Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen Jaaliyada Awdal iyo Salal ee degan Magaalada Seattle ee Cariga Maraykanka oo $11,800 loogu ururiyey macadka Islamiga ee Saylac oo ka furan Borama

05/25/2009 5:28:00 AM

se41saySeattle(Saylac.com)- Jaaliyada reer AWdal ee ku dhaqan magaalada Seattle ee Cariga maraykanka ayaa maanta yeeshay kulan balaadhan oo ay kaga wada tashadeen sidii dardar loo galin lahaa waxqabadka iyo mashaariicda horumarineed ee gobolada Awdal iyo Salal. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan xubnaha qoysaska degan magaalada Seattle oo ay weheliyaan  nuucyada bulshadu ka kooban tahay sida Dhalaanka, Haweenka, Oday dhaqameedyo, Aqoonyahano, Culimaa udiin iyo waxgarad kale oo farabadan ayaa waxa laga soo jeediyey hadalo muujinaya ahmiyada ay isku tiirsanaanta iyo waxwada qabsigu ku leeyihiin bulshdada dhexdeeda.
Aqoonyahanada Jaaliyada oo iyagu kulankan ka soo jeediyey hoga tusaalayn aad u xiiso galisey bulsho weyntii kulanka kasoo qayb gashay ayaa waxay tilmaameen in isku xidhnaanta iyo waxwada qabsiga la xoojiyo si qurba jooga reer Awdal iyo Salal ee degan Seattle uu hormood una noqon lahaa mashaariicda horumarineed ee ka socota ama laga fulin doono dhulkii hooyo.

se22Kulankan maanta ayaa waxa lagu ururiyey lacag dhan $11,800  kaw iyo toban kun iyo sideed boqol oo doolarka maraykanka ah oo lagu caawiyey Macadka Diiniga ah ee magaciisa la yidhaa Mahad Al Islami Saylaci ee dhawaan laga furay magaalada Borama. Sidoo kale waxa Jaaliyadu ay balan qaaday inay siweyn uga qayb qaadan doonaan dhawaan mashruuca garoonka oo uu hada ururka Gurmad hawlihiisa ku gudo jiro.  Maxamuud Cabdilahi (Qaame) oo ka mida aqoonyahanadii munaasibada ka hadlay oo ku hadlay magaca ururka ARDAA ayaa tibaaxay ahmiyada midnimadu leedahay isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu ku dheeraaday inuu diyaar u yahay ururka ARDAA sidii dardar ay u galin lahaayeen ka qayb qaadashada mashaariicda horumarineed ee gobolka Awdal.
Sidoo kale Maxamuud Cabdilahi Rooble oo isaguna ku hadlayey magaca ururka Gurmad ee hawsha ka wada garoonka Xasan sheekh Muunin ee degmada Borama ayaa isaguna bulsho weyntii reer Awal iyo Salal ee kulankan iskugu timi soo hordhigay hawsha uu ururka Gurmad ku gudo jiro ee dhinaca garoonka. Maxamuud Cabdilahi Rooble ayaa waxa uu sheegay inay dhawaan ururka Gurmad hawlgalkooda ay bilaabeen wajigii ugu horeeyey ee hawshooda oo ahaa qashin qaadka garoonka ay soo gabagabeeyeen.

se1Marwo Sacaada Cansharaar oo iyagu usbuucan ka timi magaalada Borama ayaa iyana soo bandhigtey waxyaabihii ay kusoo aragtey Borama oo ay ugu horeyso mashruuca qashin qaadka garoonka, Cusbitaalka Borama, Xaalada Jeelka Borama iyo arimo kale oo aan iyadoo fidiyo ah daawadayaasha usoo bandhigi doono.
Maxamed Huseen Sayre oo ka mida aqoonyahanada reer Awdal ee kulankan ka hadashay ayaa isaguna tibaaxay ahmiyada wadashaqaynta iyo midnimadu leedahay waxana uu sheegay in Jaaliyada Seattle ay soo mareen marxalado kala duwan ayna yihiin kuw marwalba diyaar u ah door laxaadlehna ka qaata hawlaha horumarinta gobolka Awdal. Maxamed Huseen Sayre ayaa sheegay in dhawaan kulankan ururka ARDAA uu yeelan doono ahmiyada kowaadi ay noqon doonto sidii loo dardar galin lahaa la iskuna dubo ridi lahaa meela la iskugu keeni lahaa hawlaha qabyada ah ee gobolka Awdal sida Garoonka, Dariiqa iyo hawlaha kale oo loo eegi doono hadba sida ay u kala ahmiyad badan yihiin la iskana kaashan doono sidii loo dhamaystiri lahaa hawlkasta.
Macadka Islaamiga ah ee saylac ayaa maanta noqday mashruuca ugu baahi badan ee mudan in gargaar degdega lala gaadho madaama la sheegay in macadka ay soo food saartey dakhli yari dhinaca maaliyada ah oo sababtey in dhismaha kirada macadku ka furan yahay la iska rabo mudo gaaban gudaheed. Sidoo kale waxa la sheegay in si dhibaatada kirada macadka looga baxo maamulka macadka Saylac uu ku talo jiro in dhul loo iibiyo laga dhisi doono dhisme Macadka Islaamiga Saylac ee degamada Borama uu yeesho mustaqbalka dhaw.
Gabagabadii kulanka ayaa waxa saylac.com  isku dubo riday inay kaydiso magacaanta dhamaan Jaaliyada Awdal ee degan Seattle si mustaqabla ay u dhib yaraato isu imaad lagaga tashado hawlaha taagan .

Qaar ka mida kasoo qaybgalayaashii kulanka :

1) Maxamuud Cabdilahi Rooble
2) Mawliid Magare
3) Maxamed Xuseen Sayre
4) Maxamuud Cabdilahi (Qaame)
5) Yusuf Cabdi (Cabdilugweyne)
6) Abdi Barkhadle
7) Muse Dugsiiye
8 Asad H. Micaad
9)Wacays Qaasim
10) Maxamed Axmed Maxamuud
11) Khalid Maxamed
12) Axmed A. Imaan
13) Abdi Gireh
14) Xalimo Khalif
15) Xasna Qasim
16) Casha Muuse
17) Maxamed Qasim Nuur
18) Sacaada Hadi
19)  Wacays Barkhad
20) Cibaado Cali Xasan
21) Deeqa Cisman
22) Saciid Axmed Maxamuud
23) Basra Yusuf Cilmi
24) Maxamuud Barkhad Cabdilahi
25) Abdirisak Roble

>>halkan ka dhegayso barnaamij ay bishii sagaalaad ee sanadkii inaga tagay saylac.com ka diyaariysey mahadka Islaamiga ah ee Saylac.

Iyo xubno kale oo aad u tiro badan iskuguna jira bulshada nuucyadeeda kala duwan. Kulankan ayaa waxa uu ku dhamaaday farxad iyo raynrayn, isku duubni iyo wada tashi kawsaday islaa markaana lagu balamay in kulamo nuucan ah ay si joogta ah loo qaban doono mustaqbalka dhaw si loo dardar galiyo mashaariicda horumarineed ee gobolada Awdal iyo Salal.
Maxamuud Cabdilahi Rooble
Saylac.com
Seattle USA
Email : saylacnews@yahoo.com       >>halkan ka dhegayso barnaamij ay bishii sagaalaad ee sanadkii inaga tagay saylac.com ka diyaariysey mahadka Islaamiga ah ee Saylac.


Comments

  1. asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh.
    waxaan aad iyo aad ugu farxay dareen kaygiina
    wax wayn ka bedeshay, sida qiimaha badan ee
    jaaliyada seattle, ugu damqadeen machadkan islaamiga ah waxaanan leehay Ilaahay ha idiinbarakeeyo maalkiina
    hana idinka dhigo kuwii wanaagaa dadku kaga daydaan
    ALLAA MAHAD LEH WS WR WB

    calijawhar cismaan - May 25, 2009 5:49 pm

  2. kkkk daawo dee walaashay cadeey xasno qaasin x dahir oo halkaas ku jirta iyo suldaan qaasin xaaji daahir waxaan ini leeyahay iyo dhamaan dadka halkaas ku jiraw waad ku mahadsantihiin sida wacan ee dalkiina hooyo aad uga fikiraysiin yaa yaa ilaaha wayna wuu iniga jasaai siin walaashayna dee waxan leeyahay nacayaashaw ka naxa markaad magaceeda maqashiin kkkkkk yaa yaa dee madarasada inta ka dhimana waa loo dhamayn inshalaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah sidaan jeclahay amaba aaminsanahay……..

    sacad yare sirtii muusiga una hadlaya kooxda ree talyaani ee xaafadaha tuurta - May 26, 2009 6:05 am

  3. Allaahe ayaa mahad leh waxaan dhamaan salaan diiran u dirayaa dadka ku howlan sidii ad dalkooga hooyo ay horumar u gaadhsiin lahaayeen waxaanan illahay uga baryayaa jahliyada reer awdal ee ku nool wadanka USA Seattle waxaan illhay uga rajaynayaan i ay hoshan wayn ee ay ku jiraan ay u hirgasho guuuul ayaan inii rajaynayaa WSC WRM WRB

    Mawlid Dacawo - May 26, 2009 8:33 am

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies