >>Dhegayso qaybta 3aad   15mn

Dr. QawsDhegayso kulan maanta ay iskugu yimaadeen cusbitaalka fastuula ee Borama Hay’ado caalami ah iyo Maamulka Cusbitaalka oo ka wada hadlay balaadhinta Cusbitaalka Fastuula ee Borama
Borama(Saylac.com) Kulankan waxa kasoo qayb galay Wasaarada caafimaadka Soomaaliland, hayadaha Caalamiga ah Sida UNFPA. UNICEF. BISHA CAS iyo maamulka Cusbitalka Fistula, ayaa ka wada hadlay Qaabka loo kordhin karo hawlgalka caafimaadka ee G/awdal, iyo Balaadhinta Cusbitalka Fistulaha.
 
fastula5kulankan oo maanta ka dhacay Hoolka Shirka Cusbitalka Fistula  dadkii ka hadlay waxa ka mid ahaa. Dr. Qows, Dr. Walhad. Marwo Adna Aadan Dhakhtar, Faadumo X. Abuubakar, iyo Laba gabdhood oo ka kala socday Hayadaha UNFPA, UNICEF,
Waxaa si aada loo lafaguray Sida loo Heli lahaa Qaab Hufan oo wada shaqay oo dhax marta hayadaha Deeqa Bixiya ee xaga Caafimaadka Wasaarada caafimaadka Cusbitalka Fitulaha, MCH yada goobaha adeega Caafimaadka ku shaqada leh hooyada
fastula3uurkaleh.. hadaba dhegaystayaasha saylac.com lana dhegaysta siduu  shirkii oo dhamaystiran.

Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Borama
Somaliland
fastula2

fastula6fastula7


Comments

  1. As wr wb

    waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa horumarka sida aad ka ah uga socda Gobolka Awdal, waxaan filayaa inay bilaabantay xiligii Awdal aynoqon lahayd hormuudka dhankasta ee geeska Africa sidii ay horeba u ahaan jirtay hormuudka wadamada islaamka, xiligii Adal Empire,

    waxan aad iyo aad u soo dhawaynayaa dhakhaatiirta sida fiican uga qayb qaatay horumarinta bulshada iyo caafimadka,

    waxanan mahad naq u soo jeedinayaa shabakadaha wararka ee sida hagar la’aanta ah warka nuugu soo gudbinaya dhamaantoo.

    Ahmed farah - June 19, 2009 2:14 am

  2. salaan ayaan u gudbinayaa Saylac news sida fiican ee ay mar walaba u soo gudbiso dhacdooyinka ka socoda Boorama iyo guud ahaa gobalka iyo dalkaba. Dhakhtardaasi waa naftood hurayaan waxay wadaan walaahi wax u bahan tageero naf iyo maalba leh. walaal waxaan oron lahaa ha loo koco gobolka lacag yar oo aad bishii iska jarto waxba inoo dhibi mayso ee ha la caawiyo cafimaadka iyo meel kaste oo gobolka . inta joogta ee u dadaalysa ee dhakhatiirta ah iyo kuwa kale uu hawlaha horemarka Ilahay ha ka jazai siiyo ..
    Tacaawinuu calal biri wa taqwa .

    AA Osman - June 19, 2009 3:06 pm

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies