Filim Documentary ah oo ay saylac.com ka samaysay Gudaha Jeelasha Borama iyo dhibta ka taagan saacadaha inagu soo dhaw ka daawo Saylac.com.
Filim Documentary ah oo ay saylac.com ka samaysay Gudaha Jeelasha Borama iyo dhibta ka taagan saacadaha inagu soo dhaw ka daawo Saylac.com.
Seattle(Saylac.com)- Filimkan ayaa waxa uu ka turjumayaa dhibaatada aan indhaha la iska qaban karin ee ka taagan jeelasha Borama oo ay boqolaal dhalinyaro ah oo aan maxakamad la saarini ay is dul dhooban yihiin isla markaana qol balaciisu dhan yahay sadex mitir oo dhinac walba ah ay ku jiraan dhalinyaro lagu qiyaasay 15 dhalinyaro oo aan midna haysan furaash iyo wax uu iskaga dhigo sibidhka uu ku tiirsan yahay.
Filimkan ayaa waxa aad ka daawan doontaan waraysiyo ay saylac.com la samaysey maxaabiista kala duwan ee ku sugan jeelka Borama oo ka waramaya sababta lagu soo xidhay iyo mudada la xukumay inay jeelka dhamaystaan. Waxa kale oo aad ka daawan doontaa waraysiyo kooban oo uu Taliyaha Jeelka Borama uu siinaayo saylac.com isagoo ka cabanaya dayactirla ‘aanta jeelka oo gabi ahaanba dumay iyo musqulaha jeelka oo buuxsamay ka dibna ay darbiyada jeelka ee danbe intey ka dalooliyeen musqulihii jeelka kusoo noqon lahaa ay ku sii dayeen dhinaca magaalada Borama isagoo waraysiga ku sheegaaya inay sidaa garteen ka dib markii ay wax jawaaba ama maalgalin ah ka waayeen dhinaca xukumada.
Guud ahaan Jeelka Borama ayaa maxaabiista ku jirtaayi ay cuduro halis ah qadeen kuwa kalena looga cabsi qabaa inay cuduradaa is qabadsiiyaan cuduradaas oo ay ugu horeeyaan cudurka TB da oo ku badan maxaabiista is dul saaran jeelasha Borama. Maxaabiista jeelasha Borama is dul rasaysani haba yaraatee ma helaan wax daryeel ah oo dhinaca caafimaadka ah mana helaan qareeno sharciga yaqan oo uu dooda dacwadoodana maxakamad horgeeya, tani ayaa sababtay in badankoodu ay jeelka ku jiraan muda aan la cayimin iyagoo bilaa xukun maxakamadeed ah.
Dhinaca cunada Jeelka ayaa iyaduna ah mid aad u liidata oo aan wax nafaqo ah haba yaraatee ayna la socon. sida uu sheegay taliyaha Jeelka Borama oo u waramayey saylac.com “Bariis cad iyo Boorash ayaanu sadexda wakhti ku celcelinaa cidii cunaysa way cuntaa cidii kalena ehaladooda ayaa cuno u keenta ” ayuu taliyaha Jeelka Borama u sheegay saylac.com.
Dhismaha Jeelka ayaa isagu gabi ahaanba duugoobay darbiyada jeelkuna dhinac walba way ka dilaaceen, sidoo kale cayayaan kala duwan iyo Jiirka ayaa dhinacwalba u yaacaya habeenkiina halis weyn ku haya Maxaabiista ku jirta Jeelka Borama oo la aan wax dayactir ah lagu samayn taniyo mudadii uu gumaysigii Ingiriisku dhisay.
Saylac.com ka daawo filimkan documentary ah ee ay ka samaysay Jeelka Borama.
Saylac.com
Seattle USA
Waxaan salaamayaa akhristayaasha , shabakan ina tosaaleynaysa sida dibtu u jirto aad bayna ugu mahads-
anyahiin iyaga oo waliba inooga dhigey bilaa lacag aan
kuna fiirsano kuna daaawano, aaraadeenana uga dhiibano
waxaase intaas oo dhan iska dhega tira dad isu sheega-
ya in ay yahiin muwaadiniin reer awdal ah oo aan ka faaiideysanayn, hadalo qabiil oo foolxunna ka jeediya
misena waxaanay garaneyn asluubta qoraalka, iyo waxaan
u qorayo, sida kuwa la soo booda had iyo jeer reer-he-
bel. arintan hadda aad noo soo bandhigteen waxay ka
mid tahay dumista dhamaan dalku dunsanyahay, waxaanna
ka wadda masuul ah dhamaan reer awdal iyo salal, wax
garadkooda, dhalintooda, odey dhaqameedkooda, guud ah-
aan bulshada ku dhan oo haddii aanay isdabaqaban
aad moodo in ay dabar goayaan, waayo waxaynu ahayn
inagu dawlad ku nool, iyadiina ninman aan u baahneyn
wax la yiraahdo dawlad, iskuna filan marka loo eego
inaga ahaan, inagana dhaqaale roob, sidanna ugu badisey baan daba soconna,
maanta waxaad arkaysaa oo kale biyo laanta boon, oo
ahayd mid waligeedba soo jirtay, quljeedba la mid ah
boorame oo iyada la isugu geeyey xoogii reer oo dhanbaad u jeedda biyo laanta siiba xigan oo dadkeenii
reer djibouti ku soo xagaa baxi doonaan.
dhibaatooyinka jira waxaa laga bixi karaa kaliya.
1.In bulshadu isla aragto dhibtan sii kordheysa.
2.In debed iyo gudaba la garabsado loona jeheeyo
dadkan qabuuraha ku jira…
3.In la bedelo siyaasadan la isku hayo ee reer hebel
Iyo reer hebel loona jeesto danta guud waxay ku fuli
4.Dadkani yar ee mar wal oo la soo qaado (agenda)
hoos keenaya qabiilka la iska qabto.
5. In la sameeyo shir beel degdeg ah kuna saabsan
danta gobolka , la sikana daayo duuxulka…
6. qurba joogta reer awdal in loo jeediyo baaq ku wa-
jahan duruufaha qalafsan ee aan ku jiro, xilna la
saaro sidii ay uga soo bixi la haayeen waajibaadka
bani aadanimo ee saaran……
Waxaan kale oo ku boorin laha talo ahaan , website
kale ee reer awdal in ay sameeyaan wacyi kalin beelaha
ku wajahan, sidii ay u kicin lahaayeen ugu soo jeedin
lahaayeen dardar-siin …… INLAAH MACA SAABIRIIN
UUFUU BICAHDI KUM IDAA CAAHADTUM… ALLAAHU MA WAFIQ KUM , ASLIH AMUURINA……
DR. BARKHADLE. WARAABBE-CADDE - May 27, 2009 6:18 am
walahi warun sidu shegay taliyaha jelku wayo ma waxad
aragtay nin gobolku kasojeday lo baryayo nacala kuyal
daahir riyale iyo wixi la socdaba ilahayna waxan ka baryaya in xilka uu kadago dahir dufle
mahamed xaji ismail - May 27, 2009 12:58 pm
Wiil Soomaaliyeed oo Isku Daldalay Jaziiradda Malta Kadib Markii..(Daawo Sawirada)
Arin ka dhacday fiidnimadii Habeen Hore abaarihii 8:45 daqiiqo marka ay sacadda ku beegneed ayaa waxaa ka dhacday dhacdo layaab leh sida aan lakulannay sawaxan iyo qaylo farabadan .
Dhacdooyinka kadhaca wadamada qurbaha maaha kuwa ku cusub dadka dhagahooda, sidaa daraadeed waxaa isku daldalay wiil soomaaliyeed oo da,diisa lagu qiyaasay 26 ilaa 27 jir wiilkaa s ilaa iyo hadda lama oga waxa ka danbeeyay inuu isdilo ama uuku sameeyo nafsadiisa sida darteed , wiilkaas marka uu samaynayay falkaas waxaa la ii sheegay in aysan cid lajoogin Wiilkaan ayaa waxaa la iigu sheegay magaciisa c/caziiz qurac , ina qurac waxaa uu soo galay jaziiradda malta bartamihii sanadkii tagay iasgoo kamid ahaa raga dhalinyarada ha ee ku soo galay tahriibka , waxaa intaa ayku dareen dad qaraaba la ah ina qurac , waxa uu ku xareesnaay xero mudo ku dhaw 6 bilood ka dib marki uu soo qaatay ama loo soo saaray dibada , waxa ku adkaatay inuu ku noolaado nolosha ciriiriga ah ee ka jirta malta .
Waxaa sidoo kale la ii sheegay inuu isku dayay inuu usafro wadama kale oo ka tirsan wadamada midowga yurub isagoo baadi goobaaya inuu helo nolol dhaanta mida uu hadda ku noolyahay Ina qurac inuu isdilo waxaa ku dhaliyay, kagadaal markii lagusoo celiyay jaziiradda yar ee malta lagana jaray lacagihii yaraa ee uu qaadan jiray inta uuna bixin ama uusan kabixin gudaha jaziiraddan, ka dibna uu waayay meel uuka shaqaysto,in mudo ah ina qurac wuxuu sugnaa walaac iyo walbahaar taasoo ku dhalisay inuu is dilo. Wiilkan soomaaliga ah dilkiisa wuxuu u adeegasaday xarig wuxuuna isaga xiray luqunta Xiliga u dhacayay is daldalka wiilkaasi soomaaliga ah waxaay ku beegneed 25/05/09 abaarihii 8:45 daqiiqo waxa laysla dhexmarayo ama aadka ugu wayn waa inuu u qaadan waayay una adkaysan waayay nolosha uu ku noolyahay ee aadka u adag
Isku soo wad duuboo waa markii ugu hareeysay ay kadhacdo dhacdo noocaan oo kale ah waxaana lag yaabaa dad kale inay isku daldalaan maadaama la yiri isaga baxa xerooyinka wax xuquuq ahna naguma lihidiin iyadoo midawga yurub ay in dhaha kalaabanayaan waxyaabaha ka jira gudaha jaziirada malta
FADALAN WALAAL DHALINTA REER AWDAL HA AKHRISTAANE UGU SOO DARA WARKA WAAD MAHADSAN TIHIIN XIGASHO DAYNIILE.COM
SAHAL - May 27, 2009 3:25 pm
saylac.com wadaniydabaad sheekaynaysaan waxaa la raadinayaa awdalnimadii oo ceel kujirta idinkana waxaad soo ban dhigaysaan dhib iyo dhuldumay miyaaydaan maqal gabaygii suldaan timacade eelahaa ANIINBAYSKA DAALEE DHUGUHU UMADALOOLAANE DUULKAAN LAHADLAYAAN LAHAYN DUX IYO IIMAANE WIXII SOO DAA SHADAY DAGALSANAYSAAYE saylac saryy waan ka xumahay no awdal maanta bari mooyi
carab - May 29, 2009 10:03 pm