Dhegayso:Musharaxa Madaxwyne K/xigeenka UCID oo si weyn loogu soo dhaweeyay Borama.

05/23/2009 5:38:00 PM

Murashaxa madaxweyne ku xigeen ee ucid Pro. Maxamed Rashiid Sh XasanBorama(Saylac.com)-Magaalada Borama ee caasimada gobalka Awdal waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne K/xigeenka Xisbiga Cadaalada & Daryeelka ee UCID Mudane Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo wehliyo Afhayeenka Afhayeenka Xisbiga Xasan Xuseen Cod-Yare.

Boqolaal dadweyne ah oo taageera xisbiga UCID ayaa iskugu soo baxay hareeraya waddooyinka waa weyn ee mara magaalada Borama gaar ahaan wadada aada xarunta Xisbiga UCID ee magaalada Borama, kuwaasoo watay caleemo qoyan kuna dhawaaqayee erayo kala duwan oo Xisbiga UCID ku taageerayaan.

rash3Madaxda Xisbiga UCID ee gobalka Awdal ayaa si diiran wafdigaan ugu soo dhaweeyeen caasimada gobalka Awdal ee Borama, kuwaasoo maalmihii ugu dambeeyay waday qaban-qaabada xaflad aad u sareysa oo lagu soo dhaweynaaayo mas’uuliyiinta Xisbiga UCID ka tirsan ee saaka timid Borama.

Xaflad lagu qabtay xarunta Xisbiga ee magaalada Borama ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dadweyne ah kuwaasoo aad u jecleysanayay dhageysiga khudbadaha kala duwan ee madaxda Xisbiga ka jeedinayeen maanta xafladaasi.

Sida caadada u eh bulshada Islaamka waxaa xaflada lagu furay aayado Qur’aan Kariimka ah, kadibna waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee gobalka Awdal Abuubakar Sheekh Xasan Sheekh Xuseen waxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshiyaha madaxda UCID ee magaalada Borama.

Abuubakar waxuu u mahadceliyay taageerada Xisbiga UCID ee kasoo qeyb galay xafladaasi, waxuuna sheegay in xisbigooda mar walba ku dadaayo daryeelka iyo sidii cadaalad dalka ku xumi lahaayeen hadii ay ku guuleystaan madaxtinimada dalka.

“Dimuquraadiyad ayaan qaadanay waxaan dooneynaa inaan Cadaalad sameyno, waayo qofka bani aadam waxaa deeqa waa Cadaalada iyo Ciida” ayuu yiri Abuubakar Sheekh Xasan.

Abuubakar waxuu sheegay in dadweynaha cidii ay doonaan dooran doonaan isla markaana codkooda xor u yihiin, waxuuna ugu baaqay doorkaan inay codka siiyan si Cadaalad ay dalka ugu xukumaan.
Kadib, waxaa Microphone lagu wareejiyay Madaxa Xisbiga UCID ee dhalinyarada degmada Borama Md, Cabdiqaadir Maxamed Xasan, waxuuna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaantinka Borama ee madaxda xisbiga.

rash71Cabdiqaadir waxuu sheegay in Xisbigooda ku dadaalayo inuu Siyaasada ka qeyb galiyo dhalinyarada maadaama ay yihiin xubin muhiim ah.

Waxaa ka hadashay halkaasi Abwaanada Xisbiga UCID ee gobalka Awdal waxeyna sheegtay inay aad usoo dhaweyneyso Musharaxa Madaxweyne K/xigeenka oo u dhashay gobalka Awdal, waxeyna sheegtay isagoo Aqoon leh Shaqo aad u wanaagsan heysay kadib markii uu arkay Dhalinyarada reer Awdal ee bada isku biimeyneysa inuu go’aansaday inuu xilkaasi isku soo taago si wax weyn ugu qabto dhalinyarada tahriibeysa.

Abwaanada waxeys sidoo kale ammaan u jeedisay Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Xuseen “Waraabe” oo ay sheegtay inuu aad u jecel yahay dalkiisa aadna ugu dadaalayo sidii danyarta wax ugu qaban lahaa.

Guddoomiyaha UCID ee gobolada Awdal iyo Salal Axmed Muunim Seed oo ka hadlay xafladaasi maanta ayaa sheegay in xisbigooda uu kaalinta koowaad ka galay Siyaasada Somaliland, isla markaana khilaaf kasta oo yimaada xisbigooda yahay kan dhex-dhexaadiya kuna dadaala sidii khilaafkaasi loo soo afjari lahaa.

Mudane Axmed Muumin waxuu tibaaxay in Somaliland gaar ahaan Awdal u baahan tahay is badal weyn, waxuuna sheegay inaysan jirin goob dowladeed oo shaqeyneysa gudaha Awdal marka laga reebo xarumaha saldhigyada Booliska oo kaliya.

“Nin kasta 5 sanno ayuu kursiga fadhiyaa waxuu isku qaatay inuu kursiga leeyahay, waxaana meesha ka baxay adeegii shacabka, anaga ku dadaaleyna sidii shacabka loogu adeegii lahaa, hadaa aroortii tagtid xarunta duqa Borama ama Guddoomiyaha Gobalka Awdal ma furna lamana shaqeynaayo” ayuu yiri Axmed Muumin Seed.

Afhayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen Cod-Yare oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooda yahay qiimeyn xisbigooda mar walba ka sameeyo gobolada dalka Somalia, isla markaana mar walba jecel yihiin sidii ay ula socon lahaayeen xaaladaha gobalka Awdal isla markaana doonayaan inay xog—ogaal u noqdaan arrimaha ka jira gobalkaan.

Afhayeenka waxuu sheegay inay dar-dar galin doonaan howlaha xisbiga ee gobalka Awdal isla markaana ay wadaan dib u habeyn ay ku sameynayaan maamulka xisbiga heer gobol iyo heer degmo.

Musharaxa Madaxweyne K/xigeenka Xisbiga Cadaalada & Daryeelka ee UCID Mudane Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan waxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshiyaha Borama, waxuuna sheegay in Borama ay taariikh ku leedahay dowladnimada Somaliland.

“Gobalkaaan Awdal waa gobalkii uu kasoo aasaaasmay dowlada iminka ka jira Somaliland iyo amniga aan heysano” ayuu yiri Maxamed Rashiid.

Ugu dambeyntii, waxaa Shahaado sharaf la guddoonsiiyay Maxamuud Cabdi Xuseen “Guud-Cadde” iyo Axmed Muumin Seed oo howl-karnimadooda lagu siiyay shahaadoyinkaasi qiimaha leh.

Dahir Axmed Jirde
Saylac.com Borama – Somaliland


Comments

  1. waad salaamantihiin siiba saylac.com aad baad u mahadsantiin waxaan halkan ra,yigayga ka orananayaa in uu dr m.rashiid uu cidna matalayn anaga nama matalayo, hadaan nahay habarcafaan, waa nin kaligii ,
    soda inkasyoo aniga laftaydu aan isaga is xigno laakiin waa nin dadka aan la, tashan oo kaligii socod ah uuna u hadli karin magaca habar cafaan.
    mida kale waxaan odhan lahaa mr seed wuxuu yiri waxaan ahaan jiray 5shano gudoomiyaha ururka udub, iminkana uu ku jiro ucid, waxna ka sheegayo rayaale ,
    uuna leeyahay dawladu waxba uma qaban dadka markii hore muxuu u oran waayey, markii uu ku jiray xisbiga udub.
    qofkaste waxaa haboon in lagu tixgaliyo xisbiga uu raacsan yahay laakiin been in uu ka sheego maaha .
    qalada uu ka soo jeedo waa inuu yiraahdaa anigu kaligaybaan ahay, anigu shaqsi ahaantay waxaan ahay udub inkastoo aan wax ku qabin hadana marka riyaale lagu eryado qabyaalad qasab ayey igu tahay inaan raaco.laakiin hadaan nahay habarcafaan nama matelo dr m.rashiid.
    salaamu calaykum.
    by fu,aad londaon on. canada.

    fu,aad baroko - May 23, 2009 7:42 pm

  2. scw marka hore halkaanwaxaan ka salaamay bahda saylacnews,harta marka hore waay mahad san yahiin dadka ku soo qoray hadaaladda qabiileysiga ee abar cafaan hadayn nahay habar cafaan ma matalno waxaan walaalyaal war ma ahaa ee wax dhaama keena websiteka sida nurta xoogma ahaa ra igeyga ee qofku waa xoor la kiin waxaan ka dalayaa sidaa uu uyidhi fu,aad barako in uu ka dhiigo hab khabiil ma aha asxaabta walaal hadaan nahay habar cafaanta bahad ugu furfucoon ee uu hadasha garab ahaan hadalka ka soo yedhay fu,aad barako rali kamanihin ee dariiqa siyasadda ha soo maro dadkii hadal ka khabo wuu uu furan yahay

    cabdicasiis xuseen
    xamaraawi
    sweden

    cabdicasiis /xamaraawi - May 24, 2009 9:54 am

  3. Waaad salaamantahiin dhamaantiin,
    ma doonewyn in aan la hadlo, wiilkan khamrigu kormay
    AY SARAR SITOO WAXAA I HORMAYAY AYAAHII BI, INEE
    ORGIYAHAW ADUU AMAANUUN UMALBA EEDAYAA
    AJAYAHAY ADDUUN LAGA GUDBAAD ADIGU JOOGTAA
    HADDAAD UUBTAYASIYO HADAAD AAD U GUBANAYSO, MAXAMED RASHIID WAA INAA… DHUU…DHIII.
    NINKA la yiraahdo fuaad ee ka soo ciyey bay u gaar tahay hadalkaasi, maxa yeelay in uu aqoon yahan ula hadalo, sida ciyaalo suuqa awgeed baan , aniga oo aan waligey qabiilka hadlin ugu jawaabay.
    barakooy aan kuu saxo hadalka maxamed rashiid waa ina sheikh. waa muruudkii xeebjiraha ayaa dhalay,
    haddii uu ku adkaysto, in uu ku engejisto xisbiga ucud
    waad ogtahay in farta uu aad adiga iyo kuwiinii halkaa joogey aad tagi doontaan, halkuu ku tukadana aadan ka bayri doonin, DR. dad buu la dhashay ee yay
    ku hoos marin. haddiise gadabuursi aahaan talo lagu gaadho in meel laga soo wada jeesto, waa arinkale oo aanan waxba ka diideyn. laakiin docka yeer iska hadaaqaya oo aan garanay wuxuu ku hadlayo wauu yahay toiona uma joojinayo dektoorku……..

    DR. BARKHADLE. WARAABBE-CADDE - May 24, 2009 3:56 pm

  4. waxaa layaableh dadka qabiilku dhandhaamiyey. dr maxamed rashiid waa nin qabiil kaweyn oo annan qabiil matelin. xisbigiisuna wuxuu doortay inuu isku taago citizenship waxa layiraahdotasso micneheedu waxaa weeyi qofwalba oo u dhashay soomaliland inuu doorankaro isagoo kamadax banaan qabiil.

    intaas ayey dadku fahmi laayihiin. xiligii qabiileysiga iyo beleysiga waa laga tegey.oo imika labada xisbi ee kale ayuu ku hadhay oo keliya.

    ismaaciil - May 24, 2009 4:50 pm

  5. waad salaamantihiin bahda saylacnews, waa sax qofkaste inuu hadlo ra,yigiisa aniguna ra,yigaygaan hadley qofna igama xigo Dr. waa adeerkeey,laakiin adeerkeey hadii uu kale socod yahay dadna maqal, runta waa,in la sheegaa waxaan sheegaya waraabe cadekhmriga aad sheegaysid anagu hido umalihin ilmo barako waa layaqaanaa ,waxaan deganahay ethopia malaha adigaa cabaayey markaad wax sooqoraysay,ee
    hubso waxaad qorayso anagu gadabuursi kala saari may-no kuna meelgaadhimayno, ee waxaanu nahay gadabuursi-
    runtana waanu sheegi in ninkaasi na matalin xitaa hadaan hoos u dhaadhaco,anaga nama matalo reer barako,ee xeebjira ah.
    danihiisa ayuu ugu galay ucid ee uma galin arin qabiil.
    salaamu calaykum.
    barako london ontario, canada

    fu,ad barako - May 24, 2009 9:54 pm

  6. salaan horta. ta labaad Dr. Maxamed Rashiid waa ni aqoonyahan ah oo samaroon ah. waana ninka ugu aqoon badan samaroonka ku jira dawladda. markaa nin miisaan weyn ku leh somaliland weeyi. ninkani waa nin samaroon oo dhan ka raba cod, qabiil tii oon loo eegin. samaroonow waxa wanaagsan inan dooranno nin kasta oo samaroon ah oo dadka wax u qaban kara.

    samaroonow, anigu ma ihi habarcafaan, mana ihi makaahiil, mana ihi maxamad case, nin samaroon ah ayaan ahay, waxanan idinkula talinayaa Dr. maxamad Rashiid in loo doorto sidii Ikram samaroon qabiil la’aan u ugu doortay.

    ha noolaado nin waloo aqoonyahan ah oo samaroon ahi hana la doorto ninkaa walaalayaal yar iyo weyn ba.

    down qabiil

    xasan loofar - May 25, 2009 5:25 am

  7. Waxaan salaamya dhamaan akhristayaasha webkan, iyo dadka fikirkooda ka dhiibta ,dadkuna aad bay ugu kala qeybsanaan kara fikirka, nolosha, aqoonta, maskaxda.
    iyo habdhaqanka .
    Fuaadaw raali ahaw waxaan kuugu qaadqaaday, waxaan shashada ka arkay kuwii ilaa 1959kii bilawgiisii markii ugu horeysa ee nin xeebjira ahi, ku soo baxo saaxadda siyaasadda dagaalka ku qaaday ee ilaa maanta ku jira dagaalkii ay kula jireen qabiilkaas, kuwaas oo maanta badidoodu ku nool yahiin meesha aad ka soo
    dhawaaqday, wuu noqon karaa adeerkaa, ama abtigaa ama
    qareenkaa, xididkaa, gacalkaa midkuu doonaba ha ahaadee waxaan ku dhahay ma qabato wax la yiraahdo
    cey iyo canbaareyn qaawan, waxaanse kuu arkay wiil ay
    ka dhexshooqayaan kuwii adduunka rogey ee qaxootiga ku ah wadanamda reer galbeed, ee calooshii la ciyaarka ( bunaaxin ogaa ma boora), ee xinka iyo xaasidnimadu googooysay. Burburkii ay ka teegeen baan
    saxi kari la,nahay ilaa, maanta oo dagaalkii ay ku
    hayeen ina Tima jiniile iyo haybta uu ka soo jeedo baa
    socda ilaa haatan.
    Dr. Mahammed Rashiid SH. Hassan Guleed. waa kuma?
    muxuu ahaan jiray, muxuu soo qabtay, Muxuuse mudan yahay.
    Waa jirtaa in uu yahay nin diktatoor ah, waayo dawladii afweynaba kama tageen isaga oo ahaa markaas
    Gud.Gobol cusub oo dhaqaale wacanna la gelinaayey.
    wuxuu ahaa Aasaasahii ugu horeeye ee sannadkii 1990kii
    xisbigii SDA. ahaana Gudommiyihii ugu horeeyey.
    Dabadeedna ay kala daadiyeen kuwii dagaalka kula jirey haybta uu yahay, ee qaba xanuunka nooca loo yaqaan (musmir) .xisbigiina sidaas uu ku burbur-
    ey ,
    Qofka waa la qiimeeyaa muxuu tari karaa , muxuu qabankaraa, ee laguma qiimeeyo qolo uu yahay sida
    habarcafaantu ku dhaqanto.
    Waa jirtaa in uu ka soo jeestay meel aan loobaahnayn
    hadda wakhtigan la joogo, isaga qudhiiso waa u jeedaa
    ee waxay ka tahya ku day…..
    Dadka u qaadanayaa in ay baahi wadona ma ahin. ee wa-a nin isku filan dhankastaba, adduun, cilmi, aqli,
    da , af soomaali , karti, muuq, IWM.
    Dhamaan dadka fikirkooda ka dhiibanaya waxaan leehay
    ka saara aaraada cunfiga , hana ku soo qorina hadalada qayahan ee odey dhaqameed, kuwa xunuunku ku jirawna naga daayaa hada in aan bogsano ayaan ku dhawnahayee, shuushiina wuu baxayaa…..
    NABADGELYO IYO AMAANO ALLAHA…

    DR. BARKHADLE. WARAABBE-CADDE - May 25, 2009 10:05 am

  8. scw marka hora waxaan halkaan ka salaamaya saylacnews marka labaad waxaan ku baraarujinaya dhaliinyaradda halak odhah dooda ka soo jeedineysa ayaan waxaan rali galiin ka siinayaa fu.aad oo canaan yar aan markaan ku arkay websiteka namaa matalo dr,ilow hadalkaas walaal ama ina adeer waxaa ka wanagsan hadlkii uu soo jeediyey barkhad oo rali galiintaas uu ku soo diray wa inaad naga ogolaata wixii halkaas ka soo dhiban jiray odhaahda dr,anigo xamaraawi ah ayaan waxaa rali galinayaa fu.aad haduu hadalkiisa yar weycday carab iyo ilko way is khaniinaa walaal fu.aad raali galiin boxda hadaan hadalka qalday iga rali noqda dhamaan wixii halkaan ka soo dhiibtay orhda dr.ka

    by,cabdicasiis
    xamaraawi
    sweden

    cabdicasiis /xamaraawi - May 27, 2009 12:31 pm

Leave a comment
Name (required)
Mail (will not be published) (required)
Website

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Plugin by: Free Online Movies