Deeq lacageed oo ka timid jaaliyada Haweenka reer Awdal ee Degan Minisota maraykanka, waxa cudbitalka deeqdan soo gaadh siisay faadumo Jaamac Aaye “Faadumo Uur-doox”
Boorama(saylac.com) Deeq Lacag gar-gaar ah oo soo gaadhay Cusbitalka Haweenka ee Fidjulaha oo ku yaal Boorama.
Deeqdan waxa cusbitaalka soo gaadh Siiyay Jaaliyada Haweenka ee lagu Magacaabo “CAWO” oo Degan Dalka Maraykanka Gobolka Minisota.
xaflad maaulka Cusbitaalki ku Gudoomayay Deeqda ayaa lagu Qabtay isla Cudbitalka Haweenka..
waxa Ugu Horayn hadalka Furay Dr. QAWS.oo ka waramay xaalada dhakhtarka iyo Haweenka Soomaaliyeed ee meel walba jooga kuna dhaco xanuunka Fisjuluhu sida ay Ugu reeteen mahad Naq iyo amaana u diray Jaaliyadaha Dibada ee gacanta ay ka helaan iyo Hayadaha deeqaha Bixiya.
waxa sidoo kale Hadal Kooban Jeedisay haweenayda Faadumo Jaamac Aaye, oo Deedana Gudoon siisay Maamulka Cusbitalka.
Dr. Siciid Axmed Walhad ayaa sidoo kale isna xafladan kooban ka hadlay.
Dr. Ismaaciil X. Muxumed Aaye, oo ah Agaasimaha dhakhtarka weyn ee Boorama, ayaa ka hadlay.
Qaynta Labaad aan wada dhagaysano Haweenka Bukaanka ah ee Jiifa Cusbitalla Fisjulaha Boorama, oo dhamaan, ka kala yimid Meelaha ay soomaalidu Degto oo dhan Codkoodana Maqal oo dhgayso, kala soco saylac.com
waa dhakhtar Haweenka oo kaliya Ugaara wax lacagana lagama qaado Haweenka lagu daweeyo ama Lagu Qalo Cudbitalkan u Qaabilsan Xanuunada gaar ha ah ee ku Dhaca Dumarka yar -yar ee soomaaliyeed siiba marka ay Ilamaha ugu Horeeya Dhalayaan waanayana gar gaar caafimaad ka dibna Dhibtan iyo Halistan xanuunka ku waaya lafahooga iyo reer Keedaba







Masha allah ilahay kheyr ha idin siiyo dumarkaasi reer awdal ee dhamaan dadka reer somaliyeed oo dhan meel walba oo ay joogaan u dhisay hospital free ah ” lacag la’aan ah” lagugu daaweynayo ilahay ha ka siiyo faduumo urdoox iyo dumarka kale ee reer awdal.
waxana farxad ii ah maanta aniga oo ah wiil reer borama ah in hospitalka kaliya ee lacag la’aan la isku daweeyo geeska africa oo dhan uu ku yaalo magalada aan ku dhashay kuna soo koray taasina waxa ka marag ah waqtiga ilahay kheyr ha idinka siiyo mar kale
abdirahman - May 29, 2009 12:38 pm
ASC Waxaan u halbal yeenayaa ururka Cawo iyo sida balaadhan ee ee ay hiil iyo hooga aan gala oga lahayn ee ay uga qayb qaadanayaa horumerinta Gobolka waxaanan leeyahay Ilaahay ajar iyo xasanaad hadinka siiyo ficilada wanaagsan eed wadaan, hana dhagaysanina war xuma tashiilka ku xanuunsanaya horumer,waayo sabankan wanaagii wa
xa uu noqday Virus dadka khatar ku aha Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu cudurkaa fara ba an inagu haya inaga dul qaado dabayl caafimaad ayaa Ilaahay way diisanay,dadka horumerka jecelna waxaan yeeyahay ee awooda inay gacan ka gaystaan hala bakhaylina xoolihiina ee labaxa oo kharka ku tartama kaa suu wanaagu ku jiraaye.
Ugu danbayn waxaan umahad celinayaa shaqaalaha saylac.om iyo maamulkeeda oo runtii iyagu qudhoodu mudan amaan iyo bogaadin maxaa yeelay horumerka waxay ka ciyaaraysaa shabakada saylac kaalin muhiima idinkana Ilahay hadinka abaal maro waxaad umadiina uqabaynsaan.
40 - May 29, 2009 3:44 pm
ASC waxaan aad ugu farxay Hospitalka fistulaha lagu daaweeyo oo noqday kii ugu horeeyay ee laga furo dhulka afka somaliga ah laga hadlo .. Africa oo dhan uu yahay ka sadexaad sida aan mar hore maqlay, waxaan aad ugu ducaynayaa uguna Hambaynayaa DR Qaws oo ahaa firkirka ninkii lahaa naftiisa iyo maalna u huray isaga iyo DR Walhad iyo dhamaan intii ku taageertay ee ay ugu horeyaan Haweenka Reer Awdal ee jooga Maraykanka, Ilahay ha ka siino Ajar iyo xasanaad dhamaantood intii ka qayb gashay .. walaal hadal looma baahna ninkii Ajar iyo wanaag raba wakaa khayr ha la abaabulo sidii aan u caawin lahayn Hospitalkaasi Saylac.com waxaan ka codsanayaa in diyaariso Barnaamij loogu caawinayo Hospitalkaasi Sida ay garoonka iyo Jidkaba ugu dadaalayso la mid ah
Asalaamu calaykum
Caraale Buux - May 29, 2009 8:03 pm
salaamu calaykum dhamaantiin ,waxan aad u salaamyaaa ururka haweenka reer awdal ee degen minesota waxaana mudan in ururkaasi CAWO qurba jooga kale ee rer awdal ku daydaaan maanta hadal looma baahna ee hoo baa loo baahn yahay .dhakaatiirta hopitalka gacanta ku hayaana aad bey u mahadsan tihiin .waxa run ahantii xasuus mudan bahda saylacnews oo run ahaantii la oran karo waa websitek kaliya ee maanta xaqaaa iqda soo gudbiya waaney mahadsan yihiin.kuwa reer awdal ee werxuma tashiilka ah meel kasti oo ay joogaan waxan ilaahay uga baryeynaa inuu dabeyl caafimaad ku daaweeyo .qofku haduuna wax qabaneyn inta wax qabaneysa uun hadalka haka daayo .taasiba waa muhiim.aad baad u mahadsan tihiin.
nabad iyo caano.
AHMED dheere - May 30, 2009 9:59 am
waxaan salaamyaa haweenka reer awdal iyo salal, sida
hawlkarnimada iyo wadinimada ah ee ay isku xilqaameen
koleyba haweenku way ka dabacsanyihiin ragga marka
loo eego taalkuleynta dadka liita, ama taagta daran ee
u baahan caawinta.
waxaan markale salaamayaa marwo faadumo sida wacan ee
ay u abaabushay hawshan waxanan leehay wiildhaan…
markale waxaan leehay sidii aan dhawr jeer oo horeba u
idhi reerawdalaw gacmaha is qabsadaa oo dalkiina waxt-
ara gaar ahaan dadka qurbaha jooga oo ay hayntoodu
fiican tahay , uguna deeqa hawlaha sama falka ah ee ka
taagan dalka idinka oo aan u eegin reer hebelbaa laga
daaweyn ama waxku barta kaliya, ama ceelka meel laga qodo anagu ma degno, sida tii naga qabsatay dagaalkii
sokeeyey mar aan lacag isku dari isni gobolka khaliijka 1988kii in eebbe inaga daweeyo, hadaladana
ha laga ilaaliyo inxiraafka iyo qof eryadka . kalmada-
na ha la siku geeyo si ay waxu tarto
waxaan ugu bishaareynayaa dakhtarkaas magac le in
aan siindoono qalabka lagu baaro xanuunka sonkorta.
waxaanu dhiig ka qaadi karaa (2000)qof. waxaanan kala
tasghan doonaa dhakhaatiirta joogta boorame,
kolba sida ay ku wacan tahay uunbaa ugu wareejindoon
muddo dhaw ( summar season)ka haddii Eebbe idmo…..
reer awdalaw eebbe ha isku kiina hadeeyo, kuwii
is afgarta ee u soo jeesta dalkooda iyo dadkoodaba eebbe ha idinka dhigo aamiin…..
any inquiry donot hesitate to contact me. email..
adbarkhadle@gmail.com. tel.. 00966553565868
DR. BARKHADLE. WARAABBE-CADDE - May 30, 2009 10:00 am
waraabow haddaad aduu dadka wax u qabanayso, sida inanataasi wixii ay sidday ay u qaaday ee halkii ay la rabtay ay u geysey adna.
waayo wey isku wada qabqabsani doonaan oo qabiil qudhmuun hoostaa ku wada haystaan ee aduu u maamul qalabka sidaad u garato
weyrax - May 31, 2009 4:16 am
salaan kadib anuu waxaan layaab rer awdal ama rerahan samaroo horta meel aan boorama ahayn ma jirto miyaa wali maan arag cid dila kafikiraysa iyadooo dila ubaa ba day dartood iyo difaaca samaroon laakiin abaalkeed lama marin. waxaan umalaynayaa sheekadau waa xusulada kusoco waa nin iyo xoogii
wajaale - May 31, 2009 7:21 pm