Bayaan & Baaq Badbaado oo ku wajahan Dadweynaha Soomaaliland ( Waxaan hongo ka joognaa Madaxda ugu sareysa ee Qaranka Somaliland).

06/8/2009 5:30:00 PM

Borama(Saylac.com)Bayaankan iyo baaqan oo ah ka hortagid iyo diidmo culus heerka ugu sareeya oo ku wajahan wax lagu sheegay Xukun oo aan ka dhegeysanay Idaacada BBC kana soo baxay Maxamed Maxamuud Diiriye Madaxa ergadii Guurtiga Kalabaydh, kaasoo uu ku dul akhriyay Xukun-ku -sheegaas naftiisa iyo jaalayaashiisa.

 Hore madaxda sare ee Qaranka Soomaaliland anaga oo ka cabanayna ninkaas waxaan usoo gudbinay Lix qoraal oo ah tabasho iyo cabasho  oo kani yahay qoraalkii todobaad, oo codsanayna in xaaladda lasoo faro galiyo lagana badbaadiyo shirqoolka lagu wado, Gurmad qarana loosoo diro si looga baaqsado guuldarro dhacda oo dhinac walba ah. 
 

 Muddo shan bilood ku siman oo howshan kaligiis iska watay waxaan fahamnay ninkaas inuu maleegayo xaalad dhagareed kana dhex aloosayo labada beelood Reer Nuur iyo J/abokor taas oo lagu fulinayo koontaraakti (Contract) in beelahan dhexmaro dagaal ehli ah oo keena burbur iyo baa’ba oo noqota nasiib darro ku habsata Qaranka Soomaaliland oo ah curdin aan wali haysan aqoonsi. Waxyaabaha meesha ka socda oo  ay saamayn baaxad leh ku yeelan karto aqoonsiga iyo jiritaanka Soomaaliland.
 Ninkaas oo dhinaca sharciga iyo distoorka sida ay qeexayaan qodobka 61-aad oo ah awoodda Golaha Guurtida oo ka kooban sedex waaxood, Diinta,Dhaqanka iyo Nabadaynta xukunka ay qaadeen oo dhulka ah uu ka baxsanyahay awooda Golaha Guurtida ee qaran isla markaa qodobka 28-aad ee dastuurka qaranku wuxuu sheegayaa in ay Maxkamada tagi karaan  cidii dacwad dhul qabta.
 Markaan aragnay arimahan guracan waxaan baaq u dirnay Gudoomiyaha Golaha Guurtida J.S.L anaga oo ka codsanayna inuu soo faro galiyo arintaa balse waxaa noo cadaatay inuu qudhiisu ka mid yahay Isbaahaysigan oo ah Sedex geesood isaga oo soo xulay sedex Xubnood oo H/jeclo ah, Xubin H/yoonis,  Xubin Gadabuursi iyo kuwo kale,  arinkaasi wuxuu yahay ku talo gal fulin ujeedooyin siyaasadeed oo lagu fashilinayo Qaranka la iskuna dirayo Beelaha dariska ah, si loo helo  madhnaan (vacuum) oo keenta in si xaqdaro ah loo boobo xukunka (Inqilaab). Runtii waxaan sii ogayn ku talo- galka  go’aankan isbaahaysigan iyo xukun- ku- sheegan inuu sidiisaba noogu dhacayo waxaanan ka qaadanaynaa mowqif adag oo diidmo ah.
 Waxaan ku baraarujinaynaa dadweynaha iyo beelaha wada dhistay Qarankani inay nala arkaan isbaahaysigan xaaraanta ah oo ay ku midoobeen Gudoomiyaha Golaha Guurtida JSL Saleebaan Maxamed Aadan,Madaxa Ergada Guurtida Kalabaydh Maxamed Maxamuud Diiriye iyo Maxamuud Muxumed Raage oo loo aqoonsaday dawlad yar oo ku hoos jirta Dawlada JSL.

  Beesha Reer Nuur inayna nabadiid ahayn aanay ku samirtay dhibaatooyin badan oo ay u gaysatay Ergadu si  hadii la helayo nabad aanay xagooga wax ku baaqan waxaan ogolaanay inaan soo dhiibno hubkii aan qabsanay (Sam 7 ,baasuuka iyo AK 47) oo aan gacanta ka galinay Ergada madasha waxase ah wax laga xumaado isla markiiba waxa gacanta loo galiyay anaga oo arkayna J/Abokor kuwaas oo iyaguna u qaaday xaga Aaga  oo hubkii marlabaad uu nagu soo jeedo.
 Markay arintu nagu adkaatay ee Guurtidu jiqnagu siisay ee lix codsi oo aan u dirnay ayna midna kasoo jawaabin waxaan go’aansanay in aanaan gogosha fadhiisan ilaa inta aan garsoor caadil ah  helayno,  balse aan ku sugnaanayno goobta Kalabaydh anaga oo sidaas ah ayaa waxa la iska watay dacwadii iyo doodii oo ay sheegeen inaan cidna loo joojinayn ku maqan iyo ku kaleba waxaana timid markaan diidnay inaan gogosha galno waxay nagu dalbadeen ciidan wayna na xidheen iyada oo sidaas ah oo howshooda iska wata ayay soo saareen xukun- ku- sheegan ay shaaciyeen isbaahaysigan oo  arinta kaligood iska wata.
 

Hadaba waxaan cod dheer ( ALAAM) ugu baaqaynaa cidii danaynaysa arintan inay si deg deg ah usoo fara-galiso arintan iyaga oo aanu wakhtigu ka lumin kana hor tagaysa masiibadan ay maleegeen isbaahaysigani aanay arintaasi  qaranka u noqoto badbaado, baaqaasi wuxuu ku wajahan yahay Dadweynaha-  JSL,Madaxda  Sare ee Qaranka, Madaxda Asxaabta Siyaasada ee Qaranka,Salaadiinta,Cuqaasha,Odayaasha,Culimada-diinta iyo Waxgaradka kuwaas oo aan ugu yeedhayno inay arintan u fidiyaan gurmad deg deg ah. Ugu danbayn Beesha Reer Nuur waxay go’aansatay in aanay haba yaraatee wax  aqoonsi ah iyo tixgalinba aanay  siinayn Xukun- ku- sheegaas baadilka ah ee kasoo baxay Isbaahaysiga  sedex geesoodka ah.

 

Magacyada Saxeexayaasha :-

 

1.     Caaqil sare : Daahir Xasan Xaddi ______________________

2.     Caaqil sare: Daahir Cabdi Badde _______________________

3.     Caaqil :      Ibraahim Ismaaciil Guuleed __________________

4.     Caaqil: Ismaaciil Ibraahim Mooge ______________________

5.     Caaqil: Daahir Xuseen Sheekh _________________________

6.     Caaqil:  Maxamuud Muxumed Sh. Ismaaciil ______________

7.     Caaqil: Maxamed Kaahin Nuur ________________________

8.     Caaqil: Aw Ciise Cabdi Colhaye _______________________

9.     Caaqil: Muuse Axmed Xasan __________________________              

10. Cali Xaaji Xirsi   ________________________________

11. Yuusuf C/laahi Cali _____________________________

12. C/laahi Cali Xuseen _____________________________

13. Cismaan Muxumed Aare _________________________


Comments

  1. NIN DHUDOONA MAMARTO WAAR ISLAYAAB WAAR XISHOO WAAR XUSHMAD YEELO WAAR JAARNIMADA EEG EE WAXAA MARTA INXABAD DABADA LAGAG GALIYO

    farhan adan warsame - June 8, 2009 7:27 pm

  2. samaroon ma quusto madaxda sare ee u hadlayaa waa ayo waa ina rayaale oo la wada ogyahay inu wax ma tare yahay

    mataan - June 9, 2009 12:11 am

  3. war odayaashan mayna inaba xishoonayn woxoogu wuu dhaafay dulqaad oo wuxuu taaganyahay baryo
    war waxan joojiya hana na ceebaynina ee soo ururiya lacagta dagaalka lagu galayo ragan qori caradii un bay garanayaane
    mida kale madaxdan uu u yeedhayo wayo se yuu ka dacwoonaya
    war isku noqda nimanyohow

    abdi fattah, switzerland - June 9, 2009 2:11 am

  4. salaamu saleyku waxla aqbalikaro maaha go,aanka issaaq ku gaadhey in uu dhul dad leeyahey uu sheegto waaxaan leehay. maya maya ,waxaan garabtaaganehey dadka xaqooda uhuraaya dhiigooda ; carabkooda iyo qalinkoo ee reer nuur waxaan ognahey in daahir rayaale kaiibshe ismaaciil cumar geele xeebaheenii cidna dhagax utuurin ;horayna daahir rayaale adeer kiibaa 1960 (dooxada bollol )ee udhaw magaalada bollol udhaafsadey gabadh loodhisey oo layidhaalo (barni) waar bani wey gabawdey ee bolloli magaboobin … wax la aqbali karo maaha intuba sc

    c/naasir xaajiga(farance - June 9, 2009 9:02 am

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies