Abwaan Xasan Sh.Muumin Labaad oo Awdal U Kacey Ayaan Abwaankaa U Aqoonsanahay. By/ Abdirasaaq Hammaal.

06/29/2009 7:14:00 PM

London(Saylac.com)-Magaalada Hargeysa oo ah caasimada somaliland waxaa dhawaan lagu qabtey tartan ku sahabsan suugaanta soomaaliyeed, tartankaas waxaa ka soo qeyb galey dhalinyaro dhowr ah oo ilaahey hibo u siiyey curinta gabayada kuwaas oo dhamaantood matalayey lixda gobol ee ay ka kooban tahay JSL, xafladaas oo lagu qabtey hoolka jaamacada Hargeysa ayaa sida ay sheegeen shakhsiyaad goobjoogayaal ah aheyd mid si heer qaran ah loo soo agaasimey, xafladan waxaa soo qaban qaabiyey ururka nabada iyo damuquraadiyada ee geeska africa kaas oo fadhigoodu yahay dalka filand, hal-ku dhiga xafladan ayaa ahaa tartanka gabayada nabada sida ay ku soo warameen wariyayaasha ku sugan magaalada Hargeysa kana qeyb galey xafladaas ayaa magac dhabey dhalinyarada ka qeyb qaadatey tantanka kuwaasi oo kala ahaa
 
1)Maxamed Cismaan Budin (Gobolka Awdal)
2)Siciid Maxamed Gaheyr (Gobolka Maroodi Jeex)
3)Cabdirasaaq Saleebaan (Gobolka Saaxil)
4)Mustafe Mohamed Jibriil (Gobolka sanaag)
5)Axmed Cabdilaahi Jaamac (Gobolka Sool)
6)Axmed Cabdi Xirsi (Gobolka togdheer)
 
Gabayaa kastaa wuxuu soo bandhigey gabey uu curiyey kaas oo caqliga garaadkiisa ku jiraa gaafwareegayey guusha waad heli, gari laba nin kama wada qosliso baa la yidhee waxey madashii gariirtey oo ay gufaacdey gartii runta aheyd markii ay gudigii garsoorku ku dhawaaqeen in tartanka uu kaalinta koowaad ku guuleystey Abwaan Maxamed Cismaan Budin oo isagu ka socdey gobolka Awdal oo ku yaala Galbeedka Somaliland, gabeyga uu tantanka kaga qeyb qaatey Abwaan Budin waxa magiciisa la yidhaahdaa SAW NABADU GOGOL MAAHA.
 
Wax waliba sinaan iyo sifo lagu magacaabaa loo saaraa hibadee waxaan baaq boogaadina hambalyo iyo tahniyad halka tan uuga tabinayaa Saaxiibkey Maxamed Cismaan Budin.
 
Hadaba Waa Kuma Maxamed Cismaan Budin?

Abwaan M.O.budin waxa uu ka mid yahay abwaanada da,da yar ee sabankan aan ku jirno u soo kacey umada ku hadasha af-soomaaliga, abwaan budin oo sidaan korka ku soo xusney dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa ah shakhsi uu ilaahey ku maneystey hibooyin badan oo ay ugu hareyso halabuurnimadu, waa murti yaqaan maanseyn kara gabayada iyo geeraarka, waa hobol codkiisa dhagtii maqashaa marnaba aaney ka caajisey, waa fanaan iyo faras u soo kacey fanka soomaaliyeed, waa jilaa iyo majaajileyste malaayiin ruux mar kaliya ka wada qoslin kara.
 
Maxamed Cismaan Budin waxa uu ka mid ahaa ardeydii aan wax ka wada baran jirney dugsiga sare ee Sheekh Ali Jawhar waxaana uu ahaa ardey aan aad isugu dhaweyn, dhawaandhiyaha ka sokowna aan isu jaal aheyn (classmate) waxa kale oo aan ku wada jirney ardeydii dugsiga u qaabilsaneyd soo diyaarinta bandhig faneedyada gaar ahaan marka dugsiga la xidhayo iyo marka ay jiraan xafladaha gaarka ah, abwaanka intii aan dugsiga sare wada dhiganeyney wuxuu noo dhiibey dhowr ruwaayadood oo uu jilistoodana nagala qeyb qaatey, ruwaayadahaas waxaan ka sii xusuustaa
 
1)Garasho iyo Aqoon baa lagu gaadhaa harumar
2)Ramadaantan wanaagsan yaa raali ku sooma?
3)Saalax Suuq dhibe sideen ka yeelnaa?
 
Ruwaayadaa la magac baxdey garasho iyo aqoon aa lagu gaadhaa harumar waxey aheyd mid uu abwaanku ugu talo galey in uu ardeyda ku dhiiri galiyo aqoonta iyo qiimaha ay leedahay dhanka kalena waxa uu ardeyda kaga waaninayey balwadaha badan ee barbaarta soo koreysa dhawaaca u gaysta noloshooda sida cabista sigaarka iyo cunista jaadka, ruwaadayaa waxaa ku jirey dhowr heesood oo ay ka mid aheyd mida odheysa
 
Quruumihii naga horeeyey
Wax qaad cuna mey laheyn
Qarnigan aynu joognana
Dhamaantii waa qalqaali
Qaad bey wada raadiyaan
Walee ardey aakhir sabanow
Quluub laawow qaldaanow
Adaa wax u qaban lahaayee
Bal mar uun is qoomameeyoo
Quruumaha horumarey ku dayoo
Dalkaaga iyo dadkaa wax u qaboo.
 
Sidoo kale ruwaayadii la magac baxdey Ramadaantan wanaagsan yaa raali ku sooma? waxaa ku jirtey qasiido dhowr beyd ka kooban taas oo markii uu maxamed ku luuqeynayey misana jilayaashu ka daba jiibanayeen ay aad uula dhaceen dhamaanba daawayaashii madasha bandhig faneedka fadhiyey habada waxaan qisiidadaa ka soo qaadaneynaa labadii beyd ee ugu horeeyey oo kala ahaa
 
Jubqaaniyey dhahaa
Ku jeclaadayey dhahaa
Jubqaani jaandi garow
Ku jeclaadayey dhahaa
 
Jini jaad yar haysta baan
Jaadkii ka amaahanee
Jaliilkii ilaahayow
Jeegagaaga noo furee
 
Jubqaaniyey dhahaa
Ku jeclaadayey dhahaa
Jubqaani Jaandi garow
Ku jeclaadayey dhahaa
 
Jimcihii horee tagey
Jidkaa aniga oo marayaa
Tu yar oo jaqalsani
Isha ii jabisayee
 
Jubqaaniyey dhahaa
Ku jeclaadayey dhahaa
Jubqaani Jaandi garow
Ku jeclaadayey dhahaa
 
Xusuus baa geel lagu xero geeyaabaa la yidhee abwaan budin waxa uu aad ugu xeel dheeraa badalaada midhaha heesaha soomaaliga kuwaasi oo uu ku maaweelin jirey mararka qaarkood ee ay ardeydu ku jiraan nusa saacaha (Breaktime) heesahaas waxaan aad uuga sii xasuustaa heestii macaaneyd ee uu ku luuqeyn jirey fanaanka codka macaan ee Xasan Aadan Samatar
 
Sida meel bariisoo
Oo buura dheedheer
Maraq baal maraayoo
Bartankana baruuryuhu
Kaga beegan yihiinoo
Faaskuna diyaar yahay
 
Yaa salaam yaa salaam halkan kuma soo wada koobi karno taariikhda iyo taxanaha murtida Abwaan Budin balse markan aan jaleecno dhinaca maaweelada qosolka, maalin maalmaha ka tirsan anaga oo wada socona abwaanka ayaa waxaan aragney nin bidaar leh oo waliba laangadheynaya (jiis) mid naga mid ah misana xusuusta maanku u maleynayo maxamuuto inuu yahay baa yidhi maxadamow bal ninkaa jiiska jaliilku siduu u abuurey ka waran? abwaanka oo ahaa shakhsi aaney dabnihiisu jawaabta hadalka la daahin baa durdadiiba jawaabey oo yidhi Timaha kala Dagey Dushiisiyo Oradka Xawda Laa i Diley, dhamaan akhyaartii aan wada soconey misana qowlkaa budin bishimihiisa ka soo baxey maqleysey ayaa qosol isla oogsadey sabab kale ha moodinee macnaha maxamed u jeedey wuxuu ahaa in ninka uu ku tilmaamey in madixiisu timo badan kala dageen uu yahay nin bidaar leh, mida kalena ay tahay in ninkan uu ku sheegey in uu ku socdo oradka xawda loo yaqaano yahay nin jiis ah oo tamar lagu ordaa ayna ku jirin mijihiisa ”Timaha Kala Dagey Dushiisiyo Oradka Xawda Laa i Diley”  Odhaahdaasi ma aheyn mid ku digasho dusha ku sidatey balse waxey aheyd mid hoosaasigeedu yahay
 
Ma ogtahay curyaan kaba
Cago looma waayinee
Ceynkaa wax loo yidhi
Kuwada Cararayee ladan
Iney ku cimro qaataan.
 
 Mar aan la kulamey qoraaga caanka ah ee lagu magacaabo Boobe Yusuf Ducale oo aan wax ka weydiiyey maansada iyo maansayahanka waxa uu igu yidhi meel aan la yareysan karin ayey kaga jireen nolosha mujtamaca soomaaliyeed ilaa maanta aynu joognana kaalinta ay bulshada ku leeyihiin waa mid muhiim ah, in kasta oo laga yaabo in aaney aheyn sidii ay baryihii hore ahaan jireen, gabeyga iyo gabyaaguba bulshadii soomaaliyeed ee raacatada aheyd waxey u ahaayeen is-gaadhsiin, waxey u ahaayeen idaacad iyo wargeys gabayga iyo gabayaagu iyaga ayaa nabada iyo colaadda wax ka tari jirey, wada-noolaansha iyo kala fogaanshaha ayey sargoyn jireen mid wax isu dira iyo mid nabadeeyaba wey lahaayeen intaa ka sokow gabayaa keliya ayaa mararka qaarkood labada doorba ciyaari jirey oo marna colaad hurin jirey marna nabadda u adeegi jirey.
 
Gabayaaga caanka ah ee Salaan Carabey isaga oo ka hadlaya ereyga iyo gabeyga saameynta ay ku leeyihiin nolosha wuxuu yidhi
 
”Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara’e”
 
Sidaas ayaa loo dareensanaa awoodda gabeyga iyo gabayaagaba oo waxaa loo aqoonsanaa hub laxaadkiisa aan la qiyaasi karin sidaas darteed waxaan bulshada ku boorin lahaa in abwaanka
da’da yar ee soo koraya lagu ixtiraamo karaamada iyo hibada suugaaneed ee ilaahey siiyey, waa in la dhowrto la dhaqaaleeyo lana ogaadaa in uu dadka kale wax dheer yahay, waa in uu helaa gacan qabad buuxa si uu niyad balaadhan ugu helo curinta hal abuurnimadiisa, waa in laga caawiyaa sidii uu u ururin lahaa suuganta badan ee uu alifo si aan murtidiisu u noqon hal bacaad lagu lisey balse ay u noqoto keyd iyo dhaxal gal dheeftiisa ay  ku dhargaan jiilka dambee soo kacaya waayo gabayga soomaaliyeed waxaa lagu tilmaamaa faallo ka hadasha dhacdooyinkii ugu dambeeyey, qalab loo adeegsado doodaha siyaasada iyo kuwa bulshada, keydiyaha maalmaha taariikheysan iyo qaab lagu cabiro kalgacal iyo caaddifadba.
 
Dhawaan ayey aheyd markii uu Abwaan Maxamed Cismaan Budin si balaadhan u soo bandhigey daah-furka maansooyinkiisa iyo habkii uu ku bilaabey hal abuurnimadiisa, madashu waa madashii macnaha weyn ku fadhidey ee MASKAX MAAL iyo magaalada BORAMA, Abwaan Budin waxa uu habeenkaas soo bandhigey daah-furka murtidiisa oo ay si weyn oo xiiso boholyow ku ladhan yahay u dhageysanayeen bahweyn isu dhafan, waxa uu abwaanku sharaxaad buuxda ka bixiyey suugaanta soomaalida waxaana uu xusey in ay waayihii hore ay suugaantu ku saleysneyd deegaanka soomaalida balse tan casriga ah ee isagu la hana qaadey ay salka ku hayso deegaanka, waayaha maanta, wadciga nolosha iyo dunida casriga ee is-badalkeedu badan yahay, Abwaan Budin waxa uu ka dhawaajiyey habeenkaas in ay suugaantu ku timaado saddex arimood midkood kuwaas oo kala Hibo Eebe, Hido Raac iyo Hama waxa kale oo abwaanku xusey in suugaantiisu tahay mid Hido Raac ah, shan gabey oo ka mid ah gabayadiisa carsiga ayuu ku casuumey marti sharaftii madasha fadhidey waxaana la soo wariyey in ay aad ula dhaceen marti sharaftu midhihii ku jirey gabey uu ugu magac darey DIRSOOC.
 
Akhristaha tixgalinta mudanow su,aasha markan taagan waxey tahay Abwaan Maxamed Cismaan Budin imisa meelood ayaa ka shabahaa Abwaan Xasan Sh.Muumin?
 
Inkasta oo uu Abwaan Xasan Sh.Muumin ahaa abwaan weyn oo miisaan cusul ku lahaa suugaanta soomaalida dhigiisa oo kale sida soomaali looga helaana ay tahay mid dhif ah hadana saansaanta ka muuqata Abwaanka da’da yar ee Budin waxaan odhan karnaa waxa uu Abwaan Xasan Sh.Muumin ka shabahaa dhowr qeybood oo kala ah
 
1)Abwaanimo
2)Aftahanimo
3)Alifida heesaha
4)Sameynta ruwaayadaha
5)Curinta Gabayada
6)Jilista ruwaayadaha
7)Luuqda heesaha
8)Murtida iyo maaweelada
 
Ugu dambeyntii waxaan saaxiibkey Abwaan Maxamed Cismaan Budin oo ah shakhsi aan in badan soo wada caweyney u hibeynayaa maansadan gaaban oo isugu jirta dhiiri galin iyo ku dhaadasho taas oo aan curiyey ka dib markii uu igu soo duuley warka tibaaxayey in uu ku guuleystey tantankii gabayada ee gobolada JSL, maansadan waxaa magaceeda la yidhaadaa HAYBADLEEY.
 
 
Hal abuur murti yaqaan ah baa tahay
Hab dhaqan wanaagsan leh baa tahay
Horu socod fiican la siiyey baa tahay
Hadal qurux san lagu sooryeey baa tahay
Hibasho kalgacal huwan leh baa tahay
Hurinaaya nabad hor leh baa tahay
Hiigsanaaya nolol qiimo leh baa tahay
Hamad farxad iyo qosol la sudhey baa tahay
Hagaajiye dhalinta soomaaliyeed baa tahay
Hooskiisa lagu soo hirtoo loo hiloobo baa tahay
Hadal dulqaad lagu sooryeeyey baa tahay
Hormuud hadafkiisu cad yahay baa tahay
Hindisaha barnaamijyada loo hibeeyey baa tahay
Hobol maamuus mudan oo shafar loo dhiibey baa tahay
Halyey hooyo macaan dhaadhiyey baa tahay
Hanad cismaan budin dhaley oo lagu dhaarto baa tahay
Hoobaan garaadkiisu bisil yahay baa tahay
Hadhuub aan laga xiiso go,in baa tahay
Hanuuniye umada soomaaliyeed u kacey baa tahay
Habaar iyo caajis lada wada xijaabey baa tahay
Haybad iyo hadyad duco lagu galbinayo baa tahay
Hir aqoon maaweelo laga buuxiyey baa tahay
Hagaha maatidiyo hilin toosan mariyaa tahay
Hadh cad gudayoo codkiisu gudheyn baa tahay
Hanfigiyo kuleylaha hoy laga hoos galo baa tahay
Hubsiimo la siiyey oo halmaam laga reebey baa tahay
Hayaan geedigiisa lagu wada kalsoon yahay baa tahay
Haad samada duulayoo samaha daadihinaya baa tahay
Haatuf af-soomaali loo soo diroo erey ururinaya baa tahay
Hidihii dhaqankeeniyo dhulka hooyo aamin-san baa tahay
 
Qalinkii Abdirasaaq Hammaal
E-mail:rasiiqi07@hotmail.com

 


Comments

  1. aniga oo ah adan maxamad cali (gariile) waxan u diraya hanbaliyo abwan ka u so kacaya G.awdla abwan:maxmad cisman budin wax anan leehaya noqo kii anfaca dakiisa iyo dalkiisaba wanaan ku faraxnaya sida fiican ee ad gobolka ugu so hoysaya guusha halka ka sii wad ayan ku leenahaya oo walaalha kale ee ree awdalna u sii faidee wayo la gu ma warayo aduunkan ee wax is ka sii reeb inta ku gu jirta fikir oo walaalaha u fa idee waxanan ku gu hanbaliyanaya guul gadh inta ad nooshay

    dalka noo barwaqa ah
    kii guusha u so
    hooyay gobolkee
    somaliland oo dhan
    uguhoreeyaw si wad
    guushada budin
    aniga oo ah nin ree awdal ah wax an jeclanlaha in an joog manta agtada wayo wax an dareemaya guusha ad u so hoysaya G.awdla ee an ka so jeedo anoo jooga hada dalka yaman san,a waxanan ku leenaha hanbaliyo dhamanatrayaba wax jooga ree awdal oo dhanaba wax an ku so dirayna hanbaliyo

    waxaan ahaay aadan maxamad cali (gariile) hadii ad garanladaha nanaystayda wax an walaalo naha khadar(jiir)

    aadan(gariile - June 30, 2009 8:22 am

  2. scw/
    marka hore waxaan salaamaya shaqaalaha saylacnews.iyo shabaakada soo guudbisay
    marka labaad waxaan salaamaya abwaanka hada uu soo baxay gobalak awdal,abwaan MAXAMED CISMAAN BUDIN
    waxaan leyahay wiil dag yar ayaatahay ee sidaas ku wad howsha allaaha hagugu garabkaalo walaal
    loma fadhiiyo xaan iyo dabakahadal ee sidaa budin ku dhaqaaqa magacii aabwaan xasan sh.muumin weligi haa socdo
    allaah mahad leh
    xamaraawi
    sweden

    cabdicasiis /xamaraawi - June 30, 2009 2:31 pm

  3. aaad iyo aad yaan usalamaya bahwaynta reer saylac sia fican e ay u dadalayaan waxa kale oo an u mahad celinaya sida fiican ee cabdi risaq xamal uqadaa dhigay abwan budin runtii wa abwan sokoraayaa isago wali kuso jira marxaladahaa kala gadisan ee suganta waxan leehay saxib budinoow ku wad sidaa inshaa alahu tacalaa waxaad noqon dontaa dayax la tiigsado oo lagu daydo
    run ahaanti anigu waxan ka midahay raga ay soo wada mareen so bandhigii riwayadaha markan dugsiga wada dhiganaynay waxanan marnaba ilaawayn codkiisa iyo hal abuurikisi qiimaha badnaa
    saxib mesha aad maanta joogto meel ka saraysa yaan bari toole kaasugaynaa inshaa alaahu tacalaa
    wanad salamantihinn saxibayaal dhamantiin meel kastod jogtaaan

    omar salax cabdilahi - June 30, 2009 10:00 pm

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies